Nin runta sheega ah
Allah wuxuu Idriis ugu yeedhay nin runta sheega ah iyo nabi, wuxuu sheegay inuu u kor qaaday meel sare, wuxuuna ka tiriyay kuwa samray iyo kuwa wanaagsan.
Muuji aayadaha (4)
وَٱذْكُرْ فِى ٱلْكِتَٰبِ إِدْرِيسَ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ صِدِّيقًۭا نَّبِيًّۭا ﴿٥٦﴾
kuna sheeg kitaabka (nabi) Idriis, wuxuu ahaa runbadane nabi ah.
وَرَفَعْنَٰهُ مَكَانًا عَلِيًّا ﴿٥٧﴾
waxaana u koryeellay meel sare.
وَإِسْمَٰعِيلَ وَإِدْرِيسَ وَذَا ٱلْكِفْلِ ۖ كُلٌّۭ مِّنَ ٱلصَّٰبِرِينَ ﴿٨٥﴾
Xusuuso Ismaaciil, Idiriis, Dulkifli Dhammaan waxay ka mid ahaayeen kuwa Samra.
وَأَدْخَلْنَٰهُمْ فِى رَحْمَتِنَآ ۖ إِنَّهُم مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ﴿٨٦﴾
Waxaana Dhex galinay Naxariis tanada waxayna ka Mid ahaayeen kuwa Suuban.