Suuradda 84aad ee Quraanka

Suuradda Al-Inshiqaq

Makki 25 aayadood Juz 30
Al-Inshiqaq

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنشَقَّتْ ﴿١﴾

Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ ﴿٢﴾

Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَإِذَا ٱلْأَرْضُ مُدَّتْ ﴿٣﴾

Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَلْقَتْ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتْ ﴿٤﴾

Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ ﴿٥﴾

Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَٰٓأَيُّهَا ٱلْإِنسَٰنُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدْحًۭا فَمُلَٰقِيهِ ﴿٦﴾

Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ ﴿٧﴾

Ruusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu'minkee).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَسَوْفَ يُحَاسَبُ حِسَابًۭا يَسِيرًۭا ﴿٨﴾

Waxaa la xisaabin xisaab fudud.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيَنقَلِبُ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ مَسْرُورًۭا ﴿٩﴾

Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ وَرَآءَ ظَهْرِهِۦ ﴿١٠﴾

Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَسَوْفَ يَدْعُوا۟ ثُبُورًۭا ﴿١١﴾

Wuxuu u yeedhan Halaag.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَيَصْلَىٰ سَعِيرًا ﴿١٢﴾

Wuxuuna gali Naarta Saciira.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّهُۥ كَانَ فِىٓ أَهْلِهِۦ مَسْرُورًا ﴿١٣﴾

Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّهُۥ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ ﴿١٤﴾

Wuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

بَلَىٰٓ إِنَّ رَبَّهُۥ كَانَ بِهِۦ بَصِيرًۭا ﴿١٥﴾

Saas ma ahee Eebe waa arkaa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلشَّفَقِ ﴿١٦﴾

Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلَّيْلِ وَمَا وَسَقَ ﴿١٧﴾

Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلْقَمَرِ إِذَا ٱتَّسَقَ ﴿١٨﴾

Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لَتَرْكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٍۢ ﴿١٩﴾

Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan/

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَمَا لَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ ﴿٢٠﴾

Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

84:21 Aayadda sujuudka

وَإِذَا قُرِئَ عَلَيْهِمُ ٱلْقُرْءَانُ لَا يَسْجُدُونَ ۩ ﴿٢١﴾

Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يُكَذِّبُونَ ﴿٢٢﴾

Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا يُوعُونَ ﴿٢٣﴾

Eebana waa ogyahay waxay qarsan.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ ﴿٢٤﴾

Ugu bishaaree caddibaad daran.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍۭ ﴿٢٥﴾

Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go'aynin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

Al-Inshiqaq Aayadda 1 / 25

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda Al-Inshiqaq ku saabsan

Suuradda Al-Inshiqaq (الانشقاق) waa suuradda 84aad ee Quraanka. Waxay leedahay 25 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.

Magaceeda, الانشقاق, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda Al-Inshiqaq ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda Al-Inshiqaq?

Suuradda Al-Inshiqaq waxay leedahay 25 aayadood.

Suuradda Al-Inshiqaq ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.

Suuradda Al-Inshiqaq Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Inshiqaq waxay ku jirtaa Juz 30.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda Al-Inshiqaq?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources