وَٱلضُّحَىٰ ﴿١﴾
Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka.
Suuradda 93aad ee Quraanka
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
وَٱلضُّحَىٰ ﴿١﴾
Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka.
وَٱلَّيْلِ إِذَا سَجَىٰ ﴿٢﴾
Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado).
مَا وَدَّعَكَ رَبُّكَ وَمَا قَلَىٰ ﴿٣﴾
Inaan Eebe ka tagin Nabiyow kuuna cadhoonin.
وَلَلْءَاخِرَةُ خَيْرٌۭ لَّكَ مِنَ ٱلْأُولَىٰ ﴿٤﴾
Aakharana kaaga khayr badan Aduunka.
وَلَسَوْفَ يُعْطِيكَ رَبُّكَ فَتَرْضَىٰٓ ﴿٥﴾
Eebaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon.
أَلَمْ يَجِدْكَ يَتِيمًۭا فَـَٔاوَىٰ ﴿٦﴾
Miyuusan ku helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin.
وَوَجَدَكَ ضَآلًّۭا فَهَدَىٰ ﴿٧﴾
Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin.
وَوَجَدَكَ عَآئِلًۭا فَأَغْنَىٰ ﴿٨﴾
Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu waxyoonin).
فَأَمَّا ٱلْيَتِيمَ فَلَا تَقْهَرْ ﴿٩﴾
Ee Agoonta ha xoogin (hana dhihin).
وَأَمَّا ٱلسَّآئِلَ فَلَا تَنْهَرْ ﴿١٠﴾
Ka wax su'aalina ha canaanan.
وَأَمَّا بِنِعْمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثْ ﴿١١﴾
Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi).
Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.
Suuradda Ad-Duha (الضحى) waa suuradda 93aad ee Quraanka. Waxay leedahay 11 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.
Magaceeda, الضحى, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.
Suuradda Ad-Duha waxay leedahay 11 aayadood.
Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.
Suuradda Ad-Duha waxay ku jirtaa Juz 30.
Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.
This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources