Suuradda 63aad ee Quraanka

Suuradda Al-Munafiqun

Madani 11 aayadood Juz 28
Al-Munafiqun

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِذَا جَآءَكَ ٱلْمُنَٰفِقُونَ قَالُوا۟ نَشْهَدُ إِنَّكَ لَرَسُولُ ٱللَّهِ ۗ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ إِنَّكَ لَرَسُولُهُۥ وَٱللَّهُ يَشْهَدُ إِنَّ ٱلْمُنَٰفِقِينَ لَكَٰذِبُونَ ﴿١﴾

Markay kuu timaadaan (Nabiyow) munaafiqiintu waxay dhihi waxaan marag ka nahay inaad tahay Rasuul Eebe, Ilaahayna waa ogyahay inaad tahay, rasuulkiisii Eebana wuxuu marag ka yahay inay Munaafiqiintu beenaalayaal yihiin (xaqa niyada).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱتَّخَذُوٓا۟ أَيْمَٰنَهُمْ جُنَّةًۭ فَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ۚ إِنَّهُمْ سَآءَ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ ﴿٢﴾

Dhaartooda (beenta ah) yey ka dhigteen gaashaan, dadkane waxay ka iileen Jidkii Eebe, waxay samayna aad buu u xunyahay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ ءَامَنُوا۟ ثُمَّ كَفَرُوا۟ فَطُبِعَ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ فَهُمْ لَا يَفْقَهُونَ ﴿٣﴾

Saas waxaa ugu wacan inay (xaga muuqda) rumeeyeen haddana (hoosta) ka gaaloobeen, Quluubtoodana waa la daabacay (la daboolay) wax xaq ahna ma kasayaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

۞ وَإِذَا رَأَيْتَهُمْ تُعْجِبُكَ أَجْسَامُهُمْ ۖ وَإِن يَقُولُوا۟ تَسْمَعْ لِقَوْلِهِمْ ۖ كَأَنَّهُمْ خُشُبٌۭ مُّسَنَّدَةٌۭ ۖ يَحْسَبُونَ كُلَّ صَيْحَةٍ عَلَيْهِمْ ۚ هُمُ ٱلْعَدُوُّ فَٱحْذَرْهُمْ ۚ قَٰتَلَهُمُ ٱللَّهُ ۖ أَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ ﴿٤﴾

Haddaad aragto Munaafiqiinta waad la yaabi Jidhkooda, muuqooda, hadday hadlaanna waad dhagaysan hadalkooda, waxaadse moodaa dogobyo la tiirtiiriyey, qayladii yeedhabana way ka cabsadaan, waa Col kuwaasi, Eebena ha lacnado ee xagee loo duufsan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ تَعَالَوْا۟ يَسْتَغْفِرْ لَكُمْ رَسُولُ ٱللَّهِ لَوَّوْا۟ رُءُوسَهُمْ وَرَأَيْتَهُمْ يَصُدُّونَ وَهُم مُّسْتَكْبِرُونَ ﴿٥﴾

Marka lagu dhaho Munaafiqiinta kaalaya ha idiin dambi dhaaf weydiiye Rasuulka Eebe waxay ruxaan Madaxa (diico darteed) waxaad aragtaa iyagoo jeedsan oo iskibrin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

سَوَآءٌ عَلَيْهِمْ أَسْتَغْفَرْتَ لَهُمْ أَمْ لَمْ تَسْتَغْفِرْ لَهُمْ لَن يَغْفِرَ ٱللَّهُ لَهُمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلْفَٰسِقِينَ ﴿٦﴾

Waa isku mid haddaad u dambi dhaaf weydiisid (Nabiyow) iyo haddii kale, marnaba Eebe u dambi dhaafi mahayo, maxaa yeelay Eebe ma hanuuniyo dad Faasiqiin ah.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

هُمُ ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ لَا تُنفِقُوا۟ عَلَىٰ مَنْ عِندَ رَسُولِ ٱللَّهِ حَتَّىٰ يَنفَضُّوا۟ ۗ وَلِلَّهِ خَزَآئِنُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَلَٰكِنَّ ٱلْمُنَٰفِقِينَ لَا يَفْقَهُونَ ﴿٧﴾

Waa kuwa dhihi (Munaafiqiintu) ha quudinina kuwa Rasuulka la jooga intay ka kala tagaan, Eebaa iska leh khasnadaha Samaawaatka iyo Dhulka, haseyeeshee Munaafiqiintu ma fahansana.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَقُولُونَ لَئِن رَّجَعْنَآ إِلَى ٱلْمَدِينَةِ لَيُخْرِجَنَّ ٱلْأَعَزُّ مِنْهَا ٱلْأَذَلَّ ۚ وَلِلَّهِ ٱلْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِۦ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَٰكِنَّ ٱلْمُنَٰفِقِينَ لَا يَعْلَمُونَ ﴿٨﴾

Munaafiqiintu waa kuwa dhihi haddaan Madiino u noqonno waa in kuwa tabarta lihi ka bixiyaan Magaalada kuwa dullaysan, tabar iyo Sharaf Eebaa iska leh Rasuulkiisa iyo Mu'miniinta, haseyeeshee Munaafiqiintu ma oga.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تُلْهِكُمْ أَمْوَٰلُكُمْ وَلَآ أَوْلَٰدُكُمْ عَن ذِكْرِ ٱللَّهِ ۚ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْخَٰسِرُونَ ﴿٩﴾

Kuwa xaqa rumeeyow yaanay idin ka shuqlinin Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu xuska Eebe (daacaddiisa) Ciddii saas fashaana waa mid khasaartay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَنفِقُوا۟ مِن مَّا رَزَقْنَٰكُم مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِىَ أَحَدَكُمُ ٱلْمَوْتُ فَيَقُولَ رَبِّ لَوْلَآ أَخَّرْتَنِىٓ إِلَىٰٓ أَجَلٍۢ قَرِيبٍۢ فَأَصَّدَّقَ وَأَكُن مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ﴿١٠﴾

Bixiyana wax ka mid ah waxa Eebe idinku arsuqay geerida horteeda oo markaas uu yiraahdo (ruuxaan wax baxsan) Eebow maad muddo dhow dib ii dhigtid oon sadaqaysto kuwa suubanna aan ka mid noqdee.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَن يُؤَخِّرَ ٱللَّهُ نَفْسًا إِذَا جَآءَ أَجَلُهَا ۚ وَٱللَّهُ خَبِيرٌۢ بِمَا تَعْمَلُونَ ﴿١١﴾

Naf malageed galayna Eebe dib uma dhigo, Ilaahayna waa ogyahay waxaad Camal falaysaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

Al-Munafiqun Aayadda 1 / 11

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda Al-Munafiqun ku saabsan

Suuradda Al-Munafiqun (المنافقون) waa suuradda 63aad ee Quraanka. Waxay leedahay 11 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 28. Waxaa loo kala saaray suurad Madani ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina kadib.

Magaceeda, المنافقون, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda Al-Munafiqun ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda Al-Munafiqun?

Suuradda Al-Munafiqun waxay leedahay 11 aayadood.

Suuradda Al-Munafiqun ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Madani ah.

Suuradda Al-Munafiqun Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Munafiqun waxay ku jirtaa Juz 28.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda Al-Munafiqun?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources