Suuradda 89aad ee Quraanka

Suuradda Al-Fajr

Makki 30 aayadood Juz 30
Al-Fajr

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلْفَجْرِ ﴿١﴾

Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَيَالٍ عَشْرٍۢ ﴿٢﴾

Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلشَّفْعِ وَٱلْوَتْرِ ﴿٣﴾

Iyo Tirada siman iyo tan is dheer.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلَّيْلِ إِذَا يَسْرِ ﴿٤﴾

Iyo Habeenku markuu tagayu.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

هَلْ فِى ذَٰلِكَ قَسَمٌۭ لِّذِى حِجْرٍ ﴿٥﴾

Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ ﴿٦﴾

Ma ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِرَمَ ذَاتِ ٱلْعِمَادِ ﴿٧﴾

Ee ahaa Irama xooggana lahaa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلَّتِى لَمْ يُخْلَقْ مِثْلُهَا فِى ٱلْبِلَٰدِ ﴿٨﴾

Wax la mid ahna aan iugu abuurin dhulka.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَثَمُودَ ٱلَّذِينَ جَابُوا۟ ٱلصَّخْرَ بِٱلْوَادِ ﴿٩﴾

Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَفِرْعَوْنَ ذِى ٱلْأَوْتَادِ ﴿١٠﴾

lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلَّذِينَ طَغَوْا۟ فِى ٱلْبِلَٰدِ ﴿١١﴾

kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَأَكْثَرُوا۟ فِيهَا ٱلْفَسَادَ ﴿١٢﴾

12 Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَصَبَّ عَلَيْهِمْ رَبُّكَ سَوْطَ عَذَابٍ ﴿١٣﴾

Markaasaana Eeba ku shubay Caddibaad daran.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ رَبَّكَ لَبِٱلْمِرْصَادِ ﴿١٤﴾

Maxaayeelay Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَأَمَّا ٱلْإِنسَٰنُ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ رَبُّهُۥ فَأَكْرَمَهُۥ وَنَعَّمَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَكْرَمَنِ ﴿١٥﴾

Marks Eebe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَمَّآ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيْهِ رِزْقَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَهَٰنَنِ ﴿١٦﴾

Haddiise Eebe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كَلَّا ۖ بَل لَّا تُكْرِمُونَ ٱلْيَتِيمَ ﴿١٧﴾

Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَا تَحَٰٓضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ ﴿١٨﴾

Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَتَأْكُلُونَ ٱلتُّرَاثَ أَكْلًۭا لَّمًّۭا ﴿١٩﴾

Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَتُحِبُّونَ ٱلْمَالَ حُبًّۭا جَمًّۭا ﴿٢٠﴾

Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كَلَّآ إِذَا دُكَّتِ ٱلْأَرْضُ دَكًّۭا دَكًّۭا ﴿٢١﴾

Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَجَآءَ رَبُّكَ وَٱلْمَلَكُ صَفًّۭا صَفًّۭا ﴿٢٢﴾

Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo safan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَجِا۟ىٓءَ يَوْمَئِذٍۭ بِجَهَنَّمَ ۚ يَوْمَئِذٍۢ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَٰنُ وَأَنَّىٰ لَهُ ٱلذِّكْرَىٰ ﴿٢٣﴾

Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَقُولُ يَٰلَيْتَنِى قَدَّمْتُ لِحَيَاتِى ﴿٢٤﴾

Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَيَوْمَئِذٍۢ لَّا يُعَذِّبُ عَذَابَهُۥٓ أَحَدٌۭ ﴿٢٥﴾

Malintaas sida Eebe wax ruux u Cadaabi ma jiro.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَا يُوثِقُ وَثَاقَهُۥٓ أَحَدٌۭ ﴿٢٦﴾

Wax sida Eebe wax u xidhina ma jiro.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَٰٓأَيَّتُهَا ٱلنَّفْسُ ٱلْمُطْمَئِنَّةُ ﴿٢٧﴾

Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱرْجِعِىٓ إِلَىٰ رَبِّكِ رَاضِيَةًۭ مَّرْضِيَّةًۭ ﴿٢٨﴾

U noqo Eebaha adoo raalli ah lagana raalli noqday.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَٱدْخُلِى فِى عِبَٰدِى ﴿٢٩﴾

dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱدْخُلِى جَنَّتِى ﴿٣٠﴾

Galna Jannadayda.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

Al-Fajr Aayadda 1 / 30

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda Al-Fajr ku saabsan

Suuradda Al-Fajr (الفجر) waa suuradda 89aad ee Quraanka. Waxay leedahay 30 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.

Magaceeda, الفجر, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda Al-Fajr ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda Al-Fajr?

Suuradda Al-Fajr waxay leedahay 30 aayadood.

Suuradda Al-Fajr ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.

Suuradda Al-Fajr Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Fajr waxay ku jirtaa Juz 30.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda Al-Fajr?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources