ٱقْرَأْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلَّذِى خَلَقَ ﴿١﴾
Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga).
Suuradda 96aad ee Quraanka
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
ٱقْرَأْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلَّذِى خَلَقَ ﴿١﴾
Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga).
خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ مِنْ عَلَقٍ ﴿٢﴾
Dadkana ka abuuray Calaq.
ٱقْرَأْ وَرَبُّكَ ٱلْأَكْرَمُ ﴿٣﴾
Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe.
ٱلَّذِى عَلَّمَ بِٱلْقَلَمِ ﴿٤﴾
Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro.
عَلَّمَ ٱلْإِنسَٰنَ مَا لَمْ يَعْلَمْ ﴿٥﴾
Dadkana baray waxayna aqoonin.
كَلَّآ إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لَيَطْغَىٰٓ ﴿٦﴾
Saas ma aha ee Dadku (Gaaladu) waa gudbeen.
أَن رَّءَاهُ ٱسْتَغْنَىٰٓ ﴿٧﴾
Markuu isku ogaaday Hodontinnimo.
إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلرُّجْعَىٰٓ ﴿٨﴾
Eebaha xaggiisaase loo noqon.
أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يَنْهَىٰ ﴿٩﴾
Ka warrama midka ka reebaya.
عَبْدًا إِذَا صَلَّىٰٓ ﴿١٠﴾
Addoon (Eebe) oo tukan Salaadda.
أَرَءَيْتَ إِن كَانَ عَلَى ٱلْهُدَىٰٓ ﴿١١﴾
Bal ka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsanyahay (waa Nabiga).
أَوْ أَمَرَ بِٱلتَّقْوَىٰٓ ﴿١٢﴾
Ama uu fari Eeba ka yaabid.
أَرَءَيْتَ إِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰٓ ﴿١٣﴾
Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay (xaqa) kana jeedsaday (waa AbuuJahal iyo wixii la mid ahe).
أَلَمْ يَعْلَم بِأَنَّ ٱللَّهَ يَرَىٰ ﴿١٤﴾
Miyuusan ogayn in Eebe arko.
كَلَّا لَئِن لَّمْ يَنتَهِ لَنَسْفَعًۢا بِٱلنَّاصِيَةِ ﴿١٥﴾
Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban Foodda.
نَاصِيَةٍۢ كَٰذِبَةٍ خَاطِئَةٍۢ ﴿١٦﴾
Food beenaleey ah ghafna badan.
فَلْيَدْعُ نَادِيَهُۥ ﴿١٧﴾
Ha u yeedho gargaarihiisa.
سَنَدْعُ ٱلزَّبَانِيَةَ ﴿١٨﴾
Waxaanu u yeedhi Malaa'ig darane.
كَلَّا لَا تُطِعْهُ وَٱسْجُدْ وَٱقْتَرِب ۩ ﴿١٩﴾
Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin Sujuudna una dhawow (Eebe).
Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.
Suuradda Al-'Alaq (العلق) waa suuradda 96aad ee Quraanka. Waxay leedahay 19 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.
Magaceeda, العلق, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.
Suuradda Al-'Alaq waxay leedahay 19 aayadood.
Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.
Suuradda Al-'Alaq waxay ku jirtaa Juz 30.
Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.
This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources