Beddel dhulka ku jira
Allah wuxuu malaa'igta u sheegay inuu dhulka dhigi doono beddel. Wuxuu Aadan baray magacyada wax walba, malaa'igtuna waxay qirtay inay ogyihiin kaliya waxa uu baray.
Muuji aayadaha (4)
وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَٰٓئِكَةِ إِنِّى جَاعِلٌۭ فِى ٱلْأَرْضِ خَلِيفَةًۭ ۖ قَالُوٓا۟ أَتَجْعَلُ فِيهَا مَن يُفْسِدُ فِيهَا وَيَسْفِكُ ٱلدِّمَآءَ وَنَحْنُ نُسَبِّحُ بِحَمْدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَ ۖ قَالَ إِنِّىٓ أَعْلَمُ مَا لَا تَعْلَمُونَ ﴿٣٠﴾
xus markuu ku yidhi Eebahaa Malaa'igta waxaan yeeli Dhulka cid u hadha, oyna dheheen ma waxaad yeeli dhexdeeda cid fasaadisa oo kudaadisa dhiig annagoo ku wayneynayna markaasuu yidhi anigu waxaan ogahay waxaydaan ogayn.
وَعَلَّمَ ءَادَمَ ٱلْأَسْمَآءَ كُلَّهَا ثُمَّ عَرَضَهُمْ عَلَى ٱلْمَلَٰٓئِكَةِ فَقَالَ أَنۢبِـُٔونِى بِأَسْمَآءِ هَٰٓؤُلَآءِ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ ﴿٣١﴾
Eebe wuxuu baray Nabi Aadam magacyada dhammaan, markaasuu u bandhigay Eebe malaa'igtakuna yidhi'iiga warama magacyada kuwaas hadaad runlowtihiin.
قَالُوا۟ سُبْحَٰنَكَ لَا عِلْمَ لَنَآ إِلَّا مَا عَلَّمْتَنَآ ۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْحَكِيمُ ﴿٣٢﴾
waxayna dheheen nasahnidaada Eebow, cilmi malihin waxaad na barto mooyee waxaad tahay adigu wax oge falsan.
قَالَ يَٰٓـَٔادَمُ أَنۢبِئْهُم بِأَسْمَآئِهِمْ ۖ فَلَمَّآ أَنۢبَأَهُم بِأَسْمَآئِهِمْ قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ إِنِّىٓ أَعْلَمُ غَيْبَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَأَعْلَمُ مَا تُبْدُونَ وَمَا كُنتُمْ تَكْتُمُونَ ﴿٣٣﴾
wuxuuna yidhi Eebe Aadamow uga warran magacyadooda, markuu magacyadooda uga warramay yuu yidhi Eebe miyaanan idiin ku dhihin anigu waxaan ogahay waxa ku maqan Samooyinka. iyo inaan ogahay waxaad muujinaysaan iyo waxaad qarsanaysaan.