سَبِّحِ ٱسْمَ رَبِّكَ ٱلْأَعْلَى ﴿١﴾
Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya.
Suuradda 87aad ee Quraanka
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
سَبِّحِ ٱسْمَ رَبِّكَ ٱلْأَعْلَى ﴿١﴾
Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya.
ٱلَّذِى خَلَقَ فَسَوَّىٰ ﴿٢﴾
Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna.
وَٱلَّذِى قَدَّرَ فَهَدَىٰ ﴿٣﴾
Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey.
وَٱلَّذِىٓ أَخْرَجَ ٱلْمَرْعَىٰ ﴿٤﴾
Eebaha soo bixiya Daaqa.
فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحْوَىٰ ﴿٥﴾
Kana dhiga markaas ka dib caws ingagagan oo Madow.
سَنُقْرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ ﴿٦﴾
Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid.
إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُ ۚ إِنَّهُۥ يَعْلَمُ ٱلْجَهْرَ وَمَا يَخْفَىٰ ﴿٧﴾
Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
وَنُيَسِّرُكَ لِلْيُسْرَىٰ ﴿٨﴾
Waxaana kuu fududaynhaynaa Waddo fiican.
فَذَكِّرْ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكْرَىٰ ﴿٩﴾
Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu.
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخْشَىٰ ﴿١٠﴾
Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee.
وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلْأَشْقَى ﴿١١﴾
Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune.
ٱلَّذِى يَصْلَى ٱلنَّارَ ٱلْكُبْرَىٰ ﴿١٢﴾
Ee ah mid gali Naar wayn.
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ ﴿١٣﴾
Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn.
قَدْ أَفْلَحَ مَن تَزَكَّىٰ ﴿١٤﴾
Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda.
وَذَكَرَ ٱسْمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ ﴿١٥﴾
magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada.
بَلْ تُؤْثِرُونَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا ﴿١٦﴾
Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw.
وَٱلْءَاخِرَةُ خَيْرٌۭ وَأَبْقَىٰٓ ﴿١٧﴾
Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi).
إِنَّ هَٰذَا لَفِى ٱلصُّحُفِ ٱلْأُولَىٰ ﴿١٨﴾
Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore.
صُحُفِ إِبْرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ ﴿١٩﴾
Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse.
Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.
Suuradda Al-A'la (الأعلى) waa suuradda 87aad ee Quraanka. Waxay leedahay 19 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.
Magaceeda, الأعلى, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.
Suuradda Al-A'la waxay leedahay 19 aayadood.
Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.
Suuradda Al-A'la waxay ku jirtaa Juz 30.
Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.
This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources