وَقَوْلِهِمْ إِنَّا قَتَلْنَا ٱلْمَسِيحَ عِيسَى ٱبْنَ مَرْيَمَ رَسُولَ ٱللَّهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَٰكِن شُبِّهَ لَهُمْ ۚ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ ٱخْتَلَفُوا۟ فِيهِ لَفِى شَكٍّۢ مِّنْهُ ۚ مَا لَهُم بِهِۦ مِنْ عِلْمٍ إِلَّا ٱتِّبَاعَ ٱلظَّنِّ ۚ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِينًۢا ﴿١٥٧﴾ بَل رَّفَعَهُ ٱللَّهُ إِلَيْهِ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًۭا ﴿١٥٨﴾
iyo Hadalkoodii ahaa anagaa Dillay Masiix Ciise Ibnu Maryam Rasuulkii Eebe ahaa mayna Dilin mana Wadhin laakiin waa loo Shabahay, (ekeysiiyey), kuwii isku Khilaafay Ciise waxay kaga suganyihiin Shaki, wax Cilmi ahna uma leh oon ahayn Raacid Male umana dilin dhab. Saas ma aha ee waxaa u koryeelay Xaggiisa Eebe, ilaahayna waa Adkaade Falsan.