Suuradda 85aad ee Quraanka

Suuradda Al-Buruj

Makki 22 aayadood Juz 30
Al-Buruj

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلْبُرُوجِ ﴿١﴾

Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلْيَوْمِ ٱلْمَوْعُودِ ﴿٢﴾

Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَشَاهِدٍۢ وَمَشْهُودٍۢ ﴿٣﴾

Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قُتِلَ أَصْحَٰبُ ٱلْأُخْدُودِ ﴿٤﴾

Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلْوَقُودِ ﴿٥﴾

Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌۭ ﴿٦﴾

Gaaladiina ay korfadiyeen Godka.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَهُمْ عَلَىٰ مَا يَفْعَلُونَ بِٱلْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌۭ ﴿٧﴾

iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah».

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَا نَقَمُوا۟ مِنْهُمْ إِلَّآ أَن يُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ ﴿٨﴾

Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلَّذِى لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ شَهِيدٌ ﴿٩﴾

Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُوا۟ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ ثُمَّ لَمْ يَتُوبُوا۟ فَلَهُمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمْ عَذَابُ ٱلْحَرِيقِ ﴿١٠﴾

Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمْ جَنَّٰتٌۭ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ ۚ ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْكَبِيرُ ﴿١١﴾

Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّ بَطْشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ ﴿١٢﴾

Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّهُۥ هُوَ يُبْدِئُ وَيُعِيدُ ﴿١٣﴾

Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَهُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلْوَدُودُ ﴿١٤﴾

Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ذُو ٱلْعَرْشِ ٱلْمَجِيدُ ﴿١٥﴾

Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَعَّالٌۭ لِّمَا يُرِيدُ ﴿١٦﴾

Wuuna falaa wuxuu doono.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْجُنُودِ ﴿١٧﴾

Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فِرْعَوْنَ وَثَمُودَ ﴿١٨﴾

Fircoon iyo Thamuud.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فِى تَكْذِيبٍۢ ﴿١٩﴾

Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطٌۢ ﴿٢٠﴾

Eebana waa koobay (kamana baxsadaan).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

بَلْ هُوَ قُرْءَانٌۭ مَّجِيدٌۭ ﴿٢١﴾

Waase Quraan sharaf leh.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فِى لَوْحٍۢ مَّحْفُوظٍۭ ﴿٢٢﴾

Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

Al-Buruj Aayadda 1 / 22

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda Al-Buruj ku saabsan

Suuradda Al-Buruj (البروج) waa suuradda 85aad ee Quraanka. Waxay leedahay 22 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.

Magaceeda, البروج, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda Al-Buruj ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda Al-Buruj?

Suuradda Al-Buruj waxay leedahay 22 aayadood.

Suuradda Al-Buruj ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.

Suuradda Al-Buruj Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Buruj waxay ku jirtaa Juz 30.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda Al-Buruj?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources