هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْغَٰشِيَةِ ﴿١﴾
Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii.
Suuradda 88aad ee Quraanka
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْغَٰشِيَةِ ﴿١﴾
Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii.
وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍ خَٰشِعَةٌ ﴿٢﴾
Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan.
عَامِلَةٌۭ نَّاصِبَةٌۭ ﴿٣﴾
Waxayna qaban Shaqo dhib ah.
تَصْلَىٰ نَارًا حَامِيَةًۭ ﴿٤﴾
Waxayna gali Naar kulul.
تُسْقَىٰ مِنْ عَيْنٍ ءَانِيَةٍۢ ﴿٥﴾
Waxaana laga waraabin il kulayl daran.
لَّيْسَ لَهُمْ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٍۢ ﴿٦﴾
Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta).
لَّا يُسْمِنُ وَلَا يُغْنِى مِن جُوعٍۢ ﴿٧﴾
Taasoon waxna cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin.
وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۢ نَّاعِمَةٌۭ ﴿٨﴾
Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta).
لِّسَعْيِهَا رَاضِيَةٌۭ ﴿٩﴾
Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii.
فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍۢ ﴿١٠﴾
Janno sarana way gali.
لَّا تَسْمَعُ فِيهَا لَٰغِيَةًۭ ﴿١١﴾
Kumana maqasho Jannada hadal macna darro.
فِيهَا عَيْنٌۭ جَارِيَةٌۭ ﴿١٢﴾
Waxaana ah dhexdeed il socota.
فِيهَا سُرُرٌۭ مَّرْفُوعَةٌۭ ﴿١٣﴾
iyo Sariiro la koryeelay.
وَأَكْوَابٌۭ مَّوْضُوعَةٌۭ ﴿١٤﴾
Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha).
وَنَمَارِقُ مَصْفُوفَةٌۭ ﴿١٥﴾
Iyo Barkimooyin la safay.
وَزَرَابِىُّ مَبْثُوثَةٌ ﴿١٦﴾
Iyo gogol la fidiyay.
أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى ٱلْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ ﴿١٧﴾
Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray.
وَإِلَى ٱلسَّمَآءِ كَيْفَ رُفِعَتْ ﴿١٨﴾
Iyo sida Samada loo koryeelay.
وَإِلَى ٱلْجِبَالِ كَيْفَ نُصِبَتْ ﴿١٩﴾
Iyo sida Ruuraha loo taagay,
وَإِلَى ٱلْأَرْضِ كَيْفَ سُطِحَتْ ﴿٢٠﴾
Iyo sida dhulka loo fidiyay.
فَذَكِّرْ إِنَّمَآ أَنتَ مُذَكِّرٌۭ ﴿٢١﴾
Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow).
لَّسْتَ عَلَيْهِم بِمُصَيْطِرٍ ﴿٢٢﴾
Mana tihid mid xoog ku leh (qasab).
إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ ﴿٢٣﴾
Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa).
فَيُعَذِّبُهُ ٱللَّهُ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَكْبَرَ ﴿٢٤﴾
Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn.
إِنَّ إِلَيْنَآ إِيَابَهُمْ ﴿٢٥﴾
Xagganagayna u soo noqon (khalqigu).
ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا حِسَابَهُم ﴿٢٦﴾
Annagaana xisaabin.
Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.
Suuradda Al-Ghashiyah (الغاشية) waa suuradda 88aad ee Quraanka. Waxay leedahay 26 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.
Magaceeda, الغاشية, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.
Suuradda Al-Ghashiyah waxay leedahay 26 aayadood.
Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.
Suuradda Al-Ghashiyah waxay ku jirtaa Juz 30.
Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.
This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources