عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ ﴿١﴾
Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu).
Suuradda 78aad ee Quraanka
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ ﴿١﴾
Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu).
عَنِ ٱلنَّبَإِ ٱلْعَظِيمِ ﴿٢﴾
Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka).
ٱلَّذِى هُمْ فِيهِ مُخْتَلِفُونَ ﴿٣﴾
Ay isku diiddanaayeen.
كَلَّا سَيَعْلَمُونَ ﴿٤﴾
Saas ma aha ee way ogaan donaan.
ثُمَّ كَلَّا سَيَعْلَمُونَ ﴿٥﴾
Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca).
أَلَمْ نَجْعَلِ ٱلْأَرْضَ مِهَٰدًۭا ﴿٦﴾
Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin.
وَٱلْجِبَالَ أَوْتَادًۭا ﴿٧﴾
Buurahana Rukummo (ka yeelin).
وَخَلَقْنَٰكُمْ أَزْوَٰجًۭا ﴿٨﴾
Miyannaan idinka Abuurina Noocyo.
وَجَعَلْنَا نَوْمَكُمْ سُبَاتًۭا ﴿٩﴾
Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin.
وَجَعَلْنَا ٱلَّيْلَ لِبَاسًۭا ﴿١٠﴾
Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin.
وَجَعَلْنَا ٱلنَّهَارَ مَعَاشًۭا ﴿١١﴾
Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin.
وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًۭا شِدَادًۭا ﴿١٢﴾
Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh.
وَجَعَلْنَا سِرَاجًۭا وَهَّاجًۭا ﴿١٣﴾
Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda).
وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلْمُعْصِرَٰتِ مَآءًۭ ثَجَّاجًۭا ﴿١٤﴾
Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan.
لِّنُخْرِجَ بِهِۦ حَبًّۭا وَنَبَاتًۭا ﴿١٥﴾
Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq.
وَجَنَّٰتٍ أَلْفَافًا ﴿١٦﴾
Iyo Beero kulansan (badan).
إِنَّ يَوْمَ ٱلْفَصْلِ كَانَ مِيقَٰتًۭا ﴿١٧﴾
Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an.
يَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ فَتَأْتُونَ أَفْوَاجًۭا ﴿١٨﴾
Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo.
وَفُتِحَتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتْ أَبْوَٰبًۭا ﴿١٩﴾
Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo.
وَسُيِّرَتِ ٱلْجِبَالُ فَكَانَتْ سَرَابًا ﴿٢٠﴾
Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed.
إِنَّ جَهَنَّمَ كَانَتْ مِرْصَادًۭا ﴿٢١﴾
Naarta Jahannamana waxay u darbantahay.
لِّلطَّٰغِينَ مَـَٔابًۭا ﴿٢٢﴾
(Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan.
لَّٰبِثِينَ فِيهَآ أَحْقَابًۭا ﴿٢٣﴾
Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin.
لَّا يَذُوقُونَ فِيهَا بَرْدًۭا وَلَا شَرَابًا ﴿٢٤﴾
Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna.
إِلَّا حَمِيمًۭا وَغَسَّاقًۭا ﴿٢٥﴾
Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka).
جَزَآءًۭ وِفَاقًا ﴿٢٦﴾
Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii.
إِنَّهُمْ كَانُوا۟ لَا يَرْجُونَ حِسَابًۭا ﴿٢٧﴾
Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab.
وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا كِذَّابًۭا ﴿٢٨﴾
Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga.
وَكُلَّ شَىْءٍ أَحْصَيْنَٰهُ كِتَٰبًۭا ﴿٢٩﴾
Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab.
فَذُوقُوا۟ فَلَن نَّزِيدَكُمْ إِلَّا عَذَابًا ﴿٣٠﴾
Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee.
إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ مَفَازًا ﴿٣١﴾
Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan.
حَدَآئِقَ وَأَعْنَٰبًۭا ﴿٣٢﴾
Beero iyo Cinabyana way heli.
وَكَوَاعِبَ أَتْرَابًۭا ﴿٣٣﴾
Waxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg.
وَكَأْسًۭا دِهَاقًۭا ﴿٣٤﴾
Waxayna heli Cabbid wanaagsan.
لَّا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًۭا وَلَا كِذَّٰبًۭا ﴿٣٥﴾
Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna.
جَزَآءًۭ مِّن رَّبِّكَ عَطَآءً حِسَابًۭا ﴿٣٦﴾
Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan.
رَّبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ٱلرَّحْمَٰنِ ۖ لَا يَمْلِكُونَ مِنْهُ خِطَابًۭا ﴿٣٧﴾
Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada).
يَوْمَ يَقُومُ ٱلرُّوحُ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ صَفًّۭا ۖ لَّا يَتَكَلَّمُونَ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحْمَٰنُ وَقَالَ صَوَابًۭا ﴿٣٨﴾
Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla.
ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلْحَقُّ ۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ مَـَٔابًا ﴿٣٩﴾
Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto.
إِنَّآ أَنذَرْنَٰكُمْ عَذَابًۭا قَرِيبًۭا يَوْمَ يَنظُرُ ٱلْمَرْءُ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ وَيَقُولُ ٱلْكَافِرُ يَٰلَيْتَنِى كُنتُ تُرَٰبًۢا ﴿٤٠﴾
Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo.
Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.
Suuradda An-Naba (النبإ) waa suuradda 78aad ee Quraanka. Waxay leedahay 40 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.
Magaceeda, النبإ, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.
Suuradda An-Naba waxay leedahay 40 aayadood.
Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.
Suuradda An-Naba waxay ku jirtaa Juz 30.
Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.
This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources