أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ ﴿١﴾
Ka warrama kan beenin Abaalmarinta (Qiyaamada).
Suuradda 107aad ee Quraanka
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ ﴿١﴾
Ka warrama kan beenin Abaalmarinta (Qiyaamada).
فَذَٰلِكَ ٱلَّذِى يَدُعُّ ٱلْيَتِيمَ ﴿٢﴾
Kaas xooga Agoonta (xageeda).
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ ﴿٣﴾
Aan kuna boorrinaynin quudinta miskiinka.
فَوَيْلٌۭ لِّلْمُصَلِّينَ ﴿٤﴾
Waxaa halaag u sugnaaday kuwa tukan (waa Munaafiqiinta).
ٱلَّذِينَ هُمْ عَن صَلَاتِهِمْ سَاهُونَ ﴿٥﴾
Ee haddana halmaansan Salaaddooda.
ٱلَّذِينَ هُمْ يُرَآءُونَ ﴿٦﴾
Dadkana is tusiya.
وَيَمْنَعُونَ ٱلْمَاعُونَ ﴿٧﴾
Una diida alaabta (Laysugu kaalmeeyo).
Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.
Suuradda Al-Ma'un (الماعون) waa suuradda 107aad ee Quraanka. Waxay leedahay 7 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.
Magaceeda, الماعون, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.
Suuradda Al-Ma'un waxay leedahay 7 aayadood.
Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.
Suuradda Al-Ma'un waxay ku jirtaa Juz 30.
Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.
This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources