فَإِذَا ٱنسَلَخَ ٱلْأَشْهُرُ ٱلْحُرُمُ فَٱقْتُلُوا۟ ٱلْمُشْرِكِينَ حَيْثُ وَجَدتُّمُوهُمْ وَخُذُوهُمْ وَٱحْصُرُوهُمْ وَٱقْعُدُوا۟ لَهُمْ كُلَّ مَرْصَدٍۢ ۚ فَإِن تَابُوا۟ وَأَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُا۟ ٱلزَّكَوٰةَ فَخَلُّوا۟ سَبِيلَهُمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌۭ رَّحِيمٌۭ ﴿٥﴾ وَإِنْ أَحَدٌۭ مِّنَ ٱلْمُشْرِكِينَ ٱسْتَجَارَكَ فَأَجِرْهُ حَتَّىٰ يَسْمَعَ كَلَٰمَ ٱللَّهِ ثُمَّ أَبْلِغْهُ مَأْمَنَهُۥ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌۭ لَّا يَعْلَمُونَ ﴿٦﴾
markay faydmaan bilaha xurmada leh ku dila gaalada meejaad ka heshaan qabtana (qafaasha) Go'doomiya una fadhiista meel gabasho ah oo dhan, haddayse toobad keenaan oogaanna salaadda, bixiyaanna Sakada u sii daaya jidkooda Eebe waa dambi dhaafe Naxariistee. mid ka mida gaaladana hadduu magangal idin waydiisto magangaliya intuu ka maqlo hadalka Eebe markaas Gaadhsiiya meeluu Aamin ku yahay, illeen waa qoom aan wax ogayne.