Suuradda 77aad ee Quraanka

Suuradda Al-Mursalat

Makki 50 aayadood Juz 29
Al-Mursalat

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلْمُرْسَلَٰتِ عُرْفًۭا ﴿١﴾

Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَٱلْعَٰصِفَٰتِ عَصْفًۭا ﴿٢﴾

iyo Dabaysha sida daran u dhabata.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلنَّٰشِرَٰتِ نَشْرًۭا ﴿٣﴾

Iyo Dabaysha roobka kicisa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَٱلْفَٰرِقَٰتِ فَرْقًۭا ﴿٤﴾

Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَٱلْمُلْقِيَٰتِ ذِكْرًا ﴿٥﴾

iyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

عُذْرًا أَوْ نُذْرًا ﴿٦﴾

Si Dadka loo waaniyo looguna digo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَوَٰقِعٌۭ ﴿٧﴾

Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَإِذَا ٱلنُّجُومُ طُمِسَتْ ﴿٨﴾

Markase xiddiguhu Nuurku ka tago.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ فُرِجَتْ ﴿٩﴾

Oo samadu Dildillaacdo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا ٱلْجِبَالُ نُسِفَتْ ﴿١٠﴾

Oo Buuraha la Rujiyo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا ٱلرُّسُلُ أُقِّتَتْ ﴿١١﴾

Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لِأَىِّ يَوْمٍ أُجِّلَتْ ﴿١٢﴾

Maalion wayn oo loo Qabtay Darteed.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لِيَوْمِ ٱلْفَصْلِ ﴿١٣﴾

In dadka la kala Bixiyo Dartiis.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلْفَصْلِ ﴿١٤﴾

Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيْلٌۭ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿١٥﴾

Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَلَمْ نُهْلِكِ ٱلْأَوَّلِينَ ﴿١٦﴾

Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ نُتْبِعُهُمُ ٱلْءَاخِرِينَ ﴿١٧﴾

Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كَذَٰلِكَ نَفْعَلُ بِٱلْمُجْرِمِينَ ﴿١٨﴾

Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيْلٌۭ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿١٩﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَلَمْ نَخْلُقكُّم مِّن مَّآءٍۢ مَّهِينٍۢ ﴿٢٠﴾

Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَجَعَلْنَٰهُ فِى قَرَارٍۢ مَّكِينٍ ﴿٢١﴾

Markaasna yeellay meel ilaashan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِلَىٰ قَدَرٍۢ مَّعْلُومٍۢ ﴿٢٢﴾

Tan iyo Muddo la yaqaanno.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَقَدَرْنَا فَنِعْمَ ٱلْقَٰدِرُونَ ﴿٢٣﴾

Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيْلٌۭ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٢٤﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَلَمْ نَجْعَلِ ٱلْأَرْضَ كِفَاتًا ﴿٢٥﴾

Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَحْيَآءًۭ وَأَمْوَٰتًۭا ﴿٢٦﴾

Nolol iyo Geeriba.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَجَعَلْنَا فِيهَا رَوَٰسِىَ شَٰمِخَٰتٍۢ وَأَسْقَيْنَٰكُم مَّآءًۭ فُرَاتًۭا ﴿٢٧﴾

Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيْلٌۭ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٢٨﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱنطَلِقُوٓا۟ إِلَىٰ مَا كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ ﴿٢٩﴾

Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱنطَلِقُوٓا۟ إِلَىٰ ظِلٍّۢ ذِى ثَلَٰثِ شُعَبٍۢ ﴿٣٠﴾

Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لَّا ظَلِيلٍۢ وَلَا يُغْنِى مِنَ ٱللَّهَبِ ﴿٣١﴾

Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّهَا تَرْمِى بِشَرَرٍۢ كَٱلْقَصْرِ ﴿٣٢﴾

Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كَأَنَّهُۥ جِمَٰلَتٌۭ صُفْرٌۭ ﴿٣٣﴾

Ama aad Mooddo geel madaw ah.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيْلٌۭ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٣٤﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

هَٰذَا يَوْمُ لَا يَنطِقُونَ ﴿٣٥﴾

Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَا يُؤْذَنُ لَهُمْ فَيَعْتَذِرُونَ ﴿٣٦﴾

Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيْلٌۭ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٣٧﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

هَٰذَا يَوْمُ ٱلْفَصْلِ ۖ جَمَعْنَٰكُمْ وَٱلْأَوَّلِينَ ﴿٣٨﴾

Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَإِن كَانَ لَكُمْ كَيْدٌۭ فَكِيدُونِ ﴿٣٩﴾

Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيْلٌۭ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٤٠﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى ظِلَٰلٍۢ وَعُيُونٍۢ ﴿٤١﴾

Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo;

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَفَوَٰكِهَ مِمَّا يَشْتَهُونَ ﴿٤٢﴾

(Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ﴿٤٣﴾

Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ ﴿٤٤﴾

Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيْلٌۭ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٤٥﴾

Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كُلُوا۟ وَتَمَتَّعُوا۟ قَلِيلًا إِنَّكُم مُّجْرِمُونَ ﴿٤٦﴾

(Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale;

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيْلٌۭ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٤٧﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱرْكَعُوا۟ لَا يَرْكَعُونَ ﴿٤٨﴾

Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيْلٌۭ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٤٩﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَبِأَىِّ حَدِيثٍۭ بَعْدَهُۥ يُؤْمِنُونَ ﴿٥٠﴾

Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

Al-Mursalat Aayadda 1 / 50

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda Al-Mursalat ku saabsan

Suuradda Al-Mursalat (المرسلات) waa suuradda 77aad ee Quraanka. Waxay leedahay 50 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 29. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.

Magaceeda, المرسلات, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda Al-Mursalat ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda Al-Mursalat?

Suuradda Al-Mursalat waxay leedahay 50 aayadood.

Suuradda Al-Mursalat ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.

Suuradda Al-Mursalat Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Mursalat waxay ku jirtaa Juz 29.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda Al-Mursalat?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources