Suuradda 16aad ee Quraanka

Suuradda An-Nahl

Makki 128 aayadood Juz 14
An-Nahl

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

أَتَىٰٓ أَمْرُ ٱللَّهِ فَلَا تَسْتَعْجِلُوهُ ۚ سُبْحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ ﴿١﴾

waxaa yimid amarkii Eebe Qiyaamihii (iyo ciqaab) ee ha dedejisanina, waxaa ka nasahan oo sarreeya Eebe waxay la wadaajin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يُنَزِّلُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةَ بِٱلرُّوحِ مِنْ أَمْرِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦٓ أَنْ أَنذِرُوٓا۟ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱتَّقُونِ ﴿٢﴾

wuxuu ku soo dejiyaa Malaa'igta waxyi oo amarkiisa ka mida cidduu doono oo addoomadiisa ka mida oo ah ugu diga inaan Ilaahay mooyee Eebe kale jirin ee ani uun iga dhawrsada.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ ۚ تَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ ﴿٣﴾

wuxuu u abuuray Eebe Samooyinka iyo Dhulka xaq, wuuna ka sarreeya waxay la wadaajin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ مِن نُّطْفَةٍۢ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌۭ مُّبِينٌۭ ﴿٤﴾

wuxuu ka abuuray dadka dhibic markaasuu noqdaa dood badane cad.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلْأَنْعَٰمَ خَلَقَهَا ۗ لَكُمْ فِيهَا دِفْءٌۭ وَمَنَٰفِعُ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ ﴿٥﴾

xoolahana wuu idiin abuuray dhexdoodana waxaa ah dugaal iyo nacfi xaggeedaadna ka cuntaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَكُمْ فِيهَا جَمَالٌ حِينَ تُرِيحُونَ وَحِينَ تَسْرَحُونَ ﴿٦﴾

quruxbaana idiinku sugan dhexdooda markaad dheelmaysaan iyo markaad foofinaysaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَتَحْمِلُ أَثْقَالَكُمْ إِلَىٰ بَلَدٍۢ لَّمْ تَكُونُوا۟ بَٰلِغِيهِ إِلَّا بِشِقِّ ٱلْأَنفُسِ ۚ إِنَّ رَبَّكُمْ لَرَءُوفٌۭ رَّحِيمٌۭ ﴿٧﴾

waxaadna ugu rarataan culaysyo xagga magaalo oydaan gaadhayn naf dhibkeed mooyee Eebihiinna waa u ture Naxariista.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلْخَيْلَ وَٱلْبِغَالَ وَٱلْحَمِيرَ لِتَرْكَبُوهَا وَزِينَةًۭ ۚ وَيَخْلُقُ مَا لَا تَعْلَمُونَ ﴿٨﴾

Fardaha iyo Baqlaha iyo Dameeraha wuxuu (idiin ku abuuray Eebe) Inaad kortaan iyo Qurux, Wuxuuna abuuri Waxaydaan Ogayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَعَلَى ٱللَّهِ قَصْدُ ٱلسَّبِيلِ وَمِنْهَا جَآئِرٌۭ ۚ وَلَوْ شَآءَ لَهَدَىٰكُمْ أَجْمَعِينَ ﴿٩﴾

Xagga Eebaana jid toosan yahay (Hanuun), Mid leexsanna waa jiraa (xumaanta) Hadduu Doonana wuu idin hanuunin lahaa dhammaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

هُوَ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءًۭ ۖ لَّكُم مِّنْهُ شَرَابٌۭ وَمِنْهُ شَجَرٌۭ فِيهِ تُسِيمُونَ ﴿١٠﴾

Eebe waa kan idinka soo dejiyay Samada Biyo xagiisaa laga cabaa Xagiisaana Geeduhu ka ahaadaan aad Daajisaan (xoolaha).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يُنۢبِتُ لَكُم بِهِ ٱلزَّرْعَ وَٱلزَّيْتُونَ وَٱلنَّخِيلَ وَٱلْأَعْنَٰبَ وَمِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَةًۭ لِّقَوْمٍۢ يَتَفَكَّرُونَ ﴿١١﴾

Wuxuuna idiinku soo Bixiyaa Beero Saytuun, Timir, Cinab iyo Wax kastoo midha ah, arrintaasna calaamadbaa ugu sugan Ciddii fikiri.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ وَٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ ۖ وَٱلنُّجُومُ مُسَخَّرَٰتٌۢ بِأَمْرِهِۦٓ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَٰتٍۢ لِّقَوْمٍۢ يَعْقِلُونَ ﴿١٢﴾

Wuxuuna idiin sakhiray Habeenka, Maalinta, qirraxda, Dayaxa, Xiddigahana waxaa lagu sakhiray Amarkiisa, Arrintaasna Calaamooyin yaa Ugu sugan Ciddii wax kasi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَا ذَرَأَ لَكُمْ فِى ٱلْأَرْضِ مُخْتَلِفًا أَلْوَٰنُهُۥٓ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَةًۭ لِّقَوْمٍۢ يَذَّكَّرُونَ ﴿١٣﴾

Iyo wuxuu idiinku abuuray Dhulka oo kala Duwan yahay Midabkeedu, Arriintaasna Calaamad Yaa ugu sugan ciddii wax xasuusan (fikiri).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَهُوَ ٱلَّذِى سَخَّرَ ٱلْبَحْرَ لِتَأْكُلُوا۟ مِنْهُ لَحْمًۭا طَرِيًّۭا وَتَسْتَخْرِجُوا۟ مِنْهُ حِلْيَةًۭ تَلْبَسُونَهَا وَتَرَى ٱلْفُلْكَ مَوَاخِرَ فِيهِ وَلِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ ﴿١٤﴾

Eebe waa kan idiin sakhiray Badda inaad ka cuntaan Hilib cusub kalana baxdaan Qurux (Macdan) ood xidhataan, Waxaadna aragtaan doonida (Markabka) oo Dillaacin (Dabbaalan) Dehxdeeda iyo inaad Doontaan fadliga iyo inaad Doontaan fadliga Eebe iyo Inaad ku shugridaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَلْقَىٰ فِى ٱلْأَرْضِ رَوَٰسِىَ أَن تَمِيدَ بِكُمْ وَأَنْهَٰرًۭا وَسُبُلًۭا لَّعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ ﴿١٥﴾

Wuxuuna ku riday (sugay) Dhulka buuro inayna Idinla iilan (wuxuuna yeelay) wabiyo iyo Wadooyin inaad ku toostaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَعَلَٰمَٰتٍۢ ۚ وَبِٱلنَّجْمِ هُمْ يَهْتَدُونَ ﴿١٦﴾

Iyo calaamado iyo Xiddigo ay dadku ku toosaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَفَمَن يَخْلُقُ كَمَن لَّا يَخْلُقُ ۗ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ ﴿١٧﴾

Cidwax abuuri Ma la midbaa mid aan wax Abuurayn miyaydaan wax xasuusanayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِن تَعُدُّوا۟ نِعْمَةَ ٱللَّهِ لَا تُحْصُوهَآ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَغَفُورٌۭ رَّحِيمٌۭ ﴿١٨﴾

Haddaad tirisaan Nicmada Eebe ma koobi Kartaan, Eebana waa danbi dhaafe Naxariista

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا تُسِرُّونَ وَمَا تُعْلِنُونَ ﴿١٩﴾

Eebe waa ogyahay waxaad qarsanaysaan iyo waxaad Muujinaysaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَخْلُقُونَ شَيْـًۭٔا وَهُمْ يُخْلَقُونَ ﴿٢٠﴾

waxay Caabudayaan oo Eebe ka soo hadhayna ma abuuraan waxba iyagaase la abuuraa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَمْوَٰتٌ غَيْرُ أَحْيَآءٍۢ ۖ وَمَا يَشْعُرُونَ أَيَّانَ يُبْعَثُونَ ﴿٢١﴾

waana Mayd aan Noolayn mana oga waqtiga la soo bixin (Dadka).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌۭ وَٰحِدٌۭ ۚ فَٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْءَاخِرَةِ قُلُوبُهُم مُّنكِرَةٌۭ وَهُم مُّسْتَكْبِرُونَ ﴿٢٢﴾

ILaahiinnu waa Ilaah kaliya, kuwa aan rumeynin Aakhirana Quluubtoodu way diidi (Kalinimada Eebe), wayna iskibrin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لَا جَرَمَ أَنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ ۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلْمُسْتَكْبِرِينَ ﴿٢٣﴾

waxaa sugan in Eebe ogyahay waxay qarsan iyo waxay Muujin Eebana ma jecla kuwa iskibriya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا قِيلَ لَهُم مَّاذَآ أَنزَلَ رَبُّكُمْ ۙ قَالُوٓا۟ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ ﴿٢٤﴾

marka lagu dhoho muxuu soo dejiyey Eebihiin waxay dhahaan waa warkii kuwii hore.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لِيَحْمِلُوٓا۟ أَوْزَارَهُمْ كَامِلَةًۭ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ ۙ وَمِنْ أَوْزَارِ ٱلَّذِينَ يُضِلُّونَهُم بِغَيْرِ عِلْمٍ ۗ أَلَا سَآءَ مَا يَزِرُونَ ﴿٢٥﴾

inay xambaaraan culayskooda «dambigooda» oo dhan Maalinta Qiyaame, iyo culayska «dambiga» kuway dhumiyeen cilmi la'aan waxaana xun waxay xambaaranayaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَدْ مَكَرَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَأَتَى ٱللَّهُ بُنْيَٰنَهُم مِّنَ ٱلْقَوَاعِدِ فَخَرَّ عَلَيْهِمُ ٱلسَّقْفُ مِن فَوْقِهِمْ وَأَتَىٰهُمُ ٱلْعَذَابُ مِنْ حَيْثُ لَا يَشْعُرُونَ ﴿٢٦﴾

waxaa wax dhagray kuwii ka horreeyey markuu Eebe (amarkiisii) uga yimid xagga Asaaska (Tiirarka) waxaana kaga dumay saanqaafkii korkooda wuxuuna uga yimid cadaab meelayan ogayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ يُخْزِيهِمْ وَيَقُولُ أَيْنَ شُرَكَآءِىَ ٱلَّذِينَ كُنتُمْ تُشَٰٓقُّونَ فِيهِمْ ۚ قَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ إِنَّ ٱلْخِزْىَ ٱلْيَوْمَ وَٱلسُّوٓءَ عَلَى ٱلْكَٰفِرِينَ ﴿٢٧﴾

ka dibna maalinta Qiyaame wuu dullayn wuxuuna dhihi aaway shura- kadaydii aad ku doodayseen dhexdeeda, kuwiina waxay dheheen cilmiga la siiyey (Culimadii) dulli iyo xumaan maanta wuxuu saaranyahay Gaalada.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلَّذِينَ تَتَوَفَّىٰهُمُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ ظَالِمِىٓ أَنفُسِهِمْ ۖ فَأَلْقَوُا۟ ٱلسَّلَمَ مَا كُنَّا نَعْمَلُ مِن سُوٓءٍۭ ۚ بَلَىٰٓ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌۢ بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ﴿٢٨﴾

ee ah kuway oofsan Malaa'igtu iyagoo dulmiyey naftooda, waxayna Muujiyaan hogaansi iyagoo dhihi maanaan ahayn kuwo xumaan fala, saas ma aha ee Eebe waa ogyahay waxaad falayseen.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَٱدْخُلُوٓا۟ أَبْوَٰبَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَا ۖ فَلَبِئْسَ مَثْوَى ٱلْمُتَكَبِّرِينَ ﴿٢٩﴾

ee ka gala irridaha Jahannamo idinkoo ku waari dhexdeeda waxaana xumaan badan Hooyga kuwa iskibriya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

۞ وَقِيلَ لِلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ مَاذَآ أَنزَلَ رَبُّكُمْ ۚ قَالُوا۟ خَيْرًۭا ۗ لِّلَّذِينَ أَحْسَنُوا۟ فِى هَٰذِهِ ٱلدُّنْيَا حَسَنَةٌۭ ۚ وَلَدَارُ ٱلْءَاخِرَةِ خَيْرٌۭ ۚ وَلَنِعْمَ دَارُ ٱلْمُتَّقِينَ ﴿٣٠﴾

Waxaa lagu Dhahaa kuwa dhawrsaday muxuu soo Dejiyay Eebihiin Waxayna dhahaan Khayr, Kuwa Sama falay adduunyadana waxay mudan wanaag Daarta aakhiraana u Khayrroon waxaana wanaag Badan daarta mutaqinta (Kuwa dhawrsaday).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

جَنَّٰتُ عَدْنٍۢ يَدْخُلُونَهَا تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ ۖ لَهُمْ فِيهَا مَا يَشَآءُونَ ۚ كَذَٰلِكَ يَجْزِى ٱللَّهُ ٱلْمُتَّقِينَ ﴿٣١﴾

Waa jannada cadnin oy gali oy soconna dhexdeeda Wabiyaashii waxayna ka heli waxay doonaan, Saasuuna Eebe ku abaal mariyaa kuwa dhawrsada.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلَّذِينَ تَتَوَفَّىٰهُمُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ طَيِّبِينَ ۙ يَقُولُونَ سَلَٰمٌ عَلَيْكُمُ ٱدْخُلُوا۟ ٱلْجَنَّةَ بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ﴿٣٢﴾

Ee ah kuway oofsato Malaa'igtu iyagoo Fiican (Kuna dhihi) Nabadgalyo korkiina ha ahaato ee Ku gala jannada Waxaad camal fali Jirteen Dartiis.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

هَلْ يَنظُرُونَ إِلَّآ أَن تَأْتِيَهُمُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ أَوْ يَأْتِىَ أَمْرُ رَبِّكَ ۚ كَذَٰلِكَ فَعَلَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ وَمَا ظَلَمَهُمُ ٱللَّهُ وَلَٰكِن كَانُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ ﴿٣٣﴾

Gaaladuse miyay sugi inay u timaado Malaa'igtu mooyee ama u yimaado Amarka Eebahaa, Saasayna Faleen kuwii ka horeeyay, Mana Dulmiyin Eebe iyagaase dulmiyay Naftooda.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَأَصَابَهُمْ سَيِّـَٔاتُ مَا عَمِلُوا۟ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ ﴿٣٤﴾

Waxaana ku dhacay Xumaantii waxay faleen, Waxaana ku dagay (Ciqaahtii) Waxay ku jeesi Jireen.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَقَالَ ٱلَّذِينَ أَشْرَكُوا۟ لَوْ شَآءَ ٱللَّهُ مَا عَبَدْنَا مِن دُونِهِۦ مِن شَىْءٍۢ نَّحْنُ وَلَآ ءَابَآؤُنَا وَلَا حَرَّمْنَا مِن دُونِهِۦ مِن شَىْءٍۢ ۚ كَذَٰلِكَ فَعَلَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ فَهَلْ عَلَى ٱلرُّسُلِ إِلَّا ٱلْبَلَٰغُ ٱلْمُبِينُ ﴿٣٥﴾

Waxay dhahaan kuwii Eebe la wadaajiyay (Cibaadada) Haduu doono Eebe maanaan caabudneen cid ka Soo Hadhay waxba annaga iyo aabayaalkanno mana Xarrimneen isaga ka sokow waxba, Saasayna faleen Kuwii ka horeeyay ee Rasuullada ma saaran yahay Waxaan gaadhsiin cad ahayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَقَدْ بَعَثْنَا فِى كُلِّ أُمَّةٍۢ رَّسُولًا أَنِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ وَٱجْتَنِبُوا۟ ٱلطَّٰغُوتَ ۖ فَمِنْهُم مَّنْ هَدَى ٱللَّهُ وَمِنْهُم مَّنْ حَقَّتْ عَلَيْهِ ٱلضَّلَٰلَةُ ۚ فَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَٱنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلْمُكَذِّبِينَ ﴿٣٦﴾

Waxaan ka bixinay Umad kasta Rasuul inay caabudaan Eebe kana dheeraadaan Dhaaquutka (Cibaadada Eebe ka sokow), Waxaana ka mida dadka Cid Eebe Hanuuniyay, Waxaana ka Mida ciday ku sugnaatay Baadinimo, Ee socda dhulka oo Eega siday Noqotay Cidhibtii Beeniyayaasha.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِن تَحْرِصْ عَلَىٰ هُدَىٰهُمْ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى مَن يُضِلُّ ۖ وَمَا لَهُم مِّن نَّٰصِرِينَ ﴿٣٧﴾

Hadaad ku Dadaashid hanuunkooda Eebe ma hanuuniyo ciduu Dhumiyay mana helaan Gargaare,

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَقْسَمُوا۟ بِٱللَّهِ جَهْدَ أَيْمَٰنِهِمْ ۙ لَا يَبْعَثُ ٱللَّهُ مَن يَمُوتُ ۚ بَلَىٰ وَعْدًا عَلَيْهِ حَقًّۭا وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ ﴿٣٨﴾

waxay ugu dhaarteen Eebe dhaar adag inuusan soo bixinayn Eebe cid dhimatay saas ma aha ee waa yabooh Eebe isasaaray (sugan) Dadka badidiise ma oga.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لِيُبَيِّنَ لَهُمُ ٱلَّذِى يَخْتَلِفُونَ فِيهِ وَلِيَعْلَمَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَنَّهُمْ كَانُوا۟ كَٰذِبِينَ ﴿٣٩﴾

inuu u caddeeyo waxay isku diidanyihiin iyo inay ogaadaan kuwii Gaaloobay inay ahaayeen Beenaalayaal.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّمَا قَوْلُنَا لِشَىْءٍ إِذَآ أَرَدْنَٰهُ أَن نَّقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ ﴿٤٠﴾

haddaan doono arrinna waa inaan uun ku dhahno ahow oy abaato.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلَّذِينَ هَاجَرُوا۟ فِى ٱللَّهِ مِنۢ بَعْدِ مَا ظُلِمُوا۟ لَنُبَوِّئَنَّهُمْ فِى ٱلدُّنْيَا حَسَنَةًۭ ۖ وَلَأَجْرُ ٱلْءَاخِرَةِ أَكْبَرُ ۚ لَوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ ﴿٤١﴾

kuwii u haajiray dar Eebe intii la dulmiyey ka dib waxaan dejinaynaa adduunka wanaag, ajirka aakhiraana ka wayn hadday wax ogyihiin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلَّذِينَ صَبَرُوا۟ وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ ﴿٤٢﴾

waana kuwa samray «adkaystay» Eebahoodna uun tala saarta.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَآ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ إِلَّا رِجَالًۭا نُّوحِىٓ إِلَيْهِمْ ۚ فَسْـَٔلُوٓا۟ أَهْلَ ٱلذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ ﴿٤٣﴾

waxaan dirray hortaa Rag aan u waxyoonay, ee warsada kuwa cilmiga leh haddaydaan wax ogayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

بِٱلْبَيِّنَٰتِ وَٱلزُّبُرِ ۗ وَأَنزَلْنَآ إِلَيْكَ ٱلذِّكْرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيْهِمْ وَلَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ ﴿٤٤﴾

(waxaana la dirray) xujooyin iyo Kutub waxaana kugu soo dejinay Quraanka inaad u caddayso Dadka waxa loo soo dejiyey, inay fikiraan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَفَأَمِنَ ٱلَّذِينَ مَكَرُوا۟ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَخْسِفَ ٱللَّهُ بِهِمُ ٱلْأَرْضَ أَوْ يَأْتِيَهُمُ ٱلْعَذَابُ مِنْ حَيْثُ لَا يَشْعُرُونَ ﴿٤٥﴾

ma aamin bay ka noqdeen kuwii dhagarta falay in Eebe la gooyo Dhulka, ama uga yimaaddo cadaab meelayna filayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَوْ يَأْخُذَهُمْ فِى تَقَلُّبِهِمْ فَمَا هُم بِمُعْجِزِينَ ﴿٤٦﴾

ama ku qabto Eebe gadgadoonkooda mana aha kuwa Eebe daaliya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَوْ يَأْخُذَهُمْ عَلَىٰ تَخَوُّفٍۢ فَإِنَّ رَبَّكُمْ لَرَءُوفٌۭ رَّحِيمٌ ﴿٤٧﴾

ama ku qabto Nusqaamin (iyo cabsi) iyagoo ku sugan, Eebihiinna waa u Ture Naxariista.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَوَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَىٰ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ مِن شَىْءٍۢ يَتَفَيَّؤُا۟ ظِلَٰلُهُۥ عَنِ ٱلْيَمِينِ وَٱلشَّمَآئِلِ سُجَّدًۭا لِّلَّهِ وَهُمْ دَٰخِرُونَ ﴿٤٨﴾

Miyeyna Arkayn wuxuu Eebe Abuuray oo u iilan Hooskiisu Midig iyo Bidix Sujuud Eebe dartiis iyagoo u Khushuucsan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلِلَّهِ يَسْجُدُ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ مِن دَآبَّةٍۢ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ وَهُمْ لَا يَسْتَكْبِرُونَ ﴿٤٩﴾

Eebe waxaa u Sujuuda waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan oo dhul socoda iyo Malaa'ig iskamana wayneeyaan (Sujuuddiisa).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

16:50 Aayadda sujuudka

يَخَافُونَ رَبَّهُم مِّن فَوْقِهِمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ ۩ ﴿٥٠﴾

Waxayna ka Cabsan Eebahooda Sarreeya waxayna falaan wax la faro.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

۞ وَقَالَ ٱللَّهُ لَا تَتَّخِذُوٓا۟ إِلَٰهَيْنِ ٱثْنَيْنِ ۖ إِنَّمَا هُوَ إِلَٰهٌۭ وَٰحِدٌۭ ۖ فَإِيَّٰىَ فَٱرْهَبُونِ ﴿٥١﴾

Wuxuuna Yidhi Eebe ha Yeelanina Ilaahyo Labo ah Eebe waa uun Ilaah kaliya ee Aniga uun iga Cabsada.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَلَهُ ٱلدِّينُ وَاصِبًا ۚ أَفَغَيْرَ ٱللَّهِ تَتَّقُونَ ﴿٥٢﴾

Eebe waxaa u sugnaaday waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan, waxaana u sugnaaday Diin (Cibaado) Joogta ah, ee nia Eebe cidaan ahayn yaad ka dhawrsanaysaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَا بِكُم مِّن نِّعْمَةٍۢ فَمِنَ ٱللَّهِ ۖ ثُمَّ إِذَا مَسَّكُمُ ٱلضُّرُّ فَإِلَيْهِ تَجْـَٔرُونَ ﴿٥٣﴾

Waxa Niema ah ood haysataan waxay ka timid Eebe markuu idin Taabsiiyo Dhibna xaggiisaad u Qaylyeysaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ إِذَا كَشَفَ ٱلضُّرَّ عَنكُمْ إِذَا فَرِيقٌۭ مِّنكُم بِرَبِّهِمْ يُشْرِكُونَ ﴿٥٤﴾

Markuu idinka Faydo Dhibkana Koox idinka mida yaa Eebahood la wadaajisa (Cibaadada).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لِيَكْفُرُوا۟ بِمَآ ءَاتَيْنَٰهُمْ ۚ فَتَمَتَّعُوا۟ ۖ فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ ﴿٥٥﴾

Inay ka Gaaloobaan waxaan siinnay, Raaxaysta waad Ogaan doontaan «Cidhibta Xaalkiinne».

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيَجْعَلُونَ لِمَا لَا يَعْلَمُونَ نَصِيبًۭا مِّمَّا رَزَقْنَٰهُمْ ۗ تَٱللَّهِ لَتُسْـَٔلُنَّ عَمَّا كُنتُمْ تَفْتَرُونَ ﴿٥٦﴾

Waxay u yeelaan waxayna ogayn Qayb waxaan ku Arzaaqnay ka mida, Dhaar Eebee waa laydin warsan (Gaaloy) waxaad Been Abuuranaysaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيَجْعَلُونَ لِلَّهِ ٱلْبَنَٰتِ سُبْحَٰنَهُۥ ۙ وَلَهُم مَّا يَشْتَهُونَ ﴿٥٧﴾

Waxayna u yeelaan Eebe Gabdho waa ka Nasahanyahay, iyaguna waxay yeelan waxay rabaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِٱلْأُنثَىٰ ظَلَّ وَجْهُهُۥ مُسْوَدًّۭا وَهُوَ كَظِيمٌۭ ﴿٥٨﴾

Marka Loogu Bishaareeyo midkood Dhaddig wuxuu Noqdaa Wajigiisu Madow waIbahaarina.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَتَوَٰرَىٰ مِنَ ٱلْقَوْمِ مِن سُوٓءِ مَا بُشِّرَ بِهِۦٓ ۚ أَيُمْسِكُهُۥ عَلَىٰ هُونٍ أَمْ يَدُسُّهُۥ فِى ٱلتُّرَابِ ۗ أَلَا سَآءَ مَا يَحْكُمُونَ ﴿٥٩﴾

Wuxuuna iska Qariyaa Dadka Xumida waxa loogu Bishaareeyey, miyuu ku haystaa Dulli misc wuxu Dhumbiyaa Dhulka, waxaa xun waxay Xukumi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لِلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْءَاخِرَةِ مَثَلُ ٱلسَّوْءِ ۖ وَلِلَّهِ ٱلْمَثَلُ ٱلْأَعْلَىٰ ۚ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ ﴿٦٠﴾

Kuwaan rumayn Aakhiro waxaa u sugnaaday Tusaale xun, Eebana waxaa u sugnaaday Sifada sare, waana Adkaade falsan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَوْ يُؤَاخِذُ ٱللَّهُ ٱلنَّاسَ بِظُلْمِهِم مَّا تَرَكَ عَلَيْهَا مِن دَآبَّةٍۢ وَلَٰكِن يُؤَخِّرُهُمْ إِلَىٰٓ أَجَلٍۢ مُّسَمًّۭى ۖ فَإِذَا جَآءَ أَجَلُهُمْ لَا يَسْتَـْٔخِرُونَ سَاعَةًۭ ۖ وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ ﴿٦١﴾

Hadduu Eebe u qaban Dadka Dulmigooda kagama tageen korka dhulka wax socda, wuxuuse dib ugu dhigi Muddo Magacaaban, markay Ajashoodu timaadana kama dib maraan Saacad kamana hormaraan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيَجْعَلُونَ لِلَّهِ مَا يَكْرَهُونَ وَتَصِفُ أَلْسِنَتُهُمُ ٱلْكَذِبَ أَنَّ لَهُمُ ٱلْحُسْنَىٰ ۖ لَا جَرَمَ أَنَّ لَهُمُ ٱلنَّارَ وَأَنَّهُم مُّفْرَطُونَ ﴿٦٢﴾

Waxayna u yeelaan Eebe waxay Nacayaan, waxayna tilmaami carrabyadoodu Been inuu wanaag u sugnaaday, waxaa sugan in Naar uun u sugnaatay, oo loo hormarin (Luguna dhaafi).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

تَٱللَّهِ لَقَدْ أَرْسَلْنَآ إِلَىٰٓ أُمَمٍۢ مِّن قَبْلِكَ فَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيْطَٰنُ أَعْمَٰلَهُمْ فَهُوَ وَلِيُّهُمُ ٱلْيَوْمَ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌۭ ﴿٦٣﴾

Dhaar Eebee waxaan (Rasuullo) u dirray Umado kaa horreeyey wuxuuna u Qurxiyey Shaydaan camalkooda isagaana sokeeye u ah Maanta waxayna mudan Cadaab daran.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَآ أَنزَلْنَا عَلَيْكَ ٱلْكِتَٰبَ إِلَّا لِتُبَيِّنَ لَهُمُ ٱلَّذِى ٱخْتَلَفُوا۟ فِيهِ ۙ وَهُدًۭى وَرَحْمَةًۭ لِّقَوْمٍۢ يُؤْمِنُونَ ﴿٦٤﴾

Quraankana waxaan uun kuugu soo Dejinay inaad u Caddaysid Dadka waxay isku Khilaafsanyihiin iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddii Rumayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱللَّهُ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءًۭ فَأَحْيَا بِهِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَآ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَةًۭ لِّقَوْمٍۢ يَسْمَعُونَ ﴿٦٥﴾

Eebana waa kan ka soo Dejiya Samada Biyo, kuna Nooleeya Dhulka Abaar ka dib, Arrintaasna Calaamad yaa ugu sugan Ciddii wax maqli.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِنَّ لَكُمْ فِى ٱلْأَنْعَٰمِ لَعِبْرَةًۭ ۖ نُّسْقِيكُم مِّمَّا فِى بُطُونِهِۦ مِنۢ بَيْنِ فَرْثٍۢ وَدَمٍۢ لَّبَنًا خَالِصًۭا سَآئِغًۭا لِّلشَّٰرِبِينَ ﴿٦٦﴾

Waxaana idiinku sugan Xoolaha Cibrad (Waano qaadasho) waxaana idinka waraabinaa waxa ku sugan Caloosheeda Digo iyo Dhiig dhexdooda ah Caano Saafi ah oo u fudud kuwa Cabbi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمِن ثَمَرَٰتِ ٱلنَّخِيلِ وَٱلْأَعْنَٰبِ تَتَّخِذُونَ مِنْهُ سَكَرًۭا وَرِزْقًا حَسَنًا ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَةًۭ لِّقَوْمٍۢ يَعْقِلُونَ ﴿٦٧﴾

iyo Midhaha Timirta iyo Cinabka ood ka yeelataan Cabbid iyo Risqi Fiican, Arrintaasna Calaamadbaa ugu sugan cidii wax kasi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَوْحَىٰ رَبُّكَ إِلَى ٱلنَّحْلِ أَنِ ٱتَّخِذِى مِنَ ٱلْجِبَالِ بُيُوتًۭا وَمِنَ ٱلشَّجَرِ وَمِمَّا يَعْرِشُونَ ﴿٦٨﴾

Wuxuu u Waxyooday (ku Ilhaameeyey) Eebahaa Shinnida ka yeelo Buuraha Guryo iyo Geedaha iyo waxay Dhistaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ كُلِى مِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ فَٱسْلُكِى سُبُلَ رَبِّكِ ذُلُلًۭا ۚ يَخْرُجُ مِنۢ بُطُونِهَا شَرَابٌۭ مُّخْتَلِفٌ أَلْوَٰنُهُۥ فِيهِ شِفَآءٌۭ لِّلنَّاسِ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَةًۭ لِّقَوْمٍۢ يَتَفَكَّرُونَ ﴿٦٩﴾

Markaas Cun Midho kasta xaggooda qaadna Jidadka Eebahaa oo laylyan, waxaana ka soo baxa Calooshooda Cabbid kala duwantahay Midabkoodu dhexdiisana waxaa ah Daawo Dadka Arrintaasna Calaamaa ugu sugan ciddii Fikiri.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱللَّهُ خَلَقَكُمْ ثُمَّ يَتَوَفَّىٰكُمْ ۚ وَمِنكُم مَّن يُرَدُّ إِلَىٰٓ أَرْذَلِ ٱلْعُمُرِ لِكَىْ لَا يَعْلَمَ بَعْدَ عِلْمٍۢ شَيْـًٔا ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌۭ قَدِيرٌۭ ﴿٧٠﴾

Eebaa idin abuuray markaas idin oofsan (Dili) waxaana idinka mida cid loo eelin (la gaadhsiin) cimriga ugu liita inuusan ogaan waxba cilmi «ogaansho» dabadiis, Eebana wax walba waa ogyahay karaana.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱللَّهُ فَضَّلَ بَعْضَكُمْ عَلَىٰ بَعْضٍۢ فِى ٱلرِّزْقِ ۚ فَمَا ٱلَّذِينَ فُضِّلُوا۟ بِرَآدِّى رِزْقِهِمْ عَلَىٰ مَا مَلَكَتْ أَيْمَٰنُهُمْ فَهُمْ فِيهِ سَوَآءٌ ۚ أَفَبِنِعْمَةِ ٱللَّهِ يَجْحَدُونَ ﴿٧١﴾

Eebe wuu ka fadilay Qaarkiin qaar Risqiga, mana aha kuwa la fadilay kuwii ku celiya Risqigooda waxay gacantoodu hanato oy isku mid ku noqdaan ee Ma Nicmada Eebaad diidaysaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَٰجًۭا وَجَعَلَ لَكُم مِّنْ أَزْوَٰجِكُم بَنِينَ وَحَفَدَةًۭ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ ۚ أَفَبِٱلْبَٰطِلِ يُؤْمِنُونَ وَبِنِعْمَتِ ٱللَّهِ هُمْ يَكْفُرُونَ ﴿٧٢﴾

Eebe wuxuu idinka yeelay naftiinna azwaaj wuxuuna idinka yeelay Haweenkiinna caruur iyo farac idinkuna arsaaqay wanaag ma baadhilbay rumayn oy Nicmada Eebay ka Gaaloobi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَمْلِكُ لَهُمْ رِزْقًۭا مِّنَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ شَيْـًۭٔا وَلَا يَسْتَطِيعُونَ ﴿٧٣﴾

waxayna Caabudayaan Eebe ka sokow waxaan uga hananayn Risqi Samooyinka iyo Dhulka waxba, waxna karin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَلَا تَضْرِبُوا۟ لِلَّهِ ٱلْأَمْثَالَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ ﴿٧٤﴾

ee hawyeelina Eebe wax la mida Eebe wuu ogyahay idinkuse ma ogidine.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

۞ ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا عَبْدًۭا مَّمْلُوكًۭا لَّا يَقْدِرُ عَلَىٰ شَىْءٍۢ وَمَن رَّزَقْنَٰهُ مِنَّا رِزْقًا حَسَنًۭا فَهُوَ يُنفِقُ مِنْهُ سِرًّۭا وَجَهْرًا ۖ هَلْ يَسْتَوُۥنَ ۚ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ ﴿٧٥﴾

Eebe wuxuu ka yeelay tusaale Addoon la leeyahay oon Waxba karin iyo Ruux aannu ku Arzaaqnay rizqi fiican oo u bixin qarsoodi iyo muuqaalba, Ma isku midbaa, Mahad Eebaa iska leh, Badankooduse wax ma oga.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًۭا رَّجُلَيْنِ أَحَدُهُمَآ أَبْكَمُ لَا يَقْدِرُ عَلَىٰ شَىْءٍۢ وَهُوَ كَلٌّ عَلَىٰ مَوْلَىٰهُ أَيْنَمَا يُوَجِّههُّ لَا يَأْتِ بِخَيْرٍ ۖ هَلْ يَسْتَوِى هُوَ وَمَن يَأْمُرُ بِٱلْعَدْلِ ۙ وَهُوَ عَلَىٰ صِرَٰطٍۢ مُّسْتَقِيمٍۢ ﴿٧٦﴾

Waxaa (kale) oo Eebe tusaale ka yeelay laba Nin oo midkood Af la'yahay (Mahadle) waxna karin dhibna ku ah (Culays) Ilaaliyihiisa meel Kastoos ujeediyana aan wanaag ka imanaynin Ma Egyihiin isaga iyo ruux fari Caddaalada Jid toosanna ku sugan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلِلَّهِ غَيْبُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَمَآ أَمْرُ ٱلسَّاعَةِ إِلَّا كَلَمْحِ ٱلْبَصَرِ أَوْ هُوَ أَقْرَبُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ قَدِيرٌۭ ﴿٧٧﴾

Eebaa iska leh waxa ku maqan Samooyinka iyo Dhulka, Saacadda amarkeeduna ma aha ilbidhiqsigeed mooyee ama ka dhaw, Eebana wax Kasta wuu karaa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱللَّهُ أَخْرَجَكُم مِّنۢ بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمْ لَا تَعْلَمُونَ شَيْـًۭٔا وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمْعَ وَٱلْأَبْصَٰرَ وَٱلْأَفْـِٔدَةَ ۙ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ ﴿٧٨﴾

Eebe wuxuu idinka soo bixiyay Caloosha Hooyooyinkiin Waxba idinkoon ogayn wuxuuna Idiin yeelay Ma- qal iyo Arag iyo Quluub inaad Ku Shukridaan Eebe.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَى ٱلطَّيْرِ مُسَخَّرَٰتٍۢ فِى جَوِّ ٱلسَّمَآءِ مَا يُمْسِكُهُنَّ إِلَّا ٱللَّهُ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَٰتٍۢ لِّقَوْمٍۢ يُؤْمِنُونَ ﴿٧٩﴾

Miyayna arkayn Shinbiraha loo Sakhiray Hawada samaa, Waxaana Eebe ahayna haynin, taasina Calaamooyin yaa ugu Sugan Cidii rumayn (Xaqa).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّنۢ بُيُوتِكُمْ سَكَنًۭا وَجَعَلَ لَكُم مِّن جُلُودِ ٱلْأَنْعَٰمِ بُيُوتًۭا تَسْتَخِفُّونَهَا يَوْمَ ظَعْنِكُمْ وَيَوْمَ إِقَامَتِكُمْ ۙ وَمِنْ أَصْوَافِهَا وَأَوْبَارِهَا وَأَشْعَارِهَآ أَثَٰثًۭا وَمَتَٰعًا إِلَىٰ حِينٍۢ ﴿٨٠﴾

Eebe wuxuu idinka yeelay Guryihiinna xasil (Degaan) wuxuuna idinka yeelay harkaha xoolaha Guryo idiin fudud maalinta geediga iyo maalinta nagaadigaba, idinkana yeelay Suufkeeda iyo dhogarta (Geela) iyo dhogorta (Riyaha) Alaab iyo Maacuun tan iyo muddo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّمَّا خَلَقَ ظِلَٰلًۭا وَجَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلْجِبَالِ أَكْنَٰنًۭا وَجَعَلَ لَكُمْ سَرَٰبِيلَ تَقِيكُمُ ٱلْحَرَّ وَسَرَٰبِيلَ تَقِيكُم بَأْسَكُمْ ۚ كَذَٰلِكَ يُتِمُّ نِعْمَتَهُۥ عَلَيْكُمْ لَعَلَّكُمْ تُسْلِمُونَ ﴿٨١﴾

Eebe wuxuu idiinka yeelay wuxuu abuuray (Geedaha) hadh, wuxuuna idiinka yeelay Buuraha Dugaal, idiinkana yeelay dhar idinka dhawra kulaylka iyo Qamiis Bireed idinka dhawrta (Dhibka) Dagaalka, saasuuna idiinku Taamyeeli Eebe Nicmadiisa inaad Islaam noqotaan (Xaqa raacdaan).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَإِن تَوَلَّوْا۟ فَإِنَّمَا عَلَيْكَ ٱلْبَلَٰغُ ٱلْمُبِينُ ﴿٨٢﴾

hadday jeedsadaan waxaa uun korkaaga ah gaadhsiin cad.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَعْرِفُونَ نِعْمَتَ ٱللَّهِ ثُمَّ يُنكِرُونَهَا وَأَكْثَرُهُمُ ٱلْكَٰفِرُونَ ﴿٨٣﴾

way garan Nicmada Eebe wayna dafiri, badankooduna waa Gaalo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيَوْمَ نَبْعَثُ مِن كُلِّ أُمَّةٍۢ شَهِيدًۭا ثُمَّ لَا يُؤْذَنُ لِلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَلَا هُمْ يُسْتَعْتَبُونَ ﴿٨٤﴾

(Xusuusi) maalintaan ka soo bixin Umad kasta marag, markaasna aan loo Idmayn kuwii Gaaloobay cudar daarasho, Lagana doonayn cudur daar.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا رَءَا ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ ٱلْعَذَابَ فَلَا يُخَفَّفُ عَنْهُمْ وَلَا هُمْ يُنظَرُونَ ﴿٨٥﴾

Markay arkan kuwii Dulmi falay Cadaabka Lagama fududeeyo xaggooda lamana sugo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا رَءَا ٱلَّذِينَ أَشْرَكُوا۟ شُرَكَآءَهُمْ قَالُوا۟ رَبَّنَا هَٰٓؤُلَآءِ شُرَكَآؤُنَا ٱلَّذِينَ كُنَّا نَدْعُوا۟ مِن دُونِكَ ۖ فَأَلْقَوْا۟ إِلَيْهِمُ ٱلْقَوْلَ إِنَّكُمْ لَكَٰذِبُونَ ﴿٨٦﴾

Markay arkaan kuwii Gaaloobay shurakadooda waxay dhahaan Eebow kuwaasu waa Shurakadannadii aannu Caabudi jirray Eebe ka sokow, markaasay ku soo tuureen Hadal ah idinku Been baad sheegaysaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَلْقَوْا۟ إِلَى ٱللَّهِ يَوْمَئِذٍ ٱلسَّلَمَ ۖ وَضَلَّ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَفْتَرُونَ ﴿٨٧﴾

Waxayna u Dhiibaan Eebe Maalintaa Hogaansiga, waxaana ka shuma waxay Been Abuuran jireen.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ زِدْنَٰهُمْ عَذَابًۭا فَوْقَ ٱلْعَذَابِ بِمَا كَانُوا۟ يُفْسِدُونَ ﴿٨٨﴾

Kuwii gaaloobay ee ka awday dadka jidka Eebe waxaan ugu siyaadinnaa Cadaab Korka cadaabka Faasuqnimadooda Darteed.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيَوْمَ نَبْعَثُ فِى كُلِّ أُمَّةٍۢ شَهِيدًا عَلَيْهِم مِّنْ أَنفُسِهِمْ ۖ وَجِئْنَا بِكَ شَهِيدًا عَلَىٰ هَٰٓؤُلَآءِ ۚ وَنَزَّلْنَا عَلَيْكَ ٱلْكِتَٰبَ تِبْيَٰنًۭا لِّكُلِّ شَىْءٍۢ وَهُدًۭى وَرَحْمَةًۭ وَبُشْرَىٰ لِلْمُسْلِمِينَ ﴿٨٩﴾

(Xusuusi) Maalintaan ka soo bixinayno Umad kasta marag Naftooda ah oon ku Keenayno (Nabiyow) Adoo marag ku ah kuwan (Umadaada) Waxaana kugu dajinnay Kitaab oo ah Caddaynta wax kasta iyo hanuun iyo Naxariis iyo bishaarada dadka muslimiinta ah.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

۞ إِنَّ ٱللَّهَ يَأْمُرُ بِٱلْعَدْلِ وَٱلْإِحْسَٰنِ وَإِيتَآئِ ذِى ٱلْقُرْبَىٰ وَيَنْهَىٰ عَنِ ٱلْفَحْشَآءِ وَٱلْمُنكَرِ وَٱلْبَغْىِ ۚ يَعِظُكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ ﴿٩٠﴾

Eebe wuxuu Fari Caddaalad iyo Samafal iyo Wax siinta qaraabada Wuxuuna reebi Xumaan iyo Munkar iyo Gardarro, Wuuna idin Waanin inaad wax Xasuusataan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَوْفُوا۟ بِعَهْدِ ٱللَّهِ إِذَا عَٰهَدتُّمْ وَلَا تَنقُضُوا۟ ٱلْأَيْمَٰنَ بَعْدَ تَوْكِيدِهَا وَقَدْ جَعَلْتُمُ ٱللَّهَ عَلَيْكُمْ كَفِيلًا ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ مَا تَفْعَلُونَ ﴿٩١﴾

Oofiya Ballanka Eebe markaad Ballantantaan hana burinina Dhaarta ka dib intaad adkayseen ood uga yeesheen Eebe korkiina Kafiil (ilaaliye), Eebana waa ogyahay Waxaad falaysaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَا تَكُونُوا۟ كَٱلَّتِى نَقَضَتْ غَزْلَهَا مِنۢ بَعْدِ قُوَّةٍ أَنكَٰثًۭا تَتَّخِذُونَ أَيْمَٰنَكُمْ دَخَلًۢا بَيْنَكُمْ أَن تَكُونَ أُمَّةٌ هِىَ أَرْبَىٰ مِنْ أُمَّةٍ ۚ إِنَّمَا يَبْلُوكُمُ ٱللَّهُ بِهِۦ ۚ وَلَيُبَيِّنَنَّ لَكُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ مَا كُنتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ ﴿٩٢﴾

Hana Noqonina Sidii tii Burisay (furfurtay) Soohiddii Xoog ka dib furfurid idinkoo ka yeelan dhaartiina Dhagar dhexdiina ah, inay ahaatay ummad mid ka badan Ummad kale, Eebe wuu idinku imtixaami (Armakaas) iyo inuu idiin Cadeeyo maalinta Qiyaame waxaad isku diidanaydeen.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَوْ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَكُمْ أُمَّةًۭ وَٰحِدَةًۭ وَلَٰكِن يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ ۚ وَلَتُسْـَٔلُنَّ عَمَّا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ﴿٩٣﴾

hadduu doono Eebe wuxuu idinka yeeli lahaa umad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu doono, waana laydin warsan waxaad camal falayseen.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَا تَتَّخِذُوٓا۟ أَيْمَٰنَكُمْ دَخَلًۢا بَيْنَكُمْ فَتَزِلَّ قَدَمٌۢ بَعْدَ ثُبُوتِهَا وَتَذُوقُوا۟ ٱلسُّوٓءَ بِمَا صَدَدتُّمْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ۖ وَلَكُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌۭ ﴿٩٤﴾

haka yeelanina dhaartiinna dhagar dhexdiinna ah ood markaas simbiriirxataa gomadi intay sugnayd ka dib ood dhadhamisaan xumaan (Cadaab) ka jeedintiinna dadka jidka Eebe darteed, waxaana idiin sugnaaday Cadaab wayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَا تَشْتَرُوا۟ بِعَهْدِ ٱللَّهِ ثَمَنًۭا قَلِيلًا ۚ إِنَّمَا عِندَ ٱللَّهِ هُوَ خَيْرٌۭ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ ﴿٩٥﴾

hana ku gadanina ballanka Eebe qiimo yar (waxba) waxa Eebe agtiisa ah yaa idiin khayrroone haddaad wax ogtihiin,

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

مَا عِندَكُمْ يَنفَدُ ۖ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ بَاقٍۢ ۗ وَلَنَجْزِيَنَّ ٱلَّذِينَ صَبَرُوٓا۟ أَجْرَهُم بِأَحْسَنِ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ ﴿٩٦﴾

waxa agtiinna ah wuu dhamaan waxa Eebe agtiisa ahna wuu hadhi waxaana ku abaal marinaynaa kuwa samra (adkaysta) Ajirkooda midka ugu fiican ee ay falsayeen.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

مَنْ عَمِلَ صَٰلِحًۭا مِّن ذَكَرٍ أَوْ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤْمِنٌۭ فَلَنُحْيِيَنَّهُۥ حَيَوٰةًۭ طَيِّبَةًۭ ۖ وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَجْرَهُم بِأَحْسَنِ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ ﴿٩٧﴾

Ciddii camal fasha wanaag oo Raga ama haweena isagoo mu'mina waxaan noolaynaynaa Nolol wanaagsan, waxaana ku abaal marinaynaa Ajirkooda waxa ugu Wanaagsan ee ay falayeen.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَإِذَا قَرَأْتَ ٱلْقُرْءَانَ فَٱسْتَعِذْ بِٱللَّهِ مِنَ ٱلشَّيْطَٰنِ ٱلرَّجِيمِ ﴿٩٨﴾

markaad akhiriyi Quraanka ka magan gal Eebe shaydaan la dheereeyey.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّهُۥ لَيْسَ لَهُۥ سُلْطَٰنٌ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ ﴿٩٩﴾

isagu kuma leh xujo kuwa Rumeeyey xaqa Eebahoodna talo saarta

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّمَا سُلْطَٰنُهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ يَتَوَلَّوْنَهُۥ وَٱلَّذِينَ هُم بِهِۦ مُشْرِكُونَ ﴿١٠٠﴾

wuxuuse xujo ku yeeshaa kuwa ka wali yeesha iyo kuwa la wadaajiya Eebe.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا بَدَّلْنَآ ءَايَةًۭ مَّكَانَ ءَايَةٍۢ ۙ وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا يُنَزِّلُ قَالُوٓا۟ إِنَّمَآ أَنتَ مُفْتَرٍۭ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ ﴿١٠١﴾

haddaan ku badallano Aayad meel Aayad kale Eebana ogyahay wuxuu dejin waxay dhahaan waxaad uun tahay Beenabuurte, badankooduse wax ma oga.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قُلْ نَزَّلَهُۥ رُوحُ ٱلْقُدُسِ مِن رَّبِّكَ بِٱلْحَقِّ لِيُثَبِّتَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَهُدًۭى وَبُشْرَىٰ لِلْمُسْلِمِينَ ﴿١٠٢﴾

waxaad dhahdaa waxaa ka soo dejiyey Ruuxii Daabirka ahaa (Jibriil) xagga Eebaha xaqa ah inuu ku sugo kuwii rumeeyey xaqa iyo hanuun iyo Bishaaro isagoo u ah Muslimiinta.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَقَدْ نَعْلَمُ أَنَّهُمْ يَقُولُونَ إِنَّمَا يُعَلِّمُهُۥ بَشَرٌۭ ۗ لِّسَانُ ٱلَّذِى يُلْحِدُونَ إِلَيْهِ أَعْجَمِىٌّۭ وَهَٰذَا لِسَانٌ عَرَبِىٌّۭ مُّبِينٌ ﴿١٠٣﴾

Waxaan dhab u ognahay inay dhihi Waxaa bara Nabiga Quraanka dad, Carrabkay ku leexin waa Cajami Kanna waa Lisaan (af carabi) cad.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ لَا يَهْدِيهِمُ ٱللَّهُ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ ﴿١٠٤﴾

Kuwaan rumayn Aayaadka Eebe ma Hanuuniyo Eebe Waxayna Mudan cadaab daran.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّمَا يَفْتَرِى ٱلْكَذِبَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ ۖ وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْكَٰذِبُونَ ﴿١٠٥﴾

Waxaa uun abuurta Been kuwaan rumayn Aayaadka Eebe kuwaasuna iyaga umbaa Beenaalayaala.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

مَن كَفَرَ بِٱللَّهِ مِنۢ بَعْدِ إِيمَٰنِهِۦٓ إِلَّا مَنْ أُكْرِهَ وَقَلْبُهُۥ مُطْمَئِنٌّۢ بِٱلْإِيمَٰنِ وَلَٰكِن مَّن شَرَحَ بِٱلْكُفْرِ صَدْرًۭا فَعَلَيْهِمْ غَضَبٌۭ مِّنَ ٱللَّهِ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌۭ ﴿١٠٦﴾

Oo ah kuwa Eebe ka gaaloobay rumayn ka dib (ee mudan halaag) Ruux lagu Qasbay qalbigiisuna ku Xasillanyahay iimaanka mooyee, ruuxiise laabtiissu u Waasac noqoto (rumayso) Gaalnimo Waxaa korkooda ah Cadho Eebe, Waxayna Mudan Cadaab wayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ ٱسْتَحَبُّوا۟ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا عَلَى ٱلْءَاخِرَةِ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلْكَٰفِرِينَ ﴿١٠٧﴾

Arrintaasuna waa inay ka doorteen Nolosha dhaw (ee adduun) Aakhiro iyo Inaan Eebe hanuuninayn kuwa gaalada ah.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ وَسَمْعِهِمْ وَأَبْصَٰرِهِمْ ۖ وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْغَٰفِلُونَ ﴿١٠٨﴾

Kuwaas Eebaa daboolay quluubtooda, Maqalkooda iyo Aragooda waana kuwa uun Halmaansan (xaqa).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لَا جَرَمَ أَنَّهُمْ فِى ٱلْءَاخِرَةِ هُمُ ٱلْخَٰسِرُونَ ﴿١٠٩﴾

Waxaa sugan in kuwaasu aakharo ay Iyagu uun Khasaareen

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ هَاجَرُوا۟ مِنۢ بَعْدِ مَا فُتِنُوا۟ ثُمَّ جَٰهَدُوا۟ وَصَبَرُوٓا۟ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعْدِهَا لَغَفُورٌۭ رَّحِيمٌۭ ﴿١١٠﴾

Eebahaase kuwa Hijrooday intii la fidmeeyey (la dhibay) ka dib markaas jahaaday oo samray (adkaystay) Eebahaana intaas ka dib waa u dambi dhaafe Naxariista.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

۞ يَوْمَ تَأْتِى كُلُّ نَفْسٍۢ تُجَٰدِلُ عَن نَّفْسِهَا وَتُوَفَّىٰ كُلُّ نَفْسٍۢ مَّا عَمِلَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ ﴿١١١﴾

waana Maalin ay imaan naf walba iyadoo ka doodi (Daafici) nafteeda oo loo Oofin naf kasta waxay fasahay lana duminayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًۭا قَرْيَةًۭ كَانَتْ ءَامِنَةًۭ مُّطْمَئِنَّةًۭ يَأْتِيهَا رِزْقُهَا رَغَدًۭا مِّن كُلِّ مَكَانٍۢ فَكَفَرَتْ بِأَنْعُمِ ٱللَّهِ فَأَذَٰقَهَا ٱللَّهُ لِبَاسَ ٱلْجُوعِ وَٱلْخَوْفِ بِمَا كَانُوا۟ يَصْنَعُونَ ﴿١١٢﴾

Eebe wuxuu tusaale ka yeelay Magaalo ahayd aamin oo xasiloon ugana yimaaddo risqigeedu (Cunnada) oo barwaaqo ah meel kasta oo ka Gaalowday Nicmooyinkii Eebe oo Eebe dhadhansiiyey Gaajo dabooshay iyo cabsi waxay sameynayeen darteed.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَقَدْ جَآءَهُمْ رَسُولٌۭ مِّنْهُمْ فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمُ ٱلْعَذَابُ وَهُمْ ظَٰلِمُونَ ﴿١١٣﴾

waxaa dhab ahaan ugu yimid Rasuul ka mida wayna beeniyeen, waxaana qabtay Cadaab iyagoo Daalimiina.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَكُلُوا۟ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ حَلَٰلًۭا طَيِّبًۭا وَٱشْكُرُوا۟ نِعْمَتَ ٱللَّهِ إِن كُنتُمْ إِيَّاهُ تَعْبُدُونَ ﴿١١٤﴾

ee cuna waxa Eebe idinku Arsuqay ee xalaasha fiicana kuna shukriya Nicmada Eebe haddaad isaga Caabudaysaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّمَا حَرَّمَ عَلَيْكُمُ ٱلْمَيْتَةَ وَٱلدَّمَ وَلَحْمَ ٱلْخِنزِيرِ وَمَآ أُهِلَّ لِغَيْرِ ٱللَّهِ بِهِۦ ۖ فَمَنِ ٱضْطُرَّ غَيْرَ بَاغٍۢ وَلَا عَادٍۢ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌۭ رَّحِيمٌۭ ﴿١١٥﴾

wuxuu uun idinka xarrimay Bakhtiga, Dhiigga, Hilibka Doofaarka iyo wixii lagu gawraco waxaan Magaca Eebe ahayn, ciddii dhibaatoota (Gaajo) iyadoon dulmiyin xadna gudbin Eebe waa dambi dhaafe Naxariista.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَا تَقُولُوا۟ لِمَا تَصِفُ أَلْسِنَتُكُمُ ٱلْكَذِبَ هَٰذَا حَلَٰلٌۭ وَهَٰذَا حَرَامٌۭ لِّتَفْتَرُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ ٱلْكَذِبَ ۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَفْتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلْكَذِبَ لَا يُفْلِحُونَ ﴿١١٦﴾

ha dhihina wuxuu carrabkiina ku tilmaani been kani waa xalaal kanna waa xaaraan, inaad ku been abuurataan Eebe, kuwa ku Been abuurta Eebe ma Liibaanaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

مَتَٰعٌۭ قَلِيلٌۭ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌۭ ﴿١١٧﴾

waa Nolol yar (Adduunku) waxayna mudan Cadaab daran.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَعَلَى ٱلَّذِينَ هَادُوا۟ حَرَّمْنَا مَا قَصَصْنَا عَلَيْكَ مِن قَبْلُ ۖ وَمَا ظَلَمْنَٰهُمْ وَلَٰكِن كَانُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ ﴿١١٨﴾

kuwii Yuhuudoobay waxaan ka xarrimay waxaan kaaga qisoonay horay, mana aanaan dulmiyin iyagaase naftooda Dulmiyey.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ عَمِلُوا۟ ٱلسُّوٓءَ بِجَهَٰلَةٍۢ ثُمَّ تَابُوا۟ مِنۢ بَعْدِ ذَٰلِكَ وَأَصْلَحُوٓا۟ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعْدِهَا لَغَفُورٌۭ رَّحِيمٌ ﴿١١٩﴾

markaas Eebahaa kuwa xumaan ku fala Jaahilnimo markaas toobadkeena intaas ka dib oo suubiya Camalka eebahaa ka dib wuu u dhaafi una Naxariisan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ إِبْرَٰهِيمَ كَانَ أُمَّةًۭ قَانِتًۭا لِّلَّهِ حَنِيفًۭا وَلَمْ يَكُ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ ﴿١٢٠﴾

(Nabi) Ibraahim wuxuu ahaa Umad «Khayr Fare» Eebe adeece Xaqa u iishe mana ka mid ahayn Mushrikiinta.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

شَاكِرًۭا لِّأَنْعُمِهِ ۚ ٱجْتَبَىٰهُ وَهَدَىٰهُ إِلَىٰ صِرَٰطٍۢ مُّسْتَقِيمٍۢ ﴿١٢١﴾

Kuna shukriya Nicmada Eebe wuuna doortay wuxuuna ku hanuuniyey Jidka Toosan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَءَاتَيْنَٰهُ فِى ٱلدُّنْيَا حَسَنَةًۭ ۖ وَإِنَّهُۥ فِى ٱلْءَاخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ﴿١٢٢﴾

waxaana siinay Adduunka wanaag, aakhirana wuxuu ka mid noqon kuwa Suuban.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ أَنِ ٱتَّبِعْ مِلَّةَ إِبْرَٰهِيمَ حَنِيفًۭا ۖ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ ﴿١٢٣﴾

markaas waxaan kuu waxyoonay Nabiyow raac Diinta (Nabi) Ibraahim ee Toosan kama mid ahayn Mushriikiinta.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّمَا جُعِلَ ٱلسَّبْتُ عَلَى ٱلَّذِينَ ٱخْتَلَفُوا۟ فِيهِ ۚ وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَحْكُمُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ ﴿١٢٤﴾

Sabtida waxaa uun looyeelay kuwii isku khilaafay, Eebahaana wuu kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay isku Khilaafayeen.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱدْعُ إِلَىٰ سَبِيلِ رَبِّكَ بِٱلْحِكْمَةِ وَٱلْمَوْعِظَةِ ٱلْحَسَنَةِ ۖ وَجَٰدِلْهُم بِٱلَّتِى هِىَ أَحْسَنُ ۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ ۖ وَهُوَ أَعْلَمُ بِٱلْمُهْتَدِينَ ﴿١٢٥﴾

ugu yeedh Jidka Eebahaa si xigmada iyo Wacdi fiicana kulana dood sida u fiican, Eebahaana wuu ogyahay cidda ka dhunta Jidkiisa wuuna ogyahay kuwa Hanuunsan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِنْ عَاقَبْتُمْ فَعَاقِبُوا۟ بِمِثْلِ مَا عُوقِبْتُم بِهِۦ ۖ وَلَئِن صَبَرْتُمْ لَهُوَ خَيْرٌۭ لِّلصَّٰبِرِينَ ﴿١٢٦﴾

haddaad wax ciqaabaysaan u Ciqaaba inta laydin ciqaabay, haddaad samirtaana isagaa u khayr roon kuwa samra.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱصْبِرْ وَمَا صَبْرُكَ إِلَّا بِٱللَّهِ ۚ وَلَا تَحْزَنْ عَلَيْهِمْ وَلَا تَكُ فِى ضَيْقٍۢ مِّمَّا يَمْكُرُونَ ﴿١٢٧﴾

Samir, mana aha samirkaagu dar Eebe mooyee, hana ka murugoon, hana ka cidhiidhyamin waxay Dhagri.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوا۟ وَّٱلَّذِينَ هُم مُّحْسِنُونَ ﴿١٢٨﴾

Eebana wuxuu la jira kuwa dhawrsada wuxuuna la jira kuwa samo fala.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

An-Nahl Aayadda 1 / 128

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda An-Nahl ku saabsan

Suuradda An-Nahl (النحل) waa suuradda 16aad ee Quraanka. Waxay leedahay 128 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 14. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.

Magaceeda, النحل, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda An-Nahl ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda An-Nahl?

Suuradda An-Nahl waxay leedahay 128 aayadood.

Suuradda An-Nahl ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.

Suuradda An-Nahl Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda An-Nahl waxay ku jirtaa Juz 14.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda An-Nahl?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources