وَلَقَدْ قَالَ لَهُمْ هَٰرُونُ مِن قَبْلُ يَٰقَوْمِ إِنَّمَا فُتِنتُم بِهِۦ ۖ وَإِنَّ رَبَّكُمُ ٱلرَّحْمَٰنُ فَٱتَّبِعُونِى وَأَطِيعُوٓا۟ أَمْرِى ﴿٩٠﴾
wuxuunau yidhi Haaruun mar hore qoomkayow waa uun laydinku fidmeeyey, Eebihiinna waa Raxmaan ee i raaca, adeecana amarkayga.
قَالُوا۟ لَن نَّبْرَحَ عَلَيْهِ عَٰكِفِينَ حَتَّىٰ يَرْجِعَ إِلَيْنَا مُوسَىٰ ﴿٩١﴾
waxay dhaheen kama tagayno korkiisa inaan ku nagaanno intuu nooga soo noqon muuse.
قَالَ يَٰهَٰرُونُ مَا مَنَعَكَ إِذْ رَأَيْتَهُمْ ضَلُّوٓا۟ ﴿٩٢﴾
wuxuu yidhi (muuse) Haaruunow maxaa kuu diiday markaad aragtay inay dhumeen.
أَلَّا تَتَّبِعَنِ ۖ أَفَعَصَيْتَ أَمْرِى ﴿٩٣﴾
inaadan raacin ma waxaad caasiday Amarkeygii.
قَالَ يَبْنَؤُمَّ لَا تَأْخُذْ بِلِحْيَتِى وَلَا بِرَأْسِىٓ ۖ إِنِّى خَشِيتُ أَن تَقُولَ فَرَّقْتَ بَيْنَ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ وَلَمْ تَرْقُبْ قَوْلِى ﴿٩٤﴾
wuxuu yidhi (Haaruun) ina hooyow hayqabanin Gadhka iyo madaxa, anigu waxaan ka cabsaday inaad dhahdo waxaad kala gaysay Banii israa'iil dhexdooda oodan maqlin hadalkayga.
وَلَمَّا رَجَعَ مُوسَىٰٓ إِلَىٰ قَوْمِهِۦ غَضْبَٰنَ أَسِفًۭا قَالَ بِئْسَمَا خَلَفْتُمُونِى مِنۢ بَعْدِىٓ ۖ أَعَجِلْتُمْ أَمْرَ رَبِّكُمْ ۖ وَأَلْقَى ٱلْأَلْوَاحَ وَأَخَذَ بِرَأْسِ أَخِيهِ يَجُرُّهُۥٓ إِلَيْهِ ۚ قَالَ ٱبْنَ أُمَّ إِنَّ ٱلْقَوْمَ ٱسْتَضْعَفُونِى وَكَادُوا۟ يَقْتُلُونَنِى فَلَا تُشْمِتْ بِىَ ٱلْأَعْدَآءَ وَلَا تَجْعَلْنِى مَعَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّٰلِمِينَ ﴿١٥٠﴾
Markuu ku soo Noqday Nabi Muse qoomkiisii isagoo Cadhaysan oo Walbahaarsan wuxuu yidhi waxaa Xun Waxaad iiga dambeysccn Gadaashay, ma waxaad Dadajisateen Amarkii Eebihiin wuxuuna Tuuray Alwaaxdii wuxuuna Qabtay Madaxa Walaalkiis Isagoo Xaggiisa u Jiidi, wuxuuna Yidhi Ina Hooyoow qoomku way i tabaryaraysteen waxayna u dhawaadeen inay i Dilaan ee ha igaga farxin Colka hana iga yeehn la Jirka Qoomka Daalimiinta ah.
قَالَ رَبِّ ٱغْفِرْ لِى وَلِأَخِى وَأَدْخِلْنَا فِى رَحْمَتِكَ ۖ وَأَنتَ أَرْحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ ﴿١٥١﴾
Wuxuuna yidhi Nabi Muuse Eebow u Dambi Dhaaf ani iyo Walaalkay nana gali Naxariistaada adaa Naxariis badane ahe.