وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰ ﴿١﴾
Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo.
Suuradda 92aad ee Quraanka
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰ ﴿١﴾
Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo.
وَٱلنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ ﴿٢﴾
Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto).
وَمَا خَلَقَ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰٓ ﴿٣﴾
Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba.
إِنَّ سَعْيَكُمْ لَشَتَّىٰ ﴿٤﴾
In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay.
فَأَمَّا مَنْ أَعْطَىٰ وَٱتَّقَىٰ ﴿٥﴾
Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada.
وَصَدَّقَ بِٱلْحُسْنَىٰ ﴿٦﴾
Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal).
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلْيُسْرَىٰ ﴿٧﴾
Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican).
وَأَمَّا مَنۢ بَخِلَ وَٱسْتَغْنَىٰ ﴿٨﴾
Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya».
وَكَذَّبَ بِٱلْحُسْنَىٰ ﴿٩﴾
Reeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal).
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلْعُسْرَىٰ ﴿١٠﴾
Waxaan u fududaynaa Jidka xun.
وَمَا يُغْنِى عَنْهُ مَالُهُۥٓ إِذَا تَرَدَّىٰٓ ﴿١١﴾
Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo.
إِنَّ عَلَيْنَا لَلْهُدَىٰ ﴿١٢﴾
Annagaa wax hanuuninna.
وَإِنَّ لَنَا لَلْءَاخِرَةَ وَٱلْأُولَىٰ ﴿١٣﴾
Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh.
فَأَنذَرْتُكُمْ نَارًۭا تَلَظَّىٰ ﴿١٤﴾
Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran.
لَا يَصْلَىٰهَآ إِلَّا ٱلْأَشْقَى ﴿١٥﴾
Oosan galaynin Ruux xun mooyeen.
ٱلَّذِى كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ ﴿١٦﴾
Oo xaqa beeniyay jeedsadayna.
وَسَيُجَنَّبُهَا ٱلْأَتْقَى ﴿١٧﴾
Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada.
ٱلَّذِى يُؤْتِى مَالَهُۥ يَتَزَكَّىٰ ﴿١٨﴾
Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo.
وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُۥ مِن نِّعْمَةٍۢ تُجْزَىٰٓ ﴿١٩﴾
Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin.
إِلَّا ٱبْتِغَآءَ وَجْهِ رَبِّهِ ٱلْأَعْلَىٰ ﴿٢٠﴾
Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya.
وَلَسَوْفَ يَرْضَىٰ ﴿٢١﴾
Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.
Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.
Suuradda Al-Layl (الليل) waa suuradda 92aad ee Quraanka. Waxay leedahay 21 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.
Magaceeda, الليل, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.
Suuradda Al-Layl waxay leedahay 21 aayadood.
Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.
Suuradda Al-Layl waxay ku jirtaa Juz 30.
Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.
This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources