Suuradda 82aad ee Quraanka

Suuradda Al-Infitar

Makki 19 aayadood Juz 30
Al-Infitar

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتْ ﴿١﴾

Markay Samadu Dildillaacdo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا ٱلْكَوَاكِبُ ٱنتَثَرَتْ ﴿٢﴾

Xiddiguhuna daataan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا ٱلْبِحَارُ فُجِّرَتْ ﴿٣﴾

Badahana laysku furo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا ٱلْقُبُورُ بُعْثِرَتْ ﴿٤﴾

Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

عَلِمَتْ نَفْسٌۭ مَّا قَدَّمَتْ وَأَخَّرَتْ ﴿٥﴾

Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَٰٓأَيُّهَا ٱلْإِنسَٰنُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ ٱلْكَرِيمِ ﴿٦﴾

Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلَّذِى خَلَقَكَ فَسَوَّىٰكَ فَعَدَلَكَ ﴿٧﴾

Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فِىٓ أَىِّ صُورَةٍۢ مَّا شَآءَ رَكَّبَكَ ﴿٨﴾

Siduu doonana kuu sameeyey.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كَلَّا بَلْ تُكَذِّبُونَ بِٱلدِّينِ ﴿٩﴾

Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِنَّ عَلَيْكُمْ لَحَٰفِظِينَ ﴿١٠﴾

Malaa'ig baana idin ilaalinaysa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كِرَامًۭا كَٰتِبِينَ ﴿١١﴾

Oo sharaf leh waxna qori.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَعْلَمُونَ مَا تَفْعَلُونَ ﴿١٢﴾

Ogna waxaad falaysaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍۢ ﴿١٣﴾

Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِنَّ ٱلْفُجَّارَ لَفِى جَحِيمٍۢ ﴿١٤﴾

Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَصْلَوْنَهَا يَوْمَ ٱلدِّينِ ﴿١٥﴾

Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَا هُمْ عَنْهَا بِغَآئِبِينَ ﴿١٦﴾

Kamana maqnaadaan Naarta.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلدِّينِ ﴿١٧﴾

Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ مَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلدِّينِ ﴿١٨﴾

Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَوْمَ لَا تَمْلِكُ نَفْسٌۭ لِّنَفْسٍۢ شَيْـًۭٔا ۖ وَٱلْأَمْرُ يَوْمَئِذٍۢ لِّلَّهِ ﴿١٩﴾

Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

Al-Infitar Aayadda 1 / 19

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda Al-Infitar ku saabsan

Suuradda Al-Infitar (الانفطار) waa suuradda 82aad ee Quraanka. Waxay leedahay 19 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.

Magaceeda, الانفطار, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda Al-Infitar ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda Al-Infitar?

Suuradda Al-Infitar waxay leedahay 19 aayadood.

Suuradda Al-Infitar ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.

Suuradda Al-Infitar Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Infitar waxay ku jirtaa Juz 30.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda Al-Infitar?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources