Suuradda 18aad ee Quraanka

Suuradda Al-Kahf

Makki 110 aayadood Juz 15–16
Al-Kahf

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ عَلَىٰ عَبْدِهِ ٱلْكِتَٰبَ وَلَمْ يَجْعَل لَّهُۥ عِوَجَا ۜ ﴿١﴾

Mahad Eebaa iska leh Eebaha ku soo Dejiyey Addoonkiisa (Nabi Muxamad ah) Kitaabka (Quraanka) oon yeelinna Dhexdiisa Qallooc.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَيِّمًۭا لِّيُنذِرَ بَأْسًۭا شَدِيدًۭا مِّن لَّدُنْهُ وَيُبَشِّرَ ٱلْمُؤْمِنِينَ ٱلَّذِينَ يَعْمَلُونَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا حَسَنًۭا ﴿٢﴾

Waana Toosanyahay si uu ugaga Digo Ciqaab daran oo Eebe Xaggiisa ka ahaatay, uguna Bishaareeyo Mu'miniinta fala Wanaagga inay Muteen Ajir Fiican.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

مَّٰكِثِينَ فِيهِ أَبَدًۭا ﴿٣﴾

Kuna Nagaanayaan (janada) Waligood.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيُنذِرَ ٱلَّذِينَ قَالُوا۟ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدًۭا ﴿٤﴾

Ugana Digo kuwa Yidhi wuxuu yeeshey Eebe Ilmo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

مَّا لَهُم بِهِۦ مِنْ عِلْمٍۢ وَلَا لِءَابَآئِهِمْ ۚ كَبُرَتْ كَلِمَةًۭ تَخْرُجُ مِنْ أَفْوَٰهِهِمْ ۚ إِن يَقُولُونَ إِلَّا كَذِبًۭا ﴿٥﴾

Uma laha wax Cilmi ah iyaga iyo Aabayaalkood midna, waxaana waynaatay Kalimad ka soo Baxday Afafkooda, mana dhahayaan waxaan Been ahayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَلَعَلَّكَ بَٰخِعٌۭ نَّفْسَكَ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمْ إِن لَّمْ يُؤْمِنُوا۟ بِهَٰذَا ٱلْحَدِيثِ أَسَفًا ﴿٦﴾

Waxaad u Dhawdahay inaad ku (Halaagto) Naftaada Nabiyow Raadkooda (gadaashooda) haddayna rumeyn Quraankan, walbahaar dartiis.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّا جَعَلْنَا مَا عَلَى ٱلْأَرْضِ زِينَةًۭ لَّهَا لِنَبْلُوَهُمْ أَيُّهُمْ أَحْسَنُ عَمَلًۭا ﴿٧﴾

Waxaan ka yeellay waxa Dhulka Korkiisa ah Quruxdiisa, si aan u Imtixaanno Midkooda Fiican-Camal.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِنَّا لَجَٰعِلُونَ مَا عَلَيْهَا صَعِيدًۭا جُرُزًا ﴿٨﴾

Waxaana ka yeelaynaa waxa korkeeda ah Bannaan aan wax ka soo Bixin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَمْ حَسِبْتَ أَنَّ أَصْحَٰبَ ٱلْكَهْفِ وَٱلرَّقِيمِ كَانُوا۟ مِنْ ءَايَٰتِنَا عَجَبًا ﴿٩﴾

Ma waxaad u malaysay Nabiyow Godkii Asaxaabtiisii (Dadkiisii) iyo Kitaabkii (iyo Looxii) inay ugu yaab badantahay Aayaadkanaga.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِذْ أَوَى ٱلْفِتْيَةُ إِلَى ٱلْكَهْفِ فَقَالُوا۟ رَبَّنَآ ءَاتِنَا مِن لَّدُنكَ رَحْمَةًۭ وَهَيِّئْ لَنَا مِنْ أَمْرِنَا رَشَدًۭا ﴿١٠﴾

Waa markay u Dummeen Dhallinyaradu Godka oy dhaheen Eebow naga sii Agtaada Naxariis noona Darab Amarkanaga Hanuun.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَضَرَبْنَا عَلَىٰٓ ءَاذَانِهِمْ فِى ٱلْكَهْفِ سِنِينَ عَدَدًۭا ﴿١١﴾

Markaasaan ku Siidaynay Hurdo Godka dhexdiisa Sanooyin Badan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ بَعَثْنَٰهُمْ لِنَعْلَمَ أَىُّ ٱلْحِزْبَيْنِ أَحْصَىٰ لِمَا لَبِثُوٓا۟ أَمَدًۭا ﴿١٢﴾

Markaasaan soo Bixinnay si aan u Muujinno Labada Xizbi midkooda Kobid Badan intay Nagaadeen Muddo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

نَّحْنُ نَقُصُّ عَلَيْكَ نَبَأَهُم بِٱلْحَقِّ ۚ إِنَّهُمْ فِتْيَةٌ ءَامَنُوا۟ بِرَبِّهِمْ وَزِدْنَٰهُمْ هُدًۭى ﴿١٣﴾

Anagaa kaaga Qisoon warkooda si Xaq ah, waxay ahaayeen Dhallinyaro rumeeyey Eebehood, waxaana u siyaadinay hanuun.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَرَبَطْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ إِذْ قَامُوا۟ فَقَالُوا۟ رَبُّنَا رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ لَن نَّدْعُوَا۟ مِن دُونِهِۦٓ إِلَٰهًۭا ۖ لَّقَدْ قُلْنَآ إِذًۭا شَطَطًا ﴿١٤﴾

waxaan xoojinay (oon adkayna) quluubtooda, oyna dhaheen Eebehanno waa Eebeha Samaawaadka iyo Dhulka, baryinamayno (Caabudimayno) Ilaah ka soo hadhay, waxaan ku hadalay markaas hadal Xun (oo baadil ah).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

هَٰٓؤُلَآءِ قَوْمُنَا ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةًۭ ۖ لَّوْلَا يَأْتُونَ عَلَيْهِم بِسُلْطَٰنٍۭ بَيِّنٍۢ ۖ فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًۭا ﴿١٥﴾

Kuwaasu waa qoomkanagii waxay yeesheen Eebe ka sokow ilaahyo, mey u keenaan korkooda wax xujo cad ah, yaase ka dulmi badan ruux ku abuurtay Eebe dushiisa been.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذِ ٱعْتَزَلْتُمُوهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ إِلَّا ٱللَّهَ فَأْوُۥٓا۟ إِلَى ٱلْكَهْفِ يَنشُرْ لَكُمْ رَبُّكُم مِّن رَّحْمَتِهِۦ وَيُهَيِّئْ لَكُم مِّنْ أَمْرِكُم مِّرْفَقًۭا ﴿١٦﴾

markaad ka fogaataan gaalada iyo waxay caabudi oo Eebe ka soo hadhay u dunma godka wuxuu idiin fidin Eebihiin naxariise idinkanadarbi amarkiinna waxaad ku istareexdaan kuna kala saartaan xumaanta iyo wanaagga.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

۞ وَتَرَى ٱلشَّمْسَ إِذَا طَلَعَت تَّزَٰوَرُ عَن كَهْفِهِمْ ذَاتَ ٱلْيَمِينِ وَإِذَا غَرَبَت تَّقْرِضُهُمْ ذَاتَ ٱلشِّمَالِ وَهُمْ فِى فَجْوَةٍۢ مِّنْهُ ۚ ذَٰلِكَ مِنْ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ ۗ مَن يَهْدِ ٱللَّهُ فَهُوَ ٱلْمُهْتَدِ ۖ وَمَن يُضْلِلْ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ وَلِيًّۭا مُّرْشِدًۭا ﴿١٧﴾

waxaad arkaysaa Qorraxda oo markay Dhalato uga iilan Godkooda xagga Midig, markay dhicina ka Gooyn xagga bidix iyagoo ku sugan Meel Waasac ah oo Godka, taasina waxay ka mid tahay Aayaadka Eebe, Ruuxuu hanuuniyo Eebe unbaa hanuunsan, Ruuxuu Dhumiyana u helimaysid Gargaare hanuuniya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَتَحْسَبُهُمْ أَيْقَاظًۭا وَهُمْ رُقُودٌۭ ۚ وَنُقَلِّبُهُمْ ذَاتَ ٱلْيَمِينِ وَذَاتَ ٱلشِّمَالِ ۖ وَكَلْبُهُم بَٰسِطٌۭ ذِرَاعَيْهِ بِٱلْوَصِيدِ ۚ لَوِ ٱطَّلَعْتَ عَلَيْهِمْ لَوَلَّيْتَ مِنْهُمْ فِرَارًۭا وَلَمُلِئْتَ مِنْهُمْ رُعْبًۭا ﴿١٨﴾

Waxaad u malayn inay soo jeedaan iyagoo Jiifa, waxaana u gagadin Midig iyo Bidix, Eygoodiina wuxuu ku fidin Dhudhumadiisa Albaabka, haddaad aragto waad ka jeedsanlahayd, adoocarari waxaana lagaa buuxinlahaa Xagooda Argagax.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَكَذَٰلِكَ بَعَثْنَٰهُمْ لِيَتَسَآءَلُوا۟ بَيْنَهُمْ ۚ قَالَ قَآئِلٌۭ مِّنْهُمْ كَمْ لَبِثْتُمْ ۖ قَالُوا۟ لَبِثْنَا يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍۢ ۚ قَالُوا۟ رَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَا لَبِثْتُمْ فَٱبْعَثُوٓا۟ أَحَدَكُم بِوَرِقِكُمْ هَٰذِهِۦٓ إِلَى ٱلْمَدِينَةِ فَلْيَنظُرْ أَيُّهَآ أَزْكَىٰ طَعَامًۭا فَلْيَأْتِكُم بِرِزْقٍۢ مِّنْهُ وَلْيَتَلَطَّفْ وَلَا يُشْعِرَنَّ بِكُمْ أَحَدًا ﴿١٩﴾

Saasaana u soo bixinay inay is warsadaan dhexdooda, wuxuu yidhi mid ka mid ah imisaad nagaateen, waxay dhaheen waxaan nagaannay Maalin ama maalin qaarkeed, waxay dhaheen Eebeheenbaa og waxaad nagaateen ee ladira midkiin lacagtan xagga Magaalada, hana soo fiiriyo Cid Cunno xalaalaysan * hana idiinka Keeno Rizqi hana isqariyo (oo istartiibiyo) yuuna idin ogeeysiin xaggooda ruuxna.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّهُمْ إِن يَظْهَرُوا۟ عَلَيْكُمْ يَرْجُمُوكُمْ أَوْ يُعِيدُوكُمْ فِى مِلَّتِهِمْ وَلَن تُفْلِحُوٓا۟ إِذًا أَبَدًۭا ﴿٢٠﴾

iyagu hadday idin arkaan way idin dhagaxyeyn, ama idinku Celin diintooda mana Liibaanaysaan markaas waligiin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَكَذَٰلِكَ أَعْثَرْنَا عَلَيْهِمْ لِيَعْلَمُوٓا۟ أَنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّۭ وَأَنَّ ٱلسَّاعَةَ لَا رَيْبَ فِيهَآ إِذْ يَتَنَٰزَعُونَ بَيْنَهُمْ أَمْرَهُمْ ۖ فَقَالُوا۟ ٱبْنُوا۟ عَلَيْهِم بُنْيَٰنًۭا ۖ رَّبُّهُمْ أَعْلَمُ بِهِمْ ۚ قَالَ ٱلَّذِينَ غَلَبُوا۟ عَلَىٰٓ أَمْرِهِمْ لَنَتَّخِذَنَّ عَلَيْهِم مَّسْجِدًۭا ﴿٢١﴾

Saasaan u daalacsiinay (u tusinay) Dadka si ay u ogaadaan in yabooha Eebe Xaq yahay, saacadda (qiyaamana) aan shaki ku jirin (waxaan tusinay) markay ku murmeen dhexdooda amarkooda, oy (isku) dhaheen ka dhisa korkooda dhismo, Eebahood baa og iyagee, waxay dhaheen kuwii ku reeyey amarkooda aan ka yeelano korkooda Masaajid.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

سَيَقُولُونَ ثَلَٰثَةٌۭ رَّابِعُهُمْ كَلْبُهُمْ وَيَقُولُونَ خَمْسَةٌۭ سَادِسُهُمْ كَلْبُهُمْ رَجْمًۢا بِٱلْغَيْبِ ۖ وَيَقُولُونَ سَبْعَةٌۭ وَثَامِنُهُمْ كَلْبُهُمْ ۚ قُل رَّبِّىٓ أَعْلَمُ بِعِدَّتِهِم مَّا يَعْلَمُهُمْ إِلَّا قَلِيلٌۭ ۗ فَلَا تُمَارِ فِيهِمْ إِلَّا مِرَآءًۭ ظَٰهِرًۭا وَلَا تَسْتَفْتِ فِيهِم مِّنْهُمْ أَحَدًۭا ﴿٢٢﴾

waxay dhihi waxay ahaayeen saddex waxaana afreeyey Eygoodii, waxay dhihi waxay ahaayeen shan waxaana lixeeyey eygoodii iyagoo iska gani wax maqan (iska dhihi cilmi la'aan) waxay dhihi waxay ahaayeen todobo waxaana siddeedeeyey eygoodii, waxaad dhahdaa Eebahay baa og tiradooda, mana oga wax yar mooyee, ee ha kula murmin xaalkooda muran muuqda oo fudud mooyee, hana waydiin xaggooda Ruuxna.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَا تَقُولَنَّ لِشَا۟ىْءٍ إِنِّى فَاعِلٌۭ ذَٰلِكَ غَدًا ﴿٢٣﴾

ha ku dhihin shaygaasaan fali barii.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ ۚ وَٱذْكُر رَّبَّكَ إِذَا نَسِيتَ وَقُلْ عَسَىٰٓ أَن يَهْدِيَنِ رَبِّى لِأَقْرَبَ مِنْ هَٰذَا رَشَدًۭا ﴿٢٤﴾

(adoon dhihin) hadduu doono Eebe, xusna Eebahaa haddaad halmaanto, waxaadna dhahdaa wuxuu u dhawyahay inuu igu hanuuniyo Eebahay wax ka dhaw kaas oo toosni ah.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَبِثُوا۟ فِى كَهْفِهِمْ ثَلَٰثَ مِا۟ئَةٍۢ سِنِينَ وَٱزْدَادُوا۟ تِسْعًۭا ﴿٢٥﴾

waxay ku nagaadeen godkoodii seddex boqol oo sano waxayna siyaadsadeen sagaal.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قُلِ ٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا لَبِثُوا۟ ۖ لَهُۥ غَيْبُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ أَبْصِرْ بِهِۦ وَأَسْمِعْ ۚ مَا لَهُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِىٍّۢ وَلَا يُشْرِكُ فِى حُكْمِهِۦٓ أَحَدًۭا ﴿٢٦﴾

waxaad dhahdaa Eebaa og waxay nagaadeen waxaa u sugnaaday waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, arki ogaa oo maqli ogaa Eebe, umana sugnaanin Dadka isaga ka sokow gargaare lamana wadaajiyo xukunkiisa Cidna.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱتْلُ مَآ أُوحِىَ إِلَيْكَ مِن كِتَابِ رَبِّكَ ۖ لَا مُبَدِّلَ لِكَلِمَٰتِهِۦ وَلَن تَجِدَ مِن دُونِهِۦ مُلْتَحَدًۭا ﴿٢٧﴾

akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo kitaabka Eebahaa ah, wax baddali kalimooyinkiisana ma jiro, mana helaysid wax ka sokeeya ood magangashid.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱصْبِرْ نَفْسَكَ مَعَ ٱلَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُم بِٱلْغَدَوٰةِ وَٱلْعَشِىِّ يُرِيدُونَ وَجْهَهُۥ ۖ وَلَا تَعْدُ عَيْنَاكَ عَنْهُمْ تُرِيدُ زِينَةَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ وَلَا تُطِعْ مَنْ أَغْفَلْنَا قَلْبَهُۥ عَن ذِكْرِنَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ وَكَانَ أَمْرُهُۥ فُرُطًۭا ﴿٢٨﴾

ee ku samirsii naftaada la jirka kuwa baryaya Eebahood aroor iyo galabba, iyagoo dooni wajigiisa, yeyna ka iilanin Indhahaagu xagooda adoo dooni quruxda nolosah dhaw (ee aduun) hana adeeein ruuxaan halmaansiinnay qalbigiisa Xusiddanada oo raacay hawadiisa uuna ahaaday amarkiisu xadgudub (iyo Xumaan).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَقُلِ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّكُمْ ۖ فَمَن شَآءَ فَلْيُؤْمِن وَمَن شَآءَ فَلْيَكْفُرْ ۚ إِنَّآ أَعْتَدْنَا لِلظَّٰلِمِينَ نَارًا أَحَاطَ بِهِمْ سُرَادِقُهَا ۚ وَإِن يَسْتَغِيثُوا۟ يُغَاثُوا۟ بِمَآءٍۢ كَٱلْمُهْلِ يَشْوِى ٱلْوُجُوهَ ۚ بِئْسَ ٱلشَّرَابُ وَسَآءَتْ مُرْتَفَقًا ﴿٢٩﴾

waxaad dhahdaa xaqu Eebihiin buu ka ahaaday ee ciddii doonta ha gaalowdo, anagu waxaan u darabnay daalimiinta naar oy koobtay iyaga (barxadeedu) iyo darbigeedu, hadday kaalmo warsadaanna waxaa, loogu kaalmeeya biyo daamuur oo kale ah oo duba wajiyada iyagaa u xun cabbid iyadaana u xun dangiigsi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجْرَ مَنْ أَحْسَنَ عَمَلًا ﴿٣٠﴾

Kuwa rumeeyey (Xaqa) oo camal fiican falay annagu ma hallayno Ciddii Wanaajisa Camalka.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ جَنَّٰتُ عَدْنٍۢ تَجْرِى مِن تَحْتِهِمُ ٱلْأَنْهَٰرُ يُحَلَّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٍۢ وَيَلْبَسُونَ ثِيَابًا خُضْرًۭا مِّن سُندُسٍۢ وَإِسْتَبْرَقٍۢ مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ ۚ نِعْمَ ٱلثَّوَابُ وَحَسُنَتْ مُرْتَفَقًۭا ﴿٣١﴾

Kuwaas waxay mudan janada Cadnin oo dureeri Dhexdeeda Wabiyaal, looguna Labisi Dhexdeeda Jijimo Dahab ah, una xidhay Maryo Caggaaran oo Xariir Jilicsan iyo mid adagba, waxayna ku Dangiigsan dhexdeeda Sariiro korkood, waa abaal marin Fiican una Wanaagsan meel lagu (istareexo) laguna nasto.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

۞ وَٱضْرِبْ لَهُم مَّثَلًۭا رَّجُلَيْنِ جَعَلْنَا لِأَحَدِهِمَا جَنَّتَيْنِ مِنْ أَعْنَٰبٍۢ وَحَفَفْنَٰهُمَا بِنَخْلٍۢ وَجَعَلْنَا بَيْنَهُمَا زَرْعًۭا ﴿٣٢﴾

Uga yeel tusaalc Labo Nin oon u yeellay Midkood Laba Beerood oo Cinab ah, kuna koobnay Timir yeellayna Dhexdeeda Tallaal (beer).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كِلْتَا ٱلْجَنَّتَيْنِ ءَاتَتْ أُكُلَهَا وَلَمْ تَظْلِم مِّنْهُ شَيْـًۭٔا ۚ وَفَجَّرْنَا خِلَٰلَهُمَا نَهَرًۭا ﴿٣٣﴾

Labada Beeroodba oy keentay Cunnadeedii, oyna waxba Nusqaamina, oon kana Dhambalay dhexdeeda Wabiyo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَكَانَ لَهُۥ ثَمَرٌۭ فَقَالَ لِصَٰحِبِهِۦ وَهُوَ يُحَاوِرُهُۥٓ أَنَا۠ أَكْثَرُ مِنكَ مَالًۭا وَأَعَزُّ نَفَرًۭا ﴿٣٤﴾

Midhana uu leeyahay oo markaas ku yidhi Saaxiibkiis asagoo hadalka ku celcelin anaa kaa Xoolo badan Kaana Tol badan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَدَخَلَ جَنَّتَهُۥ وَهُوَ ظَالِمٌۭ لِّنَفْسِهِۦ قَالَ مَآ أَظُنُّ أَن تَبِيدَ هَٰذِهِۦٓ أَبَدًۭا ﴿٣٥﴾

Wuxuu galay Beertiisii isagoo dulmiyey Naftiisa, wuxuu yidhi uma malaynayo inay Halaagsami Waligeed.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَآ أَظُنُّ ٱلسَّاعَةَ قَآئِمَةًۭ وَلَئِن رُّدِدتُّ إِلَىٰ رَبِّى لَأَجِدَنَّ خَيْرًۭا مِّنْهَا مُنقَلَبًۭا ﴿٣٦﴾

Umana Malaynayo in Saacadda (Qiyaame) kici, haddii lay celiyo Xagga Eebahayna waxaan ka heli mid ka khayrroon Noqoshada.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالَ لَهُۥ صَاحِبُهُۥ وَهُوَ يُحَاوِرُهُۥٓ أَكَفَرْتَ بِٱلَّذِى خَلَقَكَ مِن تُرَابٍۢ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍۢ ثُمَّ سَوَّىٰكَ رَجُلًۭا ﴿٣٧﴾

Wuxuu yidhi saaxiibkiisii isagoo la hadli ma waxaad ka gaaloowday Eebaha kaa Abuuray Carro, hadana dhibic markaas ku ekeeyey adoo nin ah.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لَّٰكِنَّا۠ هُوَ ٱللَّهُ رَبِّى وَلَآ أُشْرِكُ بِرَبِّىٓ أَحَدًۭا ﴿٣٨﴾

hasa yeeshee ilaahay waa Eebahay lana wadaajiin maayo Eebahay (cibaadada) cidna.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَوْلَآ إِذْ دَخَلْتَ جَنَّتَكَ قُلْتَ مَا شَآءَ ٱللَّهُ لَا قُوَّةَ إِلَّا بِٱللَّهِ ۚ إِن تَرَنِ أَنَا۠ أَقَلَّ مِنكَ مَالًۭا وَوَلَدًۭا ﴿٣٩﴾

maxaadan markaad gasho beertaada u dhihin wuxuu doone Eebe*, xoog ma jiro Eebe mooyee, haddaad aragtay anoo kaa yar adiga xoolo iyo Caruurba.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَعَسَىٰ رَبِّىٓ أَن يُؤْتِيَنِ خَيْرًۭا مِّن جَنَّتِكَ وَيُرْسِلَ عَلَيْهَا حُسْبَانًۭا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَتُصْبِحَ صَعِيدًۭا زَلَقًا ﴿٤٠﴾

wuxuu u dhawyahay Eebehay inuu i siiyo wax ka khayr badan Beertaada, kuna diro korkeeda aafo samo, oy markaas ahaato bannaan lagu simbiririxoodo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَوْ يُصْبِحَ مَآؤُهَا غَوْرًۭا فَلَن تَسْتَطِيعَ لَهُۥ طَلَبًۭا ﴿٤١﴾

ama ahadaan biyaheedu kuwa gudha oodan karin doonid (soo celin).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأُحِيطَ بِثَمَرِهِۦ فَأَصْبَحَ يُقَلِّبُ كَفَّيْهِ عَلَىٰ مَآ أَنفَقَ فِيهَا وَهِىَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَيَقُولُ يَٰلَيْتَنِى لَمْ أُشْرِكْ بِرَبِّىٓ أَحَدًۭا ﴿٤٢﴾

waa la koobay midhihiisii (la halaagay) oo ahaaday kii gaddin gaemihiisa wuxuu ku bixiyey iyadoo ku dhacday darbiyadeeda, isagoo leh shalleytee maanan la wadaajin Eebahay Cidna.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَمْ تَكُن لَّهُۥ فِئَةٌۭ يَنصُرُونَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَمَا كَانَ مُنتَصِرًا ﴿٤٣﴾

uma ahaanin koox u gargaarta oo ka soo hadhay Eebe mana aha mid gargaarta.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

هُنَالِكَ ٱلْوَلَٰيَةُ لِلَّهِ ٱلْحَقِّ ۚ هُوَ خَيْرٌۭ ثَوَابًۭا وَخَيْرٌ عُقْبًۭا ﴿٤٤﴾

halkaas (qiyaamada) yey awoodu u ahaan Eebaha xaqa ah, isagaana khayrroon abaal marin khayrroonna cidhib.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱضْرِبْ لَهُم مَّثَلَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا كَمَآءٍ أَنزَلْنَٰهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ فَٱخْتَلَطَ بِهِۦ نَبَاتُ ٱلْأَرْضِ فَأَصْبَحَ هَشِيمًۭا تَذْرُوهُ ٱلرِّيَٰحُ ۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ مُّقْتَدِرًا ﴿٤٥﴾

uga yeel Nabiyow tusaale nolosha Adduunyo Biyo oo kale oon ka soo dejinay samada oo isku darsamay waxa ka soo baxay dhulka oo markaas noqday ingayg kala firdhiso dabayluhu, wuxuuna ahaaday Eebe kii wax kasta kara.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلْمَالُ وَٱلْبَنُونَ زِينَةُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ وَٱلْبَٰقِيَٰتُ ٱلصَّٰلِحَٰتُ خَيْرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابًۭا وَخَيْرٌ أَمَلًۭا ﴿٤٦﴾

xoolaha iyo wiilashu (caruurtu) waa quruxda nolosha adduunyo, kuwa hadha ee wanaagsan yaa ku khayrroon Eebahaa agtiisa abaalmarin una khayrroon yididiilo (camalka fiican).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيَوْمَ نُسَيِّرُ ٱلْجِبَالَ وَتَرَى ٱلْأَرْضَ بَارِزَةًۭ وَحَشَرْنَٰهُمْ فَلَمْ نُغَادِرْ مِنْهُمْ أَحَدًۭا ﴿٤٧﴾

xus maalinta aannu kaxayn buuraha ood arkayso dhulka oo muuqda, oon soo kulminay dadkii oonan ka tagin cidna.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَعُرِضُوا۟ عَلَىٰ رَبِّكَ صَفًّۭا لَّقَدْ جِئْتُمُونَا كَمَا خَلَقْنَٰكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍۭ ۚ بَلْ زَعَمْتُمْ أَلَّن نَّجْعَلَ لَكُم مَّوْعِدًۭا ﴿٤٨﴾

waxaana loo banbhigi dadkii Eebahaa iyagoo saf ah, dhab ahaan yaad noogu timaadaan saan idiin abuuray markii horaba (yaa lagu dhihi) waxaadse sheegateen inaanaan idiin yeelayn ballan «kulama».

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَوُضِعَ ٱلْكِتَٰبُ فَتَرَى ٱلْمُجْرِمِينَ مُشْفِقِينَ مِمَّا فِيهِ وَيَقُولُونَ يَٰوَيْلَتَنَا مَالِ هَٰذَا ٱلْكِتَٰبِ لَا يُغَادِرُ صَغِيرَةًۭ وَلَا كَبِيرَةً إِلَّآ أَحْصَىٰهَا ۚ وَوَجَدُوا۟ مَا عَمِلُوا۟ حَاضِرًۭا ۗ وَلَا يَظْلِمُ رَبُّكَ أَحَدًۭا ﴿٤٩﴾

waxaana la dejin (keeni) Kitaabkii (camalka) waxaadna arkaysaa dambiilayaashii oo ka cabsan waxaa ku sugan oo dhihi halaaganee muxuu leeyahay kitaabkan oosan uga tagayn wax yar iyo wax wayn ee uu koobay wayna heli waxay camal faleen oo jooga, manadulmiyo Eebahaa cidna.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَٰٓئِكَةِ ٱسْجُدُوا۟ لِءَادَمَ فَسَجَدُوٓا۟ إِلَّآ إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ ٱلْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِۦٓ ۗ أَفَتَتَّخِذُونَهُۥ وَذُرِّيَّتَهُۥٓ أَوْلِيَآءَ مِن دُونِى وَهُمْ لَكُمْ عَدُوٌّۢ ۚ بِئْسَ لِلظَّٰلِمِينَ بَدَلًۭا ﴿٥٠﴾

(xusuuso) markaan ku nidhi Malaa'igta u sujuuda Aadam, oo ay sujuudeen Ibliis mooyee, wuxuu ka mid yahay Jinniga wuxuuna ka faasiqoobay (baxay) amarka Eebe, miyaad ka yeelanaysaan isaga iyo faraciisa gargaare ani ka sokow iyagoo col idiin ah, waxaa u xun daalimiinta badelkooda (ibliis).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

۞ مَّآ أَشْهَدتُّهُمْ خَلْقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَلَا خَلْقَ أَنفُسِهِمْ وَمَا كُنتُ مُتَّخِذَ ٱلْمُضِلِّينَ عَضُدًۭا ﴿٥١﴾

maraga ugama dhigin kuwaas abuurka Samooyinka iyo dhulka iyo abuurka Naftooda, mana ihi mid ka yeelan baadiyayaalka kaalmo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيَوْمَ يَقُولُ نَادُوا۟ شُرَكَآءِىَ ٱلَّذِينَ زَعَمْتُمْ فَدَعَوْهُمْ فَلَمْ يَسْتَجِيبُوا۟ لَهُمْ وَجَعَلْنَا بَيْنَهُم مَّوْبِقًۭا ﴿٥٢﴾

(xusuuso) maalinta Eebe dhihi u yeedha kuwaad ila wadaajiseen (Cibaadada) ood sheegteen (adduunka) markaasay u yeedheen mana ajiibin (u jawaabin) waxaana yeellay dhexdooda Meel halaag.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَرَءَا ٱلْمُجْرِمُونَ ٱلنَّارَ فَظَنُّوٓا۟ أَنَّهُم مُّوَاقِعُوهَا وَلَمْ يَجِدُوا۟ عَنْهَا مَصْرِفًۭا ﴿٥٣﴾

waxayna arkaan dambiilayaashu naarta waxayna yaqiinsan inay ku dhici mana helayaan xageeda meelay uga iishaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَقَدْ صَرَّفْنَا فِى هَٰذَا ٱلْقُرْءَانِ لِلنَّاسِ مِن كُلِّ مَثَلٍۢ ۚ وَكَانَ ٱلْإِنسَٰنُ أَكْثَرَ شَىْءٍۢ جَدَلًۭا ﴿٥٤﴾

dhab ahaan yaan ugu caddaynay quraankan dadka tusaale kasta, waxayna ahaadeen dadkii kuwo muran badan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَا مَنَعَ ٱلنَّاسَ أَن يُؤْمِنُوٓا۟ إِذْ جَآءَهُمُ ٱلْهُدَىٰ وَيَسْتَغْفِرُوا۟ رَبَّهُمْ إِلَّآ أَن تَأْتِيَهُمْ سُنَّةُ ٱلْأَوَّلِينَ أَوْ يَأْتِيَهُمُ ٱلْعَذَابُ قُبُلًۭا ﴿٥٥﴾

wax ka reebay dadka inay rumeeyaan markuu u yimid hanuunku oy dambi dhaaf warsadaan Eebahood ma jiro oon ahayn (sugid) inay u timaaddo waddadii kuwii hore, ama ugu yimaaddo cadaab caddaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَا نُرْسِلُ ٱلْمُرْسَلِينَ إِلَّا مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ ۚ وَيُجَٰدِلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِٱلْبَٰطِلِ لِيُدْحِضُوا۟ بِهِ ٱلْحَقَّ ۖ وَٱتَّخَذُوٓا۟ ءَايَٰتِى وَمَآ أُنذِرُوا۟ هُزُوًۭا ﴿٥٦﴾

mana dirro rasuullada iyagoon bishaaraynneyn oon digayn, waxayna ku murmi kuwii gaaloobay xumaan inay ku buriyaan xaqa, waxayna ka yeesheen aayaadkeygii iyo wixii loogu digay jeesjees.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦ فَأَعْرَضَ عَنْهَا وَنَسِىَ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ ۚ إِنَّا جَعَلْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ أَكِنَّةً أَن يَفْقَهُوهُ وَفِىٓ ءَاذَانِهِمْ وَقْرًۭا ۖ وَإِن تَدْعُهُمْ إِلَى ٱلْهُدَىٰ فَلَن يَهْتَدُوٓا۟ إِذًا أَبَدًۭا ﴿٥٧﴾

ruuxna kama dulmin badana cid lagu waaniyey aayaadka Eebihiis markaas ka jeedsaday xageeda oo halmaamay waxay hormarsadeen gacmihiisu, waxaan yeellay quluubtooda dabool inayan fahmin quraanka dhagahooda culays haddaad ugu yeedho hanuunkana ma hanuunayaan waligood.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَرَبُّكَ ٱلْغَفُورُ ذُو ٱلرَّحْمَةِ ۖ لَوْ يُؤَاخِذُهُم بِمَا كَسَبُوا۟ لَعَجَّلَ لَهُمُ ٱلْعَذَابَ ۚ بَل لَّهُم مَّوْعِدٌۭ لَّن يَجِدُوا۟ مِن دُونِهِۦ مَوْئِلًۭا ﴿٥٨﴾

Eebahaa waa dambi dhaafe naxariisleh hadduu u qaban dadka waxay kasbadeen (oo xumaan) wuxuu u dadajin cadaabka, waxayse leeyihiin ballan oyna helayn meelay uga iishaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَتِلْكَ ٱلْقُرَىٰٓ أَهْلَكْنَٰهُمْ لَمَّا ظَلَمُوا۟ وَجَعَلْنَا لِمَهْلِكِهِم مَّوْعِدًۭا ﴿٥٩﴾

taasi waa magaalooyinkii oon halaagnay markay dulmi faleen waxaana u yeellay halaagoodii ballan (waqti).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِفَتَىٰهُ لَآ أَبْرَحُ حَتَّىٰٓ أَبْلُغَ مَجْمَعَ ٱلْبَحْرَيْنِ أَوْ أَمْضِىَ حُقُبًۭا ﴿٦٠﴾

(xusuuso) markuu ku yidhi (Nabi) Muuse yarkiisii (ardaygiisii) ma joogayo intaan ka gaadho kulanka labada Badood, amaan socdo muddo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَلَمَّا بَلَغَا مَجْمَعَ بَيْنِهِمَا نَسِيَا حُوتَهُمَا فَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِى ٱلْبَحْرِ سَرَبًۭا ﴿٦١﴾

markay gaadheen kulankooda waxay halmaameen kalluunkoodii oo ka dhigtay waddadiisa badda dhexdeeda Godoo kale.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَلَمَّا جَاوَزَا قَالَ لِفَتَىٰهُ ءَاتِنَا غَدَآءَنَا لَقَدْ لَقِينَا مِن سَفَرِنَا هَٰذَا نَصَبًۭا ﴿٦٢﴾

markay tallaabeen yuu ku yidhi khaadimkiisii ina sii qadadeenna waxaan kala kulannay safarkeenna daale.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالَ أَرَءَيْتَ إِذْ أَوَيْنَآ إِلَى ٱلصَّخْرَةِ فَإِنِّى نَسِيتُ ٱلْحُوتَ وَمَآ أَنسَىٰنِيهُ إِلَّا ٱلشَّيْطَٰنُ أَنْ أَذْكُرَهُۥ ۚ وَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِى ٱلْبَحْرِ عَجَبًۭا ﴿٦٣﴾

wuxuu yidhi (yarkii) ka warran markaan u dumannay dhagixii inaan halmaamay kalluunkii wax i halmaansiiyey oon shaydaan ahayn inaan xusuusto ma jiro, wuxuuna ka dhigtay waddadiisa badda la yaab.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالَ ذَٰلِكَ مَا كُنَّا نَبْغِ ۚ فَٱرْتَدَّا عَلَىٰٓ ءَاثَارِهِمَا قَصَصًۭا ﴿٦٤﴾

wuxuu yidhi (Nabi Muuse) kaasi waa kaan doonaynay, waxayna ku noqdeen raadkoodii iyagoo raaci.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَوَجَدَا عَبْدًۭا مِّنْ عِبَادِنَآ ءَاتَيْنَٰهُ رَحْمَةًۭ مِّنْ عِندِنَا وَعَلَّمْنَٰهُ مِن لَّدُنَّا عِلْمًۭا ﴿٦٥﴾

waxayna ka heleen addoon ka mid ah addoomadanada oon siinay naxariis agtanada ah ka barneyna agtanada cilmi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰ هَلْ أَتَّبِعُكَ عَلَىٰٓ أَن تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمْتَ رُشْدًۭا ﴿٦٦﴾

wuxuu ku yidhi muuse ma ku raaci karaa inaad i bartid waxa lagu baray oo hanuun ah.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالَ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِىَ صَبْرًۭا ﴿٦٧﴾

wuxuuna ku yidhi (Khadir) adigu ma karaysid la jirkayga samir.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَكَيْفَ تَصْبِرُ عَلَىٰ مَا لَمْ تُحِطْ بِهِۦ خُبْرًۭا ﴿٦٨﴾

seed ugu samri waxaadan koobin cilmi (aqoon).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالَ سَتَجِدُنِىٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ صَابِرًۭا وَلَآ أَعْصِى لَكَ أَمْرًۭا ﴿٦٩﴾

wuxuu yidhi (muuse) waad i heli hadduu Eebe doono mid ku samra oon kuguna caasiyin arrin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالَ فَإِنِ ٱتَّبَعْتَنِى فَلَا تَسْـَٔلْنِى عَن شَىْءٍ حَتَّىٰٓ أُحْدِثَ لَكَ مِنْهُ ذِكْرًۭا ﴿٧٠﴾

wuxuu yidhi haddaad i raacdo hay waydiinin waxba intaan kaaga sheego (warramo).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا رَكِبَا فِى ٱلسَّفِينَةِ خَرَقَهَا ۖ قَالَ أَخَرَقْتَهَا لِتُغْرِقَ أَهْلَهَا لَقَدْ جِئْتَ شَيْـًٔا إِمْرًۭا ﴿٧١﴾

way tageen intay ka koreen markab oo uu rujiyey (loox) markaas uu yidhi ma waxaad u rujisay inaad dadkeeda maansheyso waxaad la timid arrin la kahdo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالَ أَلَمْ أَقُلْ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِىَ صَبْرًۭا ﴿٧٢﴾

wuxuu ku yidhi miyaanan ku dhihin adigu ma karaysid la jirkayga samir.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالَ لَا تُؤَاخِذْنِى بِمَا نَسِيتُ وَلَا تُرْهِقْنِى مِنْ أَمْرِى عُسْرًۭا ﴿٧٣﴾

wuxuu yidhi (muuse) ha iiqabanin waxaan halmaamay hana igu mashaqayn amarkayga si dhib ah.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا لَقِيَا غُلَٰمًۭا فَقَتَلَهُۥ قَالَ أَقَتَلْتَ نَفْسًۭا زَكِيَّةًۢ بِغَيْرِ نَفْسٍۢ لَّقَدْ جِئْتَ شَيْـًۭٔا نُّكْرًۭا ﴿٧٤﴾

way tageen intay kala kulmaan wiil (yar) markaasuu dilay, markaasuu yidhi Muuse ma waxaad dishay naf daahir ah oon naf dilin, waxaad la timid shay la kahdo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

۞ قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكَ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِىَ صَبْرًۭا ﴿٧٥﴾

wuxuu yidhi miyaanan kuu dhihin adigu ma karaysid la jirkayga samir.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالَ إِن سَأَلْتُكَ عَن شَىْءٍۭ بَعْدَهَا فَلَا تُصَٰحِبْنِى ۖ قَدْ بَلَغْتَ مِن لَّدُنِّى عُذْرًۭا ﴿٧٦﴾

wuxuu yidhi haddaan ku warsado wax tan dabadeed hayla saaxiibin waxaad gaadhay garowsho xaggayga ahe.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَيَآ أَهْلَ قَرْيَةٍ ٱسْتَطْعَمَآ أَهْلَهَا فَأَبَوْا۟ أَن يُضَيِّفُوهُمَا فَوَجَدَا فِيهَا جِدَارًۭا يُرِيدُ أَن يَنقَضَّ فَأَقَامَهُۥ ۖ قَالَ لَوْ شِئْتَ لَتَّخَذْتَ عَلَيْهِ أَجْرًۭا ﴿٧٧﴾

way tageen intay ka yimaadaan magaalo oy warsadaan cunno dadkeeda wayna diideen inay martigaliyaan waxayna heleen darbi dooni inuu dumo markaasuu joojiyey wuxuuna yidhi haddaad doonto waxaad ka yeelan lahayd ujuuro.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالَ هَٰذَا فِرَاقُ بَيْنِى وَبَيْنِكَ ۚ سَأُنَبِّئُكَ بِتَأْوِيلِ مَا لَمْ تَسْتَطِع عَّلَيْهِ صَبْرًا ﴿٧٨﴾

wuxuu yidhi kan waa kala tagii dhexdeenna, waxaana kaaga warrami fasiraadda waxaadan karin inaad ku samirto.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَمَّا ٱلسَّفِينَةُ فَكَانَتْ لِمَسَٰكِينَ يَعْمَلُونَ فِى ٱلْبَحْرِ فَأَرَدتُّ أَنْ أَعِيبَهَا وَكَانَ وَرَآءَهُم مَّلِكٌۭ يَأْخُذُ كُلَّ سَفِينَةٍ غَصْبًۭا ﴿٧٩﴾

markabka waxaa lahaa masaakiin ka shaqqeeya badda waxaana doonay inaan Ceebeeyo waxaana ahaa hortooda xaakim ka qaata doon kasta (oo fayow) dhaca.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَمَّا ٱلْغُلَٰمُ فَكَانَ أَبَوَاهُ مُؤْمِنَيْنِ فَخَشِينَآ أَن يُرْهِقَهُمَا طُغْيَٰنًۭا وَكُفْرًۭا ﴿٨٠﴾

Wiilkana waxay ahaayeen labadiisii waalid mu'miniin waxaana ka cabsannay inuu ku mashaqeeyo xadgudub iyo (gaalimo).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَأَرَدْنَآ أَن يُبْدِلَهُمَا رَبُّهُمَا خَيْرًۭا مِّنْهُ زَكَوٰةًۭ وَأَقْرَبَ رُحْمًۭا ﴿٨١﴾

waxaana doonnay inuu ugu badalo Eebahood mid ka khayroon daahirnimo iyo u dhawi naxariis.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَمَّا ٱلْجِدَارُ فَكَانَ لِغُلَٰمَيْنِ يَتِيمَيْنِ فِى ٱلْمَدِينَةِ وَكَانَ تَحْتَهُۥ كَنزٌۭ لَّهُمَا وَكَانَ أَبُوهُمَا صَٰلِحًۭا فَأَرَادَ رَبُّكَ أَن يَبْلُغَآ أَشُدَّهُمَا وَيَسْتَخْرِجَا كَنزَهُمَا رَحْمَةًۭ مِّن رَّبِّكَ ۚ وَمَا فَعَلْتُهُۥ عَنْ أَمْرِى ۚ ذَٰلِكَ تَأْوِيلُ مَا لَمْ تَسْطِع عَّلَيْهِ صَبْرًۭا ﴿٨٢﴾

darbigana waxaa leh labo wiil oo agoon ah oo magaalada, waxaana hoostiisa ah kansi ay leeyihiin wuxuuna ahaa aabahood mid suubban, wuxuuna doonay Eebahaa inay gaadhaan xooggooda lana baxaan kansigooda naxariista Eebahaa dartiis, uma falin rayigayga kaasi waa fasirka waxaadan karin samirkiisa*.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيَسْـَٔلُونَكَ عَن ذِى ٱلْقَرْنَيْنِ ۖ قُلْ سَأَتْلُوا۟ عَلَيْكُم مِّنْهُ ذِكْرًا ﴿٨٣﴾

waxay ku warsan Dul qarnayn xaggiisa waxaad dhahdaa waxaan idinku akhrin xaggiisa war (waxyi).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّا مَكَّنَّا لَهُۥ فِى ٱلْأَرْضِ وَءَاتَيْنَٰهُ مِن كُلِّ شَىْءٍۢ سَبَبًۭا ﴿٨٤﴾

a nagaa makaninay (siinnay) xukun dhulka waxaana u sinnay wax kasta sabab (cilmi).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَأَتْبَعَ سَبَبًا ﴿٨٥﴾

wuxuuna raacay waddo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَغْرِبَ ٱلشَّمْسِ وَجَدَهَا تَغْرُبُ فِى عَيْنٍ حَمِئَةٍۢ وَوَجَدَ عِندَهَا قَوْمًۭا ۗ قُلْنَا يَٰذَا ٱلْقَرْنَيْنِ إِمَّآ أَن تُعَذِّبَ وَإِمَّآ أَن تَتَّخِذَ فِيهِمْ حُسْنًۭا ﴿٨٦﴾

markuu gaadhay qorrax u dhacna wuxuu helay iyadoo ku dhici il dhoobo ah (muuqaalka) wuxuuna ka helay agteeda qoom, waxaana nidhi Dul qarnaynow waa inaad cadaabto ama ka yeelato wanaag.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالَ أَمَّا مَن ظَلَمَ فَسَوْفَ نُعَذِّبُهُۥ ثُمَّ يُرَدُّ إِلَىٰ رَبِّهِۦ فَيُعَذِّبُهُۥ عَذَابًۭا نُّكْرًۭا ﴿٨٧﴾

wuxuuna yidhi ruuxii dulmi fala waannu cadaabi (ciqaabi) markaasaa loo celin Eebihiis wuuna cadaabi cadaab daran.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَمَّا مَنْ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحًۭا فَلَهُۥ جَزَآءً ٱلْحُسْنَىٰ ۖ وَسَنَقُولُ لَهُۥ مِنْ أَمْرِنَا يُسْرًۭا ﴿٨٨﴾

ruuxiise rumeeya oo fala wanaag wuxuu mudan abaal fiican waxaana u dhihi amarkannaga fudayd.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ أَتْبَعَ سَبَبًا ﴿٨٩﴾

markaasuu raacay waddo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَطْلِعَ ٱلشَّمْسِ وَجَدَهَا تَطْلُعُ عَلَىٰ قَوْمٍۢ لَّمْ نَجْعَل لَّهُم مِّن دُونِهَا سِتْرًۭا ﴿٩٠﴾

markuu gaadhay qorrax ka soo baxna wuxuu helay iyadoo ku soo baxda qoom aanaan yeelin sokeydeeda asturaad.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كَذَٰلِكَ وَقَدْ أَحَطْنَا بِمَا لَدَيْهِ خُبْرًۭا ﴿٩١﴾

waa sidaas, waxaana ku koobnaa waxa agtaada ah ogaansho.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ أَتْبَعَ سَبَبًا ﴿٩٢﴾

markaasuu raacay waddo,

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ بَيْنَ ٱلسَّدَّيْنِ وَجَدَ مِن دُونِهِمَا قَوْمًۭا لَّا يَكَادُونَ يَفْقَهُونَ قَوْلًۭا ﴿٩٣﴾

markuu gaadhay labada xidhmo dhexdooda wuxuu ka helay hortooda qoom aan garanayn hadal (af gaar ah k u hadla).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالُوا۟ يَٰذَا ٱلْقَرْنَيْنِ إِنَّ يَأْجُوجَ وَمَأْجُوجَ مُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ فَهَلْ نَجْعَلُ لَكَ خَرْجًا عَلَىٰٓ أَن تَجْعَلَ بَيْنَنَا وَبَيْنَهُمْ سَدًّۭا ﴿٩٤﴾

waxayna dheheen dul qarnaynow yaajuuj iyo maajuj waxay fasaadin dhulka ee ma kuu yeellaa ujuuro inaad yeesho dehxdanada xidheen jidaar.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالَ مَا مَكَّنِّى فِيهِ رَبِّى خَيْرٌۭ فَأَعِينُونِى بِقُوَّةٍ أَجْعَلْ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُمْ رَدْمًا ﴿٩٥﴾

wuxuu yidhi wuxuu imakaniyey (isiiyey) Eebahay yaa ka kjayrroon ee iigu caawiya xoog aan yeelo dhexdiinna xidheene.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ءَاتُونِى زُبَرَ ٱلْحَدِيدِ ۖ حَتَّىٰٓ إِذَا سَاوَىٰ بَيْنَ ٱلصَّدَفَيْنِ قَالَ ٱنفُخُوا۟ ۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَعَلَهُۥ نَارًۭا قَالَ ءَاتُونِىٓ أُفْرِغْ عَلَيْهِ قِطْرًۭا ﴿٩٦﴾

i siiya goosimo bir ah, markuu ekeeyey labada dhinac dhexdooda wuxuu yidhi afuufa markuu ka yeelay dabna wuxuu yidhi i siiya aan ku shubee maar la dhalaaliyey.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَمَا ٱسْطَٰعُوٓا۟ أَن يَظْهَرُوهُ وَمَا ٱسْتَطَٰعُوا۟ لَهُۥ نَقْبًۭا ﴿٩٧﴾

mana karayaan inay ka soo kor baxaan (ka soo dhacaan) mana karayaan inay duleeliyaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَالَ هَٰذَا رَحْمَةٌۭ مِّن رَّبِّى ۖ فَإِذَا جَآءَ وَعْدُ رَبِّى جَعَلَهُۥ دَكَّآءَ ۖ وَكَانَ وَعْدُ رَبِّى حَقًّۭا ﴿٩٨﴾

wuxuuna yidhi kan waa naxariis Eebahay, Markuu yimaaddo yabooha Eebahayna wuxuu ka yeela burbur, yabooha Eebahayna waa zaq (sugan).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

۞ وَتَرَكْنَا بَعْضَهُمْ يَوْمَئِذٍۢ يَمُوجُ فِى بَعْضٍۢ ۖ وَنُفِخَ فِى ٱلصُّورِ فَجَمَعْنَٰهُمْ جَمْعًۭا ﴿٩٩﴾

waxaana ka yeeli qaarkood maalintaas kii qaarka (kale) dhexgali waxaana la afuufaa suurka waana soo kulminnaa kulmin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَعَرَضْنَا جَهَنَّمَ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْكَٰفِرِينَ عَرْضًا ﴿١٠٠﴾

waxaana u bandhigaynaa jahannamo maalintaa gaalada bandhig.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلَّذِينَ كَانَتْ أَعْيُنُهُمْ فِى غِطَآءٍ عَن ذِكْرِى وَكَانُوا۟ لَا يَسْتَطِيعُونَ سَمْعًا ﴿١٠١﴾

waana kuway indhahoodu yihiin dabool dhexdiis xagga xuskayga mana aha kuwo kara (maqalka) xaqa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَفَحَسِبَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَن يَتَّخِذُوا۟ عِبَادِى مِن دُونِىٓ أَوْلِيَآءَ ۚ إِنَّآ أَعْتَدْنَا جَهَنَّمَ لِلْكَٰفِرِينَ نُزُلًۭا ﴿١٠٢﴾

ma waxay u maleeyeen kuwii gaaloobay inay ka yeesheen addoomadayda iga sokow awliyo (oy caabudaan) waana u darabnay jahannamo gaalada dagid.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قُلْ هَلْ نُنَبِّئُكُم بِٱلْأَخْسَرِينَ أَعْمَٰلًا ﴿١٠٣﴾

waxaad dhahdaa ma idiin warramaa kuwa khasaaro badan camallo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلَّذِينَ ضَلَّ سَعْيُهُمْ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَهُمْ يَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ يُحْسِنُونَ صُنْعًا ﴿١٠٤﴾

waa kuwuu dhumay camalkoodu nolosha adduun iyagoo isuna malayn inay wanaajin camalka.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمْ وَلِقَآئِهِۦ فَحَبِطَتْ أَعْمَٰلُهُمْ فَلَا نُقِيمُ لَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ وَزْنًۭا ﴿١٠٥﴾

kuwaasu waa kuwa ka gaaloobay aayaadka Eebahood iyo la kulankiisa oo buray camalkoodu umana joojinno maalinta qiyaame miisan «qiimana ma leh».

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ذَٰلِكَ جَزَآؤُهُمْ جَهَنَّمُ بِمَا كَفَرُوا۟ وَٱتَّخَذُوٓا۟ ءَايَٰتِى وَرُسُلِى هُزُوًا ﴿١٠٦﴾

kaasina waa abaalkoodii jahannamo gaalnimadooda darteed, waxayna ka yeesheen aayaad kayga iyo rasuulladayda jeesjees.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ كَانَتْ لَهُمْ جَنَّٰتُ ٱلْفِرْدَوْسِ نُزُلًا ﴿١٠٧﴾

kuwa rumeeyey (xaqa) oo fala camal fiican waxay u ahaatay jannada firdowso degid, (martiqaad).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

خَٰلِدِينَ فِيهَا لَا يَبْغُونَ عَنْهَا حِوَلًۭا ﴿١٠٨﴾

wayna ku waari dhexdeeda mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan (guuraan).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قُل لَّوْ كَانَ ٱلْبَحْرُ مِدَادًۭا لِّكَلِمَٰتِ رَبِّى لَنَفِدَ ٱلْبَحْرُ قَبْلَ أَن تَنفَدَ كَلِمَٰتُ رَبِّى وَلَوْ جِئْنَا بِمِثْلِهِۦ مَدَدًۭا ﴿١٠٩﴾

waxaad dhahdaa hadday u noqoto badda khad kalimooyinka Eebahay waxaa dhammaan lahaa badda ka hor dhammaanshaha kalimaadka Eebahay aaban keenno isagoo kale (oo siyaadin ah).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قُلْ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٌۭ مِّثْلُكُمْ يُوحَىٰٓ إِلَىَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌۭ وَٰحِدٌۭ ۖ فَمَن كَانَ يَرْجُوا۟ لِقَآءَ رَبِّهِۦ فَلْيَعْمَلْ عَمَلًۭا صَٰلِحًۭا وَلَا يُشْرِكْ بِعِبَادَةِ رَبِّهِۦٓ أَحَدًۢا ﴿١١٠﴾

waxaad dhadha waxaan uun ahay anigu bashar (dad) idinkoo kale ah, waxaa laywaxyooday in uun yahay ilaahiin ilaah kaliya, ruuxiise dooni la kulanka Eebihiis ha falo camal fiican, yuuna la wadaajinna cibaadada Eebihiis cidna.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

Al-Kahf Aayadda 1 / 110

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda Al-Kahf ku saabsan

Suuradda Al-Kahf (الكهف) waa suuradda 18aad ee Quraanka. Waxay leedahay 110 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 15 iyo 16. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.

Magaceeda, الكهف, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda Al-Kahf ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda Al-Kahf?

Suuradda Al-Kahf waxay leedahay 110 aayadood.

Suuradda Al-Kahf ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.

Suuradda Al-Kahf Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Kahf waxay ka bilaabataa Juz 15 waxayna ku dhammaataa Juz 16.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda Al-Kahf?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources