Suuradda 86aad ee Quraanka

Suuradda At-Tariq

Makki 17 aayadood Juz 30
At-Tariq

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ ﴿١﴾

Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلطَّارِقُ ﴿٢﴾

Ma taqaan Xiddigga guura.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ٱلنَّجْمُ ٱلثَّاقِبُ ﴿٣﴾

Waa Xiddig ifa.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِن كُلُّ نَفْسٍۢ لَّمَّا عَلَيْهَا حَافِظٌۭ ﴿٤﴾

Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَلْيَنظُرِ ٱلْإِنسَٰنُ مِمَّ خُلِقَ ﴿٥﴾

Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

خُلِقَ مِن مَّآءٍۢ دَافِقٍۢ ﴿٦﴾

Waxaa laga abuuray Biyo booda.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَخْرُجُ مِنۢ بَيْنِ ٱلصُّلْبِ وَٱلتَّرَآئِبِ ﴿٧﴾

Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّهُۥ عَلَىٰ رَجْعِهِۦ لَقَادِرٌۭ ﴿٨﴾

Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَوْمَ تُبْلَى ٱلسَّرَآئِرُ ﴿٩﴾

Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَمَا لَهُۥ مِن قُوَّةٍۢ وَلَا نَاصِرٍۢ ﴿١٠﴾

Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجْعِ ﴿١١﴾

Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلْأَرْضِ ذَاتِ ٱلصَّدْعِ ﴿١٢﴾

Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّهُۥ لَقَوْلٌۭ فَصْلٌۭ ﴿١٣﴾

Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَا هُوَ بِٱلْهَزْلِ ﴿١٤﴾

Ciyaarra ma aha (ee waa dhab).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِنَّهُمْ يَكِيدُونَ كَيْدًۭا ﴿١٥﴾

Gaaladu waxbay dhakri.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَكِيدُ كَيْدًۭا ﴿١٦﴾

Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَمَهِّلِ ٱلْكَٰفِرِينَ أَمْهِلْهُمْ رُوَيْدًۢا ﴿١٧﴾

Ee u sug Gaalada wax yar.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

At-Tariq Aayadda 1 / 17

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda At-Tariq ku saabsan

Suuradda At-Tariq (الطارق) waa suuradda 86aad ee Quraanka. Waxay leedahay 17 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.

Magaceeda, الطارق, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda At-Tariq ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda At-Tariq?

Suuradda At-Tariq waxay leedahay 17 aayadood.

Suuradda At-Tariq ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.

Suuradda At-Tariq Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda At-Tariq waxay ku jirtaa Juz 30.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda At-Tariq?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources