Suuradda 75aad ee Quraanka

Suuradda Al-Qiyamah

Makki 40 aayadood Juz 29
Al-Qiyamah

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

لَآ أُقْسِمُ بِيَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ ﴿١﴾

Waxaan ku dharaan maalinta qiyaame.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَآ أُقْسِمُ بِٱلنَّفْسِ ٱللَّوَّامَةِ ﴿٢﴾

Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجْمَعَ عِظَامَهُۥ ﴿٣﴾

Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّىَ بَنَانَهُۥ ﴿٤﴾

Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

بَلْ يُرِيدُ ٱلْإِنسَٰنُ لِيَفْجُرَ أَمَامَهُۥ ﴿٥﴾

Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَسْـَٔلُ أَيَّانَ يَوْمُ ٱلْقِيَٰمَةِ ﴿٦﴾

Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَإِذَا بَرِقَ ٱلْبَصَرُ ﴿٧﴾

Markase Araggu Wareero (Taagmo).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَخَسَفَ ٱلْقَمَرُ ﴿٨﴾

Dayuxuna Madoobaado.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَجُمِعَ ٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ ﴿٩﴾

Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَقُولُ ٱلْإِنسَٰنُ يَوْمَئِذٍ أَيْنَ ٱلْمَفَرُّ ﴿١٠﴾

Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كَلَّا لَا وَزَرَ ﴿١١﴾

Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمُسْتَقَرُّ ﴿١٢﴾

Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يُنَبَّؤُا۟ ٱلْإِنسَٰنُ يَوْمَئِذٍۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ ﴿١٣﴾

Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

بَلِ ٱلْإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفْسِهِۦ بَصِيرَةٌۭ ﴿١٤﴾

Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَوْ أَلْقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ ﴿١٥﴾

Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لَا تُحَرِّكْ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعْجَلَ بِهِۦٓ ﴿١٦﴾

Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ عَلَيْنَا جَمْعَهُۥ وَقُرْءَانَهُۥ ﴿١٧﴾

Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَإِذَا قَرَأْنَٰهُ فَٱتَّبِعْ قُرْءَانَهُۥ ﴿١٨﴾

Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا بَيَانَهُۥ ﴿١٩﴾

Annagaana isasaarray Cadaayntiisa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كَلَّا بَلْ تُحِبُّونَ ٱلْعَاجِلَةَ ﴿٢٠﴾

saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَتَذَرُونَ ٱلْءَاخِرَةَ ﴿٢١﴾

Waxaadna ka tagaysaan aakhiro.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۢ نَّاضِرَةٌ ﴿٢٢﴾

Wajiyaal Maalintaas way ifi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٌۭ ﴿٢٣﴾

Eebeheedna way Eegi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَوُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۭ بَاسِرَةٌۭ ﴿٢٤﴾

Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

تَظُنُّ أَن يُفْعَلَ بِهَا فَاقِرَةٌۭ ﴿٢٥﴾

Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كَلَّآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلتَّرَاقِىَ ﴿٢٦﴾

Saas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَقِيلَ مَنْ ۜ رَاقٍۢ ﴿٢٧﴾

Oo la Dhoho uaa ku tufi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَظَنَّ أَنَّهُ ٱلْفِرَاقُ ﴿٢٨﴾

Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلْتَفَّتِ ٱلسَّاقُ بِٱلسَّاقِ ﴿٢٩﴾

Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمَسَاقُ ﴿٣٠﴾

Eebahaa Xaggiisaa la aadi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ ﴿٣١﴾

Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ ﴿٣٢﴾

Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ يَتَمَطَّىٰٓ ﴿٣٣﴾

Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰ ﴿٣٤﴾

Halaag Buuse Mutaa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰٓ ﴿٣٥﴾

Haddana Halaagbuu Mutaa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَٰنُ أَن يُتْرَكَ سُدًى ﴿٣٦﴾

Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَلَمْ يَكُ نُطْفَةًۭ مِّن مَّنِىٍّۢ يُمْنَىٰ ﴿٣٧﴾

Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ كَانَ عَلَقَةًۭ فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ ﴿٣٨﴾

Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَجَعَلَ مِنْهُ ٱلزَّوْجَيْنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰٓ ﴿٣٩﴾

Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَلَيْسَ ذَٰلِكَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحْۦِىَ ٱلْمَوْتَىٰ ﴿٤٠﴾

Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

Al-Qiyamah Aayadda 1 / 40

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda Al-Qiyamah ku saabsan

Suuradda Al-Qiyamah (القيامة) waa suuradda 75aad ee Quraanka. Waxay leedahay 40 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 29. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.

Magaceeda, القيامة, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda Al-Qiyamah ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda Al-Qiyamah?

Suuradda Al-Qiyamah waxay leedahay 40 aayadood.

Suuradda Al-Qiyamah ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.

Suuradda Al-Qiyamah Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Qiyamah waxay ku jirtaa Juz 29.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda Al-Qiyamah?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources