Suuradda 53aad ee Quraanka

Suuradda An-Najm

Makki 62 aayadood Juz 27
An-Najm

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلنَّجْمِ إِذَا هَوَىٰ ﴿١﴾

Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu hoobto.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمْ وَمَا غَوَىٰ ﴿٢﴾

Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلْهَوَىٰٓ ﴿٣﴾

Kumana hadlo hawadiisa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْىٌۭ يُوحَىٰ ﴿٤﴾

quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلْقُوَىٰ ﴿٥﴾

Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ذُو مِرَّةٍۢ فَٱسْتَوَىٰ ﴿٦﴾

Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَهُوَ بِٱلْأُفُقِ ٱلْأَعْلَىٰ ﴿٧﴾

Wuxuu joogay jihadii sare (Jibriil).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ ﴿٨﴾

Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَكَانَ قَابَ قَوْسَيْنِ أَوْ أَدْنَىٰ ﴿٩﴾

Intuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَأَوْحَىٰٓ إِلَىٰ عَبْدِهِۦ مَآ أَوْحَىٰ ﴿١٠﴾

Wuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

مَا كَذَبَ ٱلْفُؤَادُ مَا رَأَىٰٓ ﴿١١﴾

Qalbiguna Ma beeniyo wuxuu arkay (Nabigu).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَفَتُمَٰرُونَهُۥ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ ﴿١٢﴾

Ee ma idinkaa ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَقَدْ رَءَاهُ نَزْلَةً أُخْرَىٰ ﴿١٣﴾

Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibrill mar kale.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

عِندَ سِدْرَةِ ٱلْمُنتَهَىٰ ﴿١٤﴾

Sidratul-Muntaha agteeda.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

عِندَهَا جَنَّةُ ٱلْمَأْوَىٰٓ ﴿١٥﴾

Agteedana waxaa ah Jannatul-ma'waa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِذْ يَغْشَى ٱلسِّدْرَةَ مَا يَغْشَىٰ ﴿١٦﴾

(Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

مَا زَاغَ ٱلْبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ ﴿١٧﴾

Arragguna kama iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لَقَدْ رَأَىٰ مِنْ ءَايَٰتِ رَبِّهِ ٱلْكُبْرَىٰٓ ﴿١٨﴾

Dhabnimo yuuna u arkay (Nabigu) Aayado Eebe oo waawayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَفَرَءَيْتُمُ ٱللَّٰتَ وَٱلْعُزَّىٰ ﴿١٩﴾

Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَنَوٰةَ ٱلثَّالِثَةَ ٱلْأُخْرَىٰٓ ﴿٢٠﴾

Iya Manaatadii saddexaad ee kale.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَلَكُمُ ٱلذَّكَرُ وَلَهُ ٱلْأُنثَىٰ ﴿٢١﴾

Idinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigga.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

تِلْكَ إِذًۭا قِسْمَةٌۭ ضِيزَىٰٓ ﴿٢٢﴾

Taasi waa qayb dulan ah.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنْ هِىَ إِلَّآ أَسْمَآءٌۭ سَمَّيْتُمُوهَآ أَنتُمْ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَٰنٍ ۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَمَا تَهْوَى ٱلْأَنفُسُ ۖ وَلَقَدْ جَآءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ ٱلْهُدَىٰٓ ﴿٢٣﴾

Sanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَمْ لِلْإِنسَٰنِ مَا تَمَنَّىٰ ﴿٢٤﴾

Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَلِلَّهِ ٱلْءَاخِرَةُ وَٱلْأُولَىٰ ﴿٢٥﴾

Aakhiro iyo Adduunba Eebaa iska leh.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

۞ وَكَم مِّن مَّلَكٍۢ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ لَا تُغْنِى شَفَٰعَتُهُمْ شَيْـًٔا إِلَّا مِنۢ بَعْدِ أَن يَأْذَنَ ٱللَّهُ لِمَن يَشَآءُ وَيَرْضَىٰٓ ﴿٢٦﴾

Badanaa Malag Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu la doono oo ka raalli noqdo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْءَاخِرَةِ لَيُسَمُّونَ ٱلْمَلَٰٓئِكَةَ تَسْمِيَةَ ٱلْأُنثَىٰ ﴿٢٧﴾

Kuwa aan rumaynin Aakhiro waxay Malaa'igta ku magacaabi magac dhaddig.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَا لَهُم بِهِۦ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ ۖ وَإِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغْنِى مِنَ ٱلْحَقِّ شَيْـًۭٔا ﴿٢٨﴾

Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun, malana xaqa wax kama taro.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَأَعْرِضْ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكْرِنَا وَلَمْ يُرِدْ إِلَّا ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا ﴿٢٩﴾

Ee iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ذَٰلِكَ مَبْلَغُهُم مِّنَ ٱلْعِلْمِ ۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ ٱهْتَدَىٰ ﴿٣٠﴾

Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ لِيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ أَسَٰٓـُٔوا۟ بِمَا عَمِلُوا۟ وَيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ أَحْسَنُوا۟ بِٱلْحُسْنَى ﴿٣١﴾

Samaawaadka iyo Dhulka waxa ku sugan Eebaa iska leh, si uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii wanaagga falay wanaag.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَٰٓئِرَ ٱلْإِثْمِ وَٱلْفَوَٰحِشَ إِلَّا ٱللَّمَمَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ وَٰسِعُ ٱلْمَغْفِرَةِ ۚ هُوَ أَعْلَمُ بِكُمْ إِذْ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلْأَرْضِ وَإِذْ أَنتُمْ أَجِنَّةٌۭ فِى بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمْ ۖ فَلَا تُزَكُّوٓا۟ أَنفُسَكُمْ ۖ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ ٱتَّقَىٰٓ ﴿٣٢﴾

Waana kuwa ka fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku asturantihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda dhawrsashada badane.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَفَرَءَيْتَ ٱلَّذِى تَوَلَّىٰ ﴿٣٣﴾

Ka warrama midka xaqa ka jeedsaday.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَعْطَىٰ قَلِيلًۭا وَأَكْدَىٰٓ ﴿٣٤﴾

Oo wax ar bixiyay inta kalana reebtay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَعِندَهُۥ عِلْمُ ٱلْغَيْبِ فَهُوَ يَرَىٰٓ ﴿٣٥﴾

Ma agtiisaa cilmiga maqan yaallaa oo wuu arkaa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَمْ لَمْ يُنَبَّأْ بِمَا فِى صُحُفِ مُوسَىٰ ﴿٣٦﴾

Miyaan looga warramin (dadka) wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِبْرَٰهِيمَ ٱلَّذِى وَفَّىٰٓ ﴿٣٧﴾

Iyo kii (Nabi Ibraahimkii) ee oofiyay (wixii lafaray).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٌۭ وِزْرَ أُخْرَىٰ ﴿٣٨﴾

Inaan nafna dambi naf kale qaadaynin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَن لَّيْسَ لِلْإِنسَٰنِ إِلَّا مَا سَعَىٰ ﴿٣٩﴾

Ruuxna wuxuusan camalfalin heleeynin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَنَّ سَعْيَهُۥ سَوْفَ يُرَىٰ ﴿٤٠﴾

Camalkiisana la arki doono.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ يُجْزَىٰهُ ٱلْجَزَآءَ ٱلْأَوْفَىٰ ﴿٤١﴾

Ka dibna looga abaalmarin doono si buuxda.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلْمُنتَهَىٰ ﴿٤٢﴾

Eebaa xaggiisana loo ahaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَنَّهُۥ هُوَ أَضْحَكَ وَأَبْكَىٰ ﴿٤٣﴾

Eebe waakan wax ka qosliya kana oohiya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَنَّهُۥ هُوَ أَمَاتَ وَأَحْيَا ﴿٤٤﴾

Isagaana wax dila waxna nooleeya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَنَّهُۥ خَلَقَ ٱلزَّوْجَيْنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰ ﴿٤٥﴾

Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

مِن نُّطْفَةٍ إِذَا تُمْنَىٰ ﴿٤٦﴾

Kana ahaysiiyay dhibic soo baxday.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَنَّ عَلَيْهِ ٱلنَّشْأَةَ ٱلْأُخْرَىٰ ﴿٤٧﴾

Isagaana ahaysiin soo celinta kale.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَنَّهُۥ هُوَ أَغْنَىٰ وَأَقْنَىٰ ﴿٤٨﴾

Eebe isagaa wax Hodmiya isagaana wax faqiiriya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَنَّهُۥ هُوَ رَبُّ ٱلشِّعْرَىٰ ﴿٤٩﴾

Waana Eebaha xiddigga Shicra.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَنَّهُۥٓ أَهْلَكَ عَادًا ٱلْأُولَىٰ ﴿٥٠﴾

Eebe isagaa halaagay Caadkii hore.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَثَمُودَا۟ فَمَآ أَبْقَىٰ ﴿٥١﴾

Iyo Thamuudba waxna kama reebin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَقَوْمَ نُوحٍۢ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ هُمْ أَظْلَمَ وَأَطْغَىٰ ﴿٥٢﴾

(Nabi Nuux) Qoomkiisiina horuu (uhalaagay), waxayna ahaayeen kuwa dulmi badan oo xadgudub badan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلْمُؤْتَفِكَةَ أَهْوَىٰ ﴿٥٣﴾

Qoomkii (Nabi Luudhna) wuu riday (Eebe).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَغَشَّىٰهَا مَا غَشَّىٰ ﴿٥٤﴾

Wuxuuna ka daboolay wuxuu ku daboolay (oo caddibaad ah).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ ﴿٥٥﴾

Teebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

هَٰذَا نَذِيرٌۭ مِّنَ ٱلنُّذُرِ ٱلْأُولَىٰٓ ﴿٥٦﴾

Kan (Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah digayaashii hore.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَزِفَتِ ٱلْءَازِفَةُ ﴿٥٧﴾

Wayna dhawaatay Saacaddii Qiyaame.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لَيْسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ كَاشِفَةٌ ﴿٥٨﴾

Wax Eebe ka soo hadhay oo ogna ma jiro (markay dhici).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَفَمِنْ هَٰذَا ٱلْحَدِيثِ تَعْجَبُونَ ﴿٥٩﴾

Ma quraankanaad la yaabantihiin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَتَضْحَكُونَ وَلَا تَبْكُونَ ﴿٦٠﴾

Ood qoslaysaan (idinkoo beenin) oydaanna ooyeynin (cabsi darteed).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَنتُمْ سَٰمِدُونَ ﴿٦١﴾

Idinkoo waliba hilmaansan (islana wayn).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

53:62 Aayadda sujuudka

فَٱسْجُدُوا۟ لِلَّهِ وَٱعْبُدُوا۟ ۩ ﴿٦٢﴾

Ee dadow Eebe u sujuuda caabudana.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

An-Najm Aayadda 1 / 62

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda An-Najm ku saabsan

Suuradda An-Najm (النجم) waa suuradda 53aad ee Quraanka. Waxay leedahay 62 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 27. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.

Magaceeda, النجم, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda An-Najm ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda An-Najm?

Suuradda An-Najm waxay leedahay 62 aayadood.

Suuradda An-Najm ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.

Suuradda An-Najm Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda An-Najm waxay ku jirtaa Juz 27.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda An-Najm?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources