Suuradda 70aad ee Quraanka

Suuradda Al-Ma'arij

Makki 44 aayadood Juz 29
Al-Ma'arij

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

سَأَلَ سَآئِلٌۢ بِعَذَابٍۢ وَاقِعٍۢ ﴿١﴾

Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لِّلْكَٰفِرِينَ لَيْسَ لَهُۥ دَافِعٌۭ ﴿٢﴾

Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

مِّنَ ٱللَّهِ ذِى ٱلْمَعَارِجِ ﴿٣﴾

Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

تَعْرُجُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيْهِ فِى يَوْمٍۢ كَانَ مِقْدَارُهُۥ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍۢ ﴿٤﴾

Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَٱصْبِرْ صَبْرًۭا جَمِيلًا ﴿٥﴾

Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّهُمْ يَرَوْنَهُۥ بَعِيدًۭا ﴿٦﴾

Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَنَرَىٰهُ قَرِيبًۭا ﴿٧﴾

Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَوْمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلْمُهْلِ ﴿٨﴾

Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ ﴿٩﴾

Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَا يَسْـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمًۭا ﴿١٠﴾

Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يُبَصَّرُونَهُمْ ۚ يَوَدُّ ٱلْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِى مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍۭ بِبَنِيهِ ﴿١١﴾

Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَصَٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ ﴿١٢﴾

Haweenaydiisa, Walaalkiis.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِى تُـْٔوِيهِ ﴿١٣﴾

iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًۭا ثُمَّ يُنجِيهِ ﴿١٤﴾

iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كَلَّآ ۖ إِنَّهَا لَظَىٰ ﴿١٥﴾

Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

نَزَّاعَةًۭ لِّلشَّوَىٰ ﴿١٦﴾

Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

تَدْعُوا۟ مَنْ أَدْبَرَ وَتَوَلَّىٰ ﴿١٧﴾

Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَجَمَعَ فَأَوْعَىٰٓ ﴿١٨﴾

Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

۞ إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا ﴿١٩﴾

Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعًۭا ﴿٢٠﴾

Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا مَسَّهُ ٱلْخَيْرُ مَنُوعًا ﴿٢١﴾

Hadduu khayr helana wuu reebaa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِلَّا ٱلْمُصَلِّينَ ﴿٢٢﴾

Marka laga reebo Muslimiinta tukata.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ دَآئِمُونَ ﴿٢٣﴾

Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلَّذِينَ فِىٓ أَمْوَٰلِهِمْ حَقٌّۭ مَّعْلُومٌۭ ﴿٢٤﴾

Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لِّلسَّآئِلِ وَٱلْمَحْرُومِ ﴿٢٥﴾

Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ ﴿٢٦﴾

Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلَّذِينَ هُم مِّنْ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ ﴿٢٧﴾

Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمْ غَيْرُ مَأْمُونٍۢ ﴿٢٨﴾

Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَٰفِظُونَ ﴿٢٩﴾

Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِلَّا عَلَىٰٓ أَزْوَٰجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَٰنُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ ﴿٣٠﴾

30 Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَمَنِ ٱبْتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْعَادُونَ ﴿٣١﴾

Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلَّذِينَ هُمْ لِأَمَٰنَٰتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَٰعُونَ ﴿٣٢﴾

Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلَّذِينَ هُم بِشَهَٰدَٰتِهِمْ قَآئِمُونَ ﴿٣٣﴾

Kuwa maraggooda si fiican u furay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ ﴿٣٤﴾

Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أُو۟لَٰٓئِكَ فِى جَنَّٰتٍۢ مُّكْرَمُونَ ﴿٣٥﴾

Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَمَالِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ قِبَلَكَ مُهْطِعِينَ ﴿٣٦﴾

Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

عَنِ ٱلْيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ عِزِينَ ﴿٣٧﴾

Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَيَطْمَعُ كُلُّ ٱمْرِئٍۢ مِّنْهُمْ أَن يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍۢ ﴿٣٨﴾

Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كَلَّآ ۖ إِنَّا خَلَقْنَٰهُم مِّمَّا يَعْلَمُونَ ﴿٣٩﴾

Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَلَآ أُقْسِمُ بِرَبِّ ٱلْمَشَٰرِقِ وَٱلْمَغَٰرِبِ إِنَّا لَقَٰدِرُونَ ﴿٤٠﴾

Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ خَيْرًۭا مِّنْهُمْ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ ﴿٤١﴾

Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا۟ وَيَلْعَبُوا۟ حَتَّىٰ يُلَٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى يُوعَدُونَ ﴿٤٢﴾

Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَوْمَ يَخْرُجُونَ مِنَ ٱلْأَجْدَاثِ سِرَاعًۭا كَأَنَّهُمْ إِلَىٰ نُصُبٍۢ يُوفِضُونَ ﴿٤٣﴾

Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

خَٰشِعَةً أَبْصَٰرُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌۭ ۚ ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يُوعَدُونَ ﴿٤٤﴾

Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

Al-Ma'arij Aayadda 1 / 44

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda Al-Ma'arij ku saabsan

Suuradda Al-Ma'arij (المعارج) waa suuradda 70aad ee Quraanka. Waxay leedahay 44 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 29. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.

Magaceeda, المعارج, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda Al-Ma'arij ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda Al-Ma'arij?

Suuradda Al-Ma'arij waxay leedahay 44 aayadood.

Suuradda Al-Ma'arij ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.

Suuradda Al-Ma'arij Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Ma'arij waxay ku jirtaa Juz 29.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda Al-Ma'arij?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources