Nabigii ugu dambeeyay, naxariis
Allah wuxuu yidhi Muxammad waa Rasuulka Allah iyo xatimka nabiyada. Waxaa loo diray markhaati, bishaaro-bixiye iyo digaagale, mid ugu yeedha Allah idinkiisa, iyo laambad iftiimisa, oo keliya naxariis caalamiinta.
Muuji aayadaha (4)
مَّا كَانَ مُحَمَّدٌ أَبَآ أَحَدٍۢ مِّن رِّجَالِكُمْ وَلَٰكِن رَّسُولَ ٱللَّهِ وَخَاتَمَ ٱلنَّبِيِّۦنَ ۗ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمًۭا ﴿٤٠﴾
ma aha (Nabiga) Muxamad ah aabaha Ruux ragiina ka mid ah, laakiin waa Rasuulkii Eebe iyo Khatimidii Nabiyada, Eebana wax walba waa ogyahay.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ إِنَّآ أَرْسَلْنَٰكَ شَٰهِدًۭا وَمُبَشِّرًۭا وَنَذِيرًۭا ﴿٤٥﴾
Nabiyow waxaanu ku dirray adoo marag ah, oo bishaarayn oo digi.
وَدَاعِيًا إِلَى ٱللَّهِ بِإِذْنِهِۦ وَسِرَاجًۭا مُّنِيرًۭا ﴿٤٦﴾
oo Dadka Eebe ugu yeedhi Idankiisa, oo siraad ifi ah.
وَمَآ أَرْسَلْنَٰكَ إِلَّا رَحْمَةًۭ لِّلْعَٰلَمِينَ ﴿١٠٧﴾
kumana aanaan Dirin Naxariista Caalamka adoo ah Mooyee.