Nabi Hud

4 / 25 هود 28 aayadood

Huud waxaa loo diray dadka Caad.

2

Dabayl xoog badan

Caad waxay arkeen daruur soo socota waxayna u malaynayeen inay roob keenayso. Waxay ahayd dabayl wadata cadaab xanuun badan, oo wax walba ku baabi'isay amarka Rabbigeed, ilaa ay guryahoodu oo keliya la arki karaan.

Muuji aayadaha (9)

۞ وَٱذْكُرْ أَخَا عَادٍ إِذْ أَنذَرَ قَوْمَهُۥ بِٱلْأَحْقَافِ وَقَدْ خَلَتِ ٱلنُّذُرُ مِنۢ بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِۦٓ أَلَّا تَعْبُدُوٓا۟ إِلَّا ٱللَّهَ إِنِّىٓ أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍۢ ﴿٢١﴾

Xusuuso Ree caad walaalkood (Nabi huud) markuu u digay qoomkiisii iyagoo daggan Axqaaf, iyagoo Rasuullo wax u diga ka horreeyeen kana dambeeyeen, isagoo ku dhihi Eebe mooyee wax kale ha caabudina, waxaan idiinka yaabi caddibaad maalin wayn/

قَالُوٓا۟ أَجِئْتَنَا لِتَأْفِكَنَا عَنْ ءَالِهَتِنَا فَأْتِنَا بِمَا تَعِدُنَآ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ ﴿٢٢﴾

Waxay ku dheheen ma waxaad noola timid inaad naga iisho Ilaahyadannada, noo keen waxaad noogu doogiyayso haddaad run sheegeyso,

قَالَ إِنَّمَا ٱلْعِلْمُ عِندَ ٱللَّهِ وَأُبَلِّغُكُم مَّآ أُرْسِلْتُ بِهِۦ وَلَٰكِنِّىٓ أَرَىٰكُمْ قَوْمًۭا تَجْهَلُونَ ﴿٢٣﴾

Wuxuuna ku yidhi Eebaa ku cilmi leh (goorta caddibaaddiinna) ee anugu waxaan idin gaadhsiin waxa layfaray inaan gaadhsiiyo, waxaanse idinku arkaa kuwa jaahiliin ah.

فَلَمَّا رَأَوْهُ عَارِضًۭا مُّسْتَقْبِلَ أَوْدِيَتِهِمْ قَالُوا۟ هَٰذَا عَارِضٌۭ مُّمْطِرُنَا ۚ بَلْ هُوَ مَا ٱسْتَعْجَلْتُم بِهِۦ ۖ رِيحٌۭ فِيهَا عَذَابٌ أَلِيمٌۭ ﴿٢٤﴾

Markay Gaaladii Reer caad arkeen caddibaaddii (Sida daruur) oo Toggooda soo qaabishay waxay, dheheen waa Daruur nawaraabinaysa, Ma aha ee waa waxaad dadajisanayseen inuu timaaddo oo caddibaad ah, waana dabayl caddibaad darani ku jirto.

تُدَمِّرُ كُلَّ شَىْءٍۭ بِأَمْرِ رَبِّهَا فَأَصْبَحُوا۟ لَا يُرَىٰٓ إِلَّا مَسَٰكِنُهُمْ ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْقَوْمَ ٱلْمُجْرِمِينَ ﴿٢٥﴾

Wax kasta oy martana way burburin amarka Eebe dartiis, markaasay ahaadeen kuwa aan la arkaynin Guryohoodii mooyee, saasaana ku abaal marinnaa kuwa dambiilayaasha ah.

وَلَقَدْ مَكَّنَّٰهُمْ فِيمَآ إِن مَّكَّنَّٰكُمْ فِيهِ وَجَعَلْنَا لَهُمْ سَمْعًۭا وَأَبْصَٰرًۭا وَأَفْـِٔدَةًۭ فَمَآ أَغْنَىٰ عَنْهُمْ سَمْعُهُمْ وَلَآ أَبْصَٰرُهُمْ وَلَآ أَفْـِٔدَتُهُم مِّن شَىْءٍ إِذْ كَانُوا۟ يَجْحَدُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ ﴿٢٦﴾

Waxaan makaninnay (siinnay) Ree caad wax aannaan idin makaninnin, waxaana u yeellay maqal, arag iyo Quluub, waxbase uma tarin Maqalkoodii, Araggoodii iyo Quluubtoodii, Maxayeelay Waxay diidayeen Aayaadka Eebe, waxaana ku dhacay (oo koobay) caddibaadii ay ku jees jeesayeen.

وَأَمَّا عَادٌۭ فَأُهْلِكُوا۟ بِرِيحٍۢ صَرْصَرٍ عَاتِيَةٍۢ ﴿٦﴾

Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow.

سَخَّرَهَا عَلَيْهِمْ سَبْعَ لَيَالٍۢ وَثَمَٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًۭا فَتَرَى ٱلْقَوْمَ فِيهَا صَرْعَىٰ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ خَاوِيَةٍۢ ﴿٧﴾

oo lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay).

فَهَلْ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةٍۢ ﴿٨﴾

wax ka hadhay miyaad aragtaa.

Qisadan waxaa laga qaaday Quraanka oo keliya. Tafaasiil ka yimid kutub kale lama darin.

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaad: Mahmud Muhammad Abduh.

Su'aalaha nabiyada ku saabsan

Yaa ahaa Nabi Hud?

Huud waxaa loo diray dadka Caad.

Xaggee ku yaal qisada Hud ee Quraanka?

Waxay ku jirtaa Al-A'raf 7:65–72, Hud 11:50–60, Al-Ahqaf 46:21–26, Al-Haqqah 69:6–8. Boggani wuxuu muujinayaa aayadahan oo Carabi ah iyo afkaaga.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources