Suuradda 45aad ee Quraanka

Suuradda Al-Jathiyah

Makki 37 aayadood Juz 25
Al-Jathiyah

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

حمٓ ﴿١﴾

waa soo hormaray macnaheedu.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

تَنزِيلُ ٱلْكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ ﴿٢﴾

soo dajinta Kitaabka (Quraanka) ah wuxuu ka ahaaday Eebaha adkaada iyo falkan san.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ لَءَايَٰتٍۢ لِّلْمُؤْمِنِينَ ﴿٣﴾

Samooyinka iyo Dhulka dhexdiisana aayadbaa ugu sugan Mu'miniinta.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَفِى خَلْقِكُمْ وَمَا يَبُثُّ مِن دَآبَّةٍ ءَايَٰتٌۭ لِّقَوْمٍۢ يُوقِنُونَ ﴿٤﴾

abuurkiinna iyo waxa Eebe ku fidin «abuuri» Dhulka oo wax socda ah aayaadbaa ugu sugan ciddii wax yaqiinsan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱخْتِلَٰفِ ٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مِن رِّزْقٍۢ فَأَحْيَا بِهِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا وَتَصْرِيفِ ٱلرِّيَٰحِ ءَايَٰتٌۭ لِّقَوْمٍۢ يَعْقِلُونَ ﴿٥﴾

iskhilaafka Habeenka iyo Maalinta iyo waxa Eebe ka soodajiyey Samada oo Rizqi ah oo ku nooleeyo Dhulka intuu dhintay ka dib iyo gagadoonka Dabaylaha waxaa ugu sugan aayaad ciddii wax kasi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ نَتْلُوهَا عَلَيْكَ بِٱلْحَقِّ ۖ فَبِأَىِّ حَدِيثٍۭ بَعْدَ ٱللَّهِ وَءَايَٰتِهِۦ يُؤْمِنُونَ ﴿٦﴾

taasi waa aayaadka Eebe aan ku akhriyeyno korkaaga si xaq ah, ee hadalkay Eebe ka dib iyo aayaadkiisa rumayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيْلٌۭ لِّكُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍۢ ﴿٧﴾

halaagna wuxuu u sugnaaday beenaale dambi badan dhammaantiis.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَسْمَعُ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ثُمَّ يُصِرُّ مُسْتَكْبِرًۭا كَأَن لَّمْ يَسْمَعْهَا ۖ فَبَشِّرْهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍۢ ﴿٨﴾

oo maqli aayaadka Eebe oo la akhrin haddana daa'ima gaalnimo, isagoo iskibrin sidii isagoon maqlin, ugu bishaaree cadaab daran.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا عَلِمَ مِنْ ءَايَٰتِنَا شَيْـًٔا ٱتَّخَذَهَا هُزُوًا ۚ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌۭ مُّهِينٌۭ ﴿٩﴾

markuu ogaado aayaadkanaga wax ka mid ah wuxuu ka yeeshaa jees-jees, kuwaasina waxaa u sugnaaday cadaab wax dulleeya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

مِّن وَرَآئِهِمْ جَهَنَّمُ ۖ وَلَا يُغْنِى عَنْهُم مَّا كَسَبُوا۟ شَيْـًۭٔا وَلَا مَا ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوْلِيَآءَ ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ ﴿١٠﴾

waxaa koobi «kana dambeysa» Naarta Jahannamo, waxna uma taro waxay kasbadeen, iyo waxay ka yeesheen Eebe ka sokow owliyo, waxayna mudan Cadaab wayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

هَٰذَا هُدًۭى ۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمْ لَهُمْ عَذَابٌۭ مِّن رِّجْزٍ أَلِيمٌ ﴿١١﴾

Quraankani waa hanuun, kuwii ka gaaloobay aayaadka Eebehoodna waxaa u sugnaaday Cadaab xumaan daran.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

۞ ٱللَّهُ ٱلَّذِى سَخَّرَ لَكُمُ ٱلْبَحْرَ لِتَجْرِىَ ٱلْفُلْكُ فِيهِ بِأَمْرِهِۦ وَلِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ ﴿١٢﴾

Eebe waa kan idiinfududeeyey Badda say ugu socoto Doonnidu «iyo Markabku» dhexdiisa amarka Eebe, iyo inaad gaadhaan Fadligiisa iyo inaad ku mahadisaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَسَخَّرَ لَكُم مَّا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًۭا مِّنْهُ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَٰتٍۢ لِّقَوْمٍۢ يَتَفَكَّرُونَ ﴿١٣﴾

wuxuu idiin fududeeyey waxa ku sugan samooyinka iyo Dhulka Dhammaan xagiisay ka ahaadeen, arrintaasna waxa ugu sugan aayaad ciddii fikiri.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قُل لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يَغْفِرُوا۟ لِلَّذِينَ لَا يَرْجُونَ أَيَّامَ ٱللَّهِ لِيَجْزِىَ قَوْمًۢا بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ ﴿١٤﴾

waxaad u dhahdaa kuwa rumeeyey u dhaafa kuwaan ka yaabayn ciqaabta Eebe si uu uga abaal mariyo qoom waxay kasbadeen.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

مَنْ عَمِلَ صَٰلِحًۭا فَلِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَنْ أَسَآءَ فَعَلَيْهَا ۖ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمْ تُرْجَعُونَ ﴿١٥﴾

ruuxii camal fiicanfala Naftiisuu u falay, ruuxii Xumaan sameeyana waxay uun dhibhi Naftiisa markaas xagga Eebe uunbaa laydiin celin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ ٱلْكِتَٰبَ وَٱلْحُكْمَ وَٱلنُّبُوَّةَ وَرَزَقْنَٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَفَضَّلْنَٰهُمْ عَلَى ٱلْعَٰلَمِينَ ﴿١٦﴾

dhab ahaanbaan u siinay ree Binii Israa'iil Kitaabka iyo Xukun iyo Nabinimo, waxaana ku arzuqnay wax wanaagsan, waxaana ka fadillay Caalamkii (markaas).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَءَاتَيْنَٰهُم بَيِّنَٰتٍۢ مِّنَ ٱلْأَمْرِ ۖ فَمَا ٱخْتَلَفُوٓا۟ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلْعِلْمُ بَغْيًۢا بَيْنَهُمْ ۚ إِنَّ رَبَّكَ يَقْضِى بَيْنَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ ﴿١٧﴾

waxaana siinay xujooyin ka mid ah amar, ismana khilaafin, inta cilmi u yimid ka dib mooyee, waxayna u diideen Xasad iyo Dulmi, dhexdooda ah, Eebahaana wuu kala xukumi dhexdooda Malinta Qiyaame waxay isku khilaafsanyihiin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ جَعَلْنَٰكَ عَلَىٰ شَرِيعَةٍۢ مِّنَ ٱلْأَمْرِ فَٱتَّبِعْهَا وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَآءَ ٱلَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ ﴿١٨﴾

waxaana ku yeellay waddo amarka Diinta ah, Ee raac, hana raacin hawada kuwaan wax ogayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّهُمْ لَن يُغْنُوا۟ عَنكَ مِنَ ٱللَّهِ شَيْـًۭٔا ۚ وَإِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَآءُ بَعْضٍۢ ۖ وَٱللَّهُ وَلِىُّ ٱلْمُتَّقِينَ ﴿١٩﴾

iyagu kaagama taraan Eebe xagiisa waxba, Daalimiintana qaarkood wuxuu u yahay sokeeye qaarka kale, Eebana waa u wali kuwa dhawrsada.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

هَٰذَا بَصَٰٓئِرُ لِلنَّاسِ وَهُدًۭى وَرَحْمَةٌۭ لِّقَوْمٍۢ يُوقِنُونَ ﴿٢٠﴾

kaasi waa (Quraanku) waa aragti (Nuurka) Dadka iyo hanuun iyo Naxariis ciddii waxyaqiinsan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَمْ حَسِبَ ٱلَّذِينَ ٱجْتَرَحُوا۟ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن نَّجْعَلَهُمْ كَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ سَوَآءًۭ مَّحْيَاهُمْ وَمَمَاتُهُمْ ۚ سَآءَ مَا يَحْكُمُونَ ﴿٢١﴾

mise waxay umaleeyeen kuwii kashaday xumaanta inaan kayeeleyno kuwa xaqa rumeeyey ee camal fiican falay oo kale, nolol iyo geeriba, waxaa xun waxay xukumi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَخَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ وَلِتُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ ﴿٢٢﴾

Eebaa u abuuray samooyinka iyo Dhulka, xaq iyo in laga abaalmariyo Naf walba waxay kasbatay, lamana dulmiyo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَفَرَءَيْتَ مَنِ ٱتَّخَذَ إِلَٰهَهُۥ هَوَىٰهُ وَأَضَلَّهُ ٱللَّهُ عَلَىٰ عِلْمٍۢ وَخَتَمَ عَلَىٰ سَمْعِهِۦ وَقَلْبِهِۦ وَجَعَلَ عَلَىٰ بَصَرِهِۦ غِشَٰوَةًۭ فَمَن يَهْدِيهِ مِنۢ بَعْدِ ٱللَّهِ ۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ ﴿٢٣﴾

ka waran ruux ka yeeshay ilaahiisa hawadiisa, oo Eebe dhumiyey isagoo cilmi leh, oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, yelayna aragiisa dabool, yaa hanuunin Eebe kadib, miyaydaan wax xusuusanayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَقَالُوا۟ مَا هِىَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنْيَا نَمُوتُ وَنَحْيَا وَمَا يُهْلِكُنَآ إِلَّا ٱلدَّهْرُ ۚ وَمَا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِنْ هُمْ إِلَّا يَظُنُّونَ ﴿٢٤﴾

waxay dheheen Gaaladii wax kale ma jiro ee waa uun nolashanada dhaw, waana dhimaneynaa qaarna noolaan, waxaan waqtiga ahayna nama dilo, wax ogaansho ahna uma leh arrintaas waxaan male ahayna kuma socdaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٍۢ مَّا كَانَ حُجَّتَهُمْ إِلَّآ أَن قَالُوا۟ ٱئْتُوا۟ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ ﴿٢٥﴾

marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga oo cad wax xuja ah ma helaan oon ahayn noo keena aabbayowganno haddaad run sheegaysaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قُلِ ٱللَّهُ يُحْيِيكُمْ ثُمَّ يُمِيتُكُمْ ثُمَّ يَجْمَعُكُمْ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ لَا رَيْبَ فِيهِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ ﴿٢٦﴾

waxaad dhahdaa Eebaa idin nooleeya idina dili, idinna kulmin Maalinta Qiyaame shakina ma leh, laakiin Dadka badankiis ma oga.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلِلَّهِ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَيَوْمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يَوْمَئِذٍۢ يَخْسَرُ ٱلْمُبْطِلُونَ ﴿٢٧﴾

Eebaa iska leh xukunka samooyinka iyo Dhulka, Maalintay kacdo Saacadda Qiyaame maalintaasay Khasaari xumaanlowgu.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَتَرَىٰ كُلَّ أُمَّةٍۢ جَاثِيَةًۭ ۚ كُلُّ أُمَّةٍۢ تُدْعَىٰٓ إِلَىٰ كِتَٰبِهَا ٱلْيَوْمَ تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ﴿٢٨﴾

waxaadna arki umad kastoo Lawyahay ku fadhida Qiyaamada, Umad kastana waxaa loogu yeedhi Kitaabkii «camalkeeda» Maalintaas waxaa laydiinka abaalmarin waxaad camalfaleyseen.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

هَٰذَا كِتَٰبُنَا يَنطِقُ عَلَيْكُم بِٱلْحَقِّ ۚ إِنَّا كُنَّا نَسْتَنسِخُ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ﴿٢٩﴾

kani waa Kitaabkanagii wuxuuna ku hadli xaq korkiina, annaguna waan qoraynay waxaad camal falaysaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَيُدْخِلُهُمْ رَبُّهُمْ فِى رَحْمَتِهِۦ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْمُبِينُ ﴿٣٠﴾

kuwa xaqa rumeeyey oo camal fiican falay wuxuu galin Eebahood Naxariistiisa, taasina waa liibaan wayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَفَلَمْ تَكُنْ ءَايَٰتِى تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فَٱسْتَكْبَرْتُمْ وَكُنتُمْ قَوْمًۭا مُّجْرِمِينَ ﴿٣١﴾

kuwa Gaaloobayse waxaa lagu dhihi miyeyna ahayn aayaadkeyga kuwa korkiina lagu akhriyo ood iskibriseen noqoteen qoom dambi falayaal ah.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا قِيلَ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّۭ وَٱلسَّاعَةُ لَا رَيْبَ فِيهَا قُلْتُم مَّا نَدْرِى مَا ٱلسَّاعَةُ إِن نَّظُنُّ إِلَّا ظَنًّۭا وَمَا نَحْنُ بِمُسْتَيْقِنِينَ ﴿٣٢﴾

marka la dhaho yabooha Eebe waa xaq, Saacadda (Qiyaamana) shaki ma leh, waxaad dhahdaan ma naqaan Saacadda (qiyaame) waannu uun malayn mase yaqiinsanin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَبَدَا لَهُمْ سَيِّـَٔاتُ مَا عَمِلُوا۟ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ ﴿٣٣﴾

waxaa u muuqan Gaalada xumaantay camalfaleen (Ciqaabteedi) waxaana koobi waxay ku jees jeesi jireen (ciqaabtiisii).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَقِيلَ ٱلْيَوْمَ نَنسَىٰكُمْ كَمَا نَسِيتُمْ لِقَآءَ يَوْمِكُمْ هَٰذَا وَمَأْوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّٰصِرِينَ ﴿٣٤﴾

waxaana loo dhihi Maanta (Qiyaamada) waanu idinka tagi (idinko cadaaban) sidaad u halmaanteen la kulanka Maalintiinan, Hooygiinuna waa Naar wax idiin gargaarana ma jiro.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ذَٰلِكُم بِأَنَّكُمُ ٱتَّخَذْتُمْ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ هُزُوًۭا وَغَرَّتْكُمُ ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا ۚ فَٱلْيَوْمَ لَا يُخْرَجُونَ مِنْهَا وَلَا هُمْ يُسْتَعْتَبُونَ ﴿٣٥﴾

Arrintaasna waxaa ugu waxan inaad ka yeelateen aayaadka Eebe Jees jees, idinna dhagartay nolosha dhaw (ee adduun) Maanta Qiyaamada lagama bixiyo Naarta, cudurdaarna lama warsado.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَلِلَّهِ ٱلْحَمْدُ رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَرَبِّ ٱلْأَرْضِ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ ﴿٣٦﴾

mahad Eebaa iskaleh Eebaha Samooyinka iyo Dhulka, Eebaha caalamkana ah.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَهُ ٱلْكِبْرِيَآءُ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ ﴿٣٧﴾

waxaana u sugnaatay waynida Samooyinka iyo Dhulka dhexdiisa, waana adkaade falsan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

Al-Jathiyah Aayadda 1 / 37

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda Al-Jathiyah ku saabsan

Suuradda Al-Jathiyah (الجاثية) waa suuradda 45aad ee Quraanka. Waxay leedahay 37 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 25. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.

Magaceeda, الجاثية, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda Al-Jathiyah ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda Al-Jathiyah?

Suuradda Al-Jathiyah waxay leedahay 37 aayadood.

Suuradda Al-Jathiyah ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.

Suuradda Al-Jathiyah Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Jathiyah waxay ku jirtaa Juz 25.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda Al-Jathiyah?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources