إِذَا ٱلشَّمْسُ كُوِّرَتْ ﴿١﴾
Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada).
Suuradda 81aad ee Quraanka
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
إِذَا ٱلشَّمْسُ كُوِّرَتْ ﴿١﴾
Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada).
وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتْ ﴿٢﴾
Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow).
وَإِذَا ٱلْجِبَالُ سُيِّرَتْ ﴿٣﴾
Buurahana la kexeeyo (La rujiyo).
وَإِذَا ٱلْعِشَارُ عُطِّلَتْ ﴿٤﴾
Geelii rimmanaana la halleeyo.
وَإِذَا ٱلْوُحُوشُ حُشِرَتْ ﴿٥﴾
Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed).
وَإِذَا ٱلْبِحَارُ سُجِّرَتْ ﴿٦﴾
Badahana la kululeeyo.
وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتْ ﴿٧﴾
Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo.
وَإِذَا ٱلْمَوْءُۥدَةُ سُئِلَتْ ﴿٨﴾
Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado.
بِأَىِّ ذَنۢبٍۢ قُتِلَتْ ﴿٩﴾
Maxaa dambi ah oo loo dilay.
وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتْ ﴿١٠﴾
Kutubta (camalkana) la fidiyo.
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتْ ﴿١١﴾
Samadana la rujiyo.
وَإِذَا ٱلْجَحِيمُ سُعِّرَتْ ﴿١٢﴾
Naarta Jaxiimana la huriyo.
وَإِذَا ٱلْجَنَّةُ أُزْلِفَتْ ﴿١٣﴾
Jannadana la dhaweeyo.
عَلِمَتْ نَفْسٌۭ مَّآ أَحْضَرَتْ ﴿١٤﴾
Waxay ogaan nafu waxay camal fashay.
فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلْخُنَّسِ ﴿١٥﴾
Waxaan ku dhaartay «huu Eebe yidhi» Xiddigaha Qarsooma (Maalintii).
ٱلْجَوَارِ ٱلْكُنَّسِ ﴿١٦﴾
Ee socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma.
وَٱلَّيْلِ إِذَا عَسْعَسَ ﴿١٧﴾
Iyo Habecnku markuu jeedsado.
وَٱلصُّبْحِ إِذَا تَنَفَّسَ ﴿١٨﴾
Iyo subaxu markuu soo qaabilo.
إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍۢ كَرِيمٍۢ ﴿١٩﴾
Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah.
ذِى قُوَّةٍ عِندَ ذِى ٱلْعَرْشِ مَكِينٍۢ ﴿٢٠﴾
Xoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh.
مُّطَاعٍۢ ثَمَّ أَمِينٍۢ ﴿٢١﴾
Laguna addeeco halkaas aaminna ah.
وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجْنُونٍۢ ﴿٢٢﴾
Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan.
وَلَقَدْ رَءَاهُ بِٱلْأُفُقِ ٱلْمُبِينِ ﴿٢٣﴾
Horaybuuna ugn arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka).
وَمَا هُوَ عَلَى ٱلْغَيْبِ بِضَنِينٍۢ ﴿٢٤﴾
Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan.
وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَيْطَٰنٍۢ رَّجِيمٍۢ ﴿٢٥﴾
Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay.
فَأَيْنَ تَذْهَبُونَ ﴿٢٦﴾
Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan.
إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌۭ لِّلْعَٰلَمِينَ ﴿٢٧﴾
Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano).
لِمَن شَآءَ مِنكُمْ أَن يَسْتَقِيمَ ﴿٢٨﴾
Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay).
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلْعَٰلَمِينَ ﴿٢٩﴾
Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec.
Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.
Suuradda At-Takwir (التكوير) waa suuradda 81aad ee Quraanka. Waxay leedahay 29 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.
Magaceeda, التكوير, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.
Suuradda At-Takwir waxay leedahay 29 aayadood.
Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.
Suuradda At-Takwir waxay ku jirtaa Juz 30.
Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.
This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources