۞ لَيْسُوا۟ سَوَآءًۭ ۗ مِّنْ أَهْلِ ٱلْكِتَٰبِ أُمَّةٌۭ قَآئِمَةٌۭ يَتْلُونَ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ ءَانَآءَ ٱلَّيْلِ وَهُمْ يَسْجُدُونَ ﴿١١٣﴾ يُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْءَاخِرِ وَيَأْمُرُونَ بِٱلْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ ٱلْمُنكَرِ وَيُسَٰرِعُونَ فِى ٱلْخَيْرَٰتِ وَأُو۟لَٰٓئِكَ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ﴿١١٤﴾
Isku mid ma aha, Ehelu Kitaabka waxaa ma mid ah Ummad u Taagan (Xaqa) oo Akhrida Aayaadka Eebe Saacadaha Habeenka iyagoo Sujuudsan, (waa Cadbullaahi Binu Salaamo iyo Saaziibadiis). Rumeynna Eebe iyo Maalinta Dambe farana Wanaagga kana reeba waxa la naco (Xun) una dag dagi Wanaagga, kuwaasi waxay ka mid yihiin kuwa suuban.