عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ ﴿١﴾
Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu).
Suuradda 80aad ee Quraanka
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ ﴿١﴾
Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu).
أَن جَآءَهُ ٱلْأَعْمَىٰ ﴿٢﴾
Inuu u yimid kii Indhaha la'aa.
وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُۥ يَزَّكَّىٰٓ ﴿٣﴾
Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo.
أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ ٱلذِّكْرَىٰٓ ﴿٤﴾
Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo.
أَمَّا مَنِ ٱسْتَغْنَىٰ ﴿٥﴾
Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada).
فَأَنتَ لَهُۥ تَصَدَّىٰ ﴿٦﴾
Ma; Adaa u bambixi.
وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ ﴿٧﴾
Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin.
وَأَمَّا مَن جَآءَكَ يَسْعَىٰ ﴿٨﴾
Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi.
وَهُوَ يَخْشَىٰ ﴿٩﴾
Oo Eeba ka yaabi.
فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ ﴿١٠﴾
Miyaad ka shuqloomi.
كَلَّآ إِنَّهَا تَذْكِرَةٌۭ ﴿١١﴾
Saas ma; aha ee Aayadahani waa waano.
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ ﴿١٢﴾
Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan.
فِى صُحُفٍۢ مُّكَرَّمَةٍۢ ﴿١٣﴾
Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh.
مَّرْفُوعَةٍۢ مُّطَهَّرَةٍۭ ﴿١٤﴾
Oo la kor yeelay lana Daahiriyay.
بِأَيْدِى سَفَرَةٍۢ ﴿١٥﴾
Oy Gacanta ku hayaan Malaa'ig (wax qorta).
كِرَامٍۭ بَرَرَةٍۢ ﴿١٦﴾
Sharafna leh oo baarri ah.
قُتِلَ ٱلْإِنسَٰنُ مَآ أَكْفَرَهُۥ ﴿١٧﴾
Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa.
مِنْ أَىِّ شَىْءٍ خَلَقَهُۥ ﴿١٨﴾
Muxuu Eebe ka abuuray kuwaas.
مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُۥ فَقَدَّرَهُۥ ﴿١٩﴾
Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay.
ثُمَّ ٱلسَّبِيلَ يَسَّرَهُۥ ﴿٢٠﴾
Jidkana wuu u fudaydiyay.
ثُمَّ أَمَاتَهُۥ فَأَقْبَرَهُۥ ﴿٢١﴾
Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa.
ثُمَّ إِذَا شَآءَ أَنشَرَهُۥ ﴿٢٢﴾
Markuu doonana wuu soo bixin.
كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَآ أَمَرَهُۥ ﴿٢٣﴾
Saas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin.
فَلْيَنظُرِ ٱلْإِنسَٰنُ إِلَىٰ طَعَامِهِۦٓ ﴿٢٤﴾
Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa.
أَنَّا صَبَبْنَا ٱلْمَآءَ صَبًّۭا ﴿٢٥﴾
Inaan Roob ku soo shubno.
ثُمَّ شَقَقْنَا ٱلْأَرْضَ شَقًّۭا ﴿٢٦﴾
Dhulkana markaas aan jeexno.
فَأَنۢبَتْنَا فِيهَا حَبًّۭا ﴿٢٧﴾
Kana soo bixinno Midho.
وَعِنَبًۭا وَقَضْبًۭا ﴿٢٨﴾
Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha)
وَزَيْتُونًۭا وَنَخْلًۭا ﴿٢٩﴾
Iyo Zeytuun iyo Timir.
وَحَدَآئِقَ غُلْبًۭا ﴿٣٠﴾
Iyo Beerow waawayn.
وَفَٰكِهَةًۭ وَأَبًّۭا ﴿٣١﴾
Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq.
مَّتَٰعًۭا لَّكُمْ وَلِأَنْعَٰمِكُمْ ﴿٣٢﴾
Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu.
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلصَّآخَّةُ ﴿٣٣﴾
Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka).
يَوْمَ يَفِرُّ ٱلْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ ﴿٣٤﴾
Waa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis.
وَأُمِّهِۦ وَأَبِيهِ ﴿٣٥﴾
Iyo Hooyadiis Iyo Aabihiis.
وَصَٰحِبَتِهِۦ وَبَنِيهِ ﴿٣٦﴾
Iyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii.
لِكُلِّ ٱمْرِئٍۢ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍۢ شَأْنٌۭ يُغْنِيهِ ﴿٣٧﴾
Ruux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa.
وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۢ مُّسْفِرَةٌۭ ﴿٣٨﴾
Wajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi).
ضَاحِكَةٌۭ مُّسْتَبْشِرَةٌۭ ﴿٣٩﴾
Wayna Qosli oy bishaaraysan.
وَوُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌۭ ﴿٤٠﴾
Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli.
تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ ﴿٤١﴾
Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin).
أُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْكَفَرَةُ ٱلْفَجَرَةُ ﴿٤٢﴾
Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun).
Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.
Suuradda 'Abasa (عبس) waa suuradda 80aad ee Quraanka. Waxay leedahay 42 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.
Magaceeda, عبس, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.
Suuradda 'Abasa waxay leedahay 42 aayadood.
Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.
Suuradda 'Abasa waxay ku jirtaa Juz 30.
Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.
This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources