Xukun isagoo wiil ah
Allah wuxuu yidhi: “Yaxyow, kitaabka ku qaado xoog.” Wuxuu siiyay xukun isagoo wiil ah, naxariis isaga ka timid iyo daahirnimo. Waxaa uu ahaa mid waalidkiis u wanaagsan oo ahayn kibir ama caasi. Nabad ayaa korkiisa ah maalinta uu dhashay, maalinta uu dhinto iyo maalinta lagu soo bixiyo isagoo nool.
Muuji aayadaha (10)
يَٰزَكَرِيَّآ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ ٱسْمُهُۥ يَحْيَىٰ لَمْ نَجْعَل لَّهُۥ مِن قَبْلُ سَمِيًّۭا ﴿٧﴾
zakariyow annagu waxaanu kuugu bishaarayn wiil magaciisu Yahay yaxye oonaan u yeelin horay wax lamid ah (lamagac ah).
قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِى غُلَٰمٌۭ وَكَانَتِ ٱمْرَأَتِى عَاقِرًۭا وَقَدْ بَلَغْتُ مِنَ ٱلْكِبَرِ عِتِيًّۭا ﴿٨﴾
wuxuu yidhi Eebow sidee iigu ahaan wiil iyadooy tahay haweeneydaydu madhalays oon ka gaadhay waynida gabow.
قَالَ كَذَٰلِكَ قَالَ رَبُّكَ هُوَ عَلَىَّ هَيِّنٌۭ وَقَدْ خَلَقْتُكَ مِن قَبْلُ وَلَمْ تَكُ شَيْـًۭٔا ﴿٩﴾
wuxuu yidhi waa saas, wuxuuna Eebaha yidhi isagu waa ii Fududahay waana ku abuuray horay adoon ahayn waxba.
قَالَ رَبِّ ٱجْعَل لِّىٓ ءَايَةًۭ ۚ قَالَ ءَايَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ ٱلنَّاسَ ثَلَٰثَ لَيَالٍۢ سَوِيًّۭا ﴿١٠﴾
wuxuu yidhi Eebow ii yeel calaamo (xaqnimada yaboohaada) wuxuu yidhi (Eebe) calaamadaadu waa inaadan la hadlin dadka seddex habeen oo israacsan (adoo fayow).
فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوْمِهِۦ مِنَ ٱلْمِحْرَابِ فَأَوْحَىٰٓ إِلَيْهِمْ أَن سَبِّحُوا۟ بُكْرَةًۭ وَعَشِيًّۭا ﴿١١﴾
markaasu ugaga soo baxay qoomkiisii mixraabka wuxuuna u ishaaray xaggooda inay tukadaan aroor iyo galabba.
يَٰيَحْيَىٰ خُذِ ٱلْكِتَٰبَ بِقُوَّةٍۢ ۖ وَءَاتَيْنَٰهُ ٱلْحُكْمَ صَبِيًّۭا ﴿١٢﴾
(waxaa loo yidhi) yaxyow ku qaado kitaabka (tawreed) xoog (dadaal) waxaan siinnay xigmo isagoo yar.
وَحَنَانًۭا مِّن لَّدُنَّا وَزَكَوٰةًۭ ۖ وَكَانَ تَقِيًّۭا ﴿١٣﴾
iyo naxariis agtanada ka ahaatay iyo daahirnimo wuxuuna ahaa dhawrsade.
وَبَرًّۢا بِوَٰلِدَيْهِ وَلَمْ يَكُن جَبَّارًا عَصِيًّۭا ﴿١٤﴾
iyo baarri labadiisa waalid mana ahayn daalim caasi ah.
وَسَلَٰمٌ عَلَيْهِ يَوْمَ وُلِدَ وَيَوْمَ يَمُوتُ وَيَوْمَ يُبْعَثُ حَيًّۭا ﴿١٥﴾
nabadgalyo korkiisa ha ahaato maalinta la dhalay iyo maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool.
فَنَادَتْهُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ وَهُوَ قَآئِمٌۭ يُصَلِّى فِى ٱلْمِحْرَابِ أَنَّ ٱللَّهَ يُبَشِّرُكَ بِيَحْيَىٰ مُصَدِّقًۢا بِكَلِمَةٍۢ مِّنَ ٱللَّهِ وَسَيِّدًۭا وَحَصُورًۭا وَنَبِيًّۭا مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ﴿٣٩﴾
Waxaana u dhawaaqday Malaa'igtii isagoo taagan oo ku Tukan Mixraabka Eebe wuxuu kuugu Bishaarayn Yaxye isagoo rumeyn Kalimada Eebe (Ciise) Sayidna ah Dhawrsoonna, Nabina ah, ka mid ah kuwa wanaagsan.