Suuradda 91aad ee Quraanka

Suuradda Ash-Shams

Makki 15 aayadood Juz 30
Ash-Shams

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلشَّمْسِ وَضُحَىٰهَا ﴿١﴾

Eebe wuxuu ku dhaartay Qorraxda iyo Barqinkeeda.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلْقَمَرِ إِذَا تَلَىٰهَا ﴿٢﴾

Iyo Dayuxu markuu Qorraxda raaco.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلنَّهَارِ إِذَا جَلَّىٰهَا ﴿٣﴾

Iyo Maalintu markay ifiso.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰهَا ﴿٤﴾

Iyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلسَّمَآءِ وَمَا بَنَىٰهَا ﴿٥﴾

Iyo Samada iyo say u dhisantahay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَٱلْأَرْضِ وَمَا طَحَىٰهَا ﴿٦﴾

Iyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَنَفْسٍۢ وَمَا سَوَّىٰهَا ﴿٧﴾

Iyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَأَلْهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقْوَىٰهَا ﴿٨﴾

Una tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

قَدْ أَفْلَحَ مَن زَكَّىٰهَا ﴿٩﴾

Ee waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَقَدْ خَابَ مَن دَسَّىٰهَا ﴿١٠﴾

Waxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِطَغْوَىٰهَآ ﴿١١﴾

Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

إِذِ ٱنۢبَعَثَ أَشْقَىٰهَا ﴿١٢﴾

Marku tagay koodi xumaa (si uu hasha u dilo).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَقَالَ لَهُمْ رَسُولُ ٱللَّهِ نَاقَةَ ٱللَّهِ وَسُقْيَٰهَا ﴿١٣﴾

Oo Rasuulkii Eebana ku yidhi, iska daaya Hasha Eebe iyo Cabbideeda.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمْدَمَ عَلَيْهِمْ رَبُّهُم بِذَنۢبِهِمْ فَسَوَّىٰهَا ﴿١٤﴾

Wayna beeniyeen Rasuulkii Hashiina way Dileen markaasaa Eebe si daran u caddibay Dambigooda dartiis.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَلَا يَخَافُ عُقْبَٰهَا ﴿١٥﴾

Isagoon Eebe ka yaabaynin cidhib (iyo wax yeello)

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

Ash-Shams Aayadda 1 / 15

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda Ash-Shams ku saabsan

Suuradda Ash-Shams (الشمس) waa suuradda 91aad ee Quraanka. Waxay leedahay 15 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.

Magaceeda, الشمس, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda Ash-Shams ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda Ash-Shams?

Suuradda Ash-Shams waxay leedahay 15 aayadood.

Suuradda Ash-Shams ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.

Suuradda Ash-Shams Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda Ash-Shams waxay ku jirtaa Juz 30.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda Ash-Shams?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources