Suuradda 90aad ee Quraanka

Suuradda Al-Balad

Makki 20 aayadood Juz 30
Al-Balad

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

لَآ أُقْسِمُ بِهَٰذَا ٱلْبَلَدِ ﴿١﴾

Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan».

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَنتَ حِلٌّۢ بِهَٰذَا ٱلْبَلَدِ ﴿٢﴾

Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَوَالِدٍۢ وَمَا وَلَدَ ﴿٣﴾

Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka».

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

لَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ فِى كَبَدٍ ﴿٤﴾

Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَيَحْسَبُ أَن لَّن يَقْدِرَ عَلَيْهِ أَحَدٌۭ ﴿٥﴾

Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَقُولُ أَهْلَكْتُ مَالًۭا لُّبَدًا ﴿٦﴾

Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَيَحْسَبُ أَن لَّمْ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ ﴿٧﴾

Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَلَمْ نَجْعَل لَّهُۥ عَيْنَيْنِ ﴿٨﴾

Miyaannaan u yeelin Laba indhood.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلِسَانًۭا وَشَفَتَيْنِ ﴿٩﴾

Iyo Carrab iyo Laba bishimood.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَهَدَيْنَٰهُ ٱلنَّجْدَيْنِ ﴿١٠﴾

Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَلَا ٱقْتَحَمَ ٱلْعَقَبَةَ ﴿١١﴾

Ee Dadku muu jiidho Jiirta.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْعَقَبَةُ ﴿١٢﴾

Ma taqaannaa Jiirta.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَكُّ رَقَبَةٍ ﴿١٣﴾

Waa qoor la xoreeyo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَوْ إِطْعَٰمٌۭ فِى يَوْمٍۢ ذِى مَسْغَبَةٍۢ ﴿١٤﴾

Iyo cunno la siiyo maalin gaajo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَتِيمًۭا ذَا مَقْرَبَةٍ ﴿١٥﴾

Agoon kuu dhaw.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أَوْ مِسْكِينًۭا ذَا مَتْرَبَةٍۢ ﴿١٦﴾

Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلصَّبْرِ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلْمَرْحَمَةِ ﴿١٧﴾

Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

أُو۟لَٰٓئِكَ أَصْحَٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ ﴿١٨﴾

Kuwaasina waa kuwa Midigta mari.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا هُمْ أَصْحَٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ ﴿١٩﴾

Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

عَلَيْهِمْ نَارٌۭ مُّؤْصَدَةٌۢ ﴿٢٠﴾

Waxaana lagu dabooli Naar.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

Al-Balad Aayadda 1 / 20

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda Al-Balad ku saabsan

Suuradda Al-Balad (البلد) waa suuradda 90aad ee Quraanka. Waxay leedahay 20 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.

Magaceeda, البلد, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda Al-Balad ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda Al-Balad?

Suuradda Al-Balad waxay leedahay 20 aayadood.

Suuradda Al-Balad ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.

Suuradda Al-Balad Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Balad waxay ku jirtaa Juz 30.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda Al-Balad?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources