أَلَمْ نَشْرَحْ لَكَ صَدْرَكَ ﴿١﴾
Miyannaan kuu waasicinin Laabta (ku nuurinin).
Suuradda 94aad ee Quraanka
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
أَلَمْ نَشْرَحْ لَكَ صَدْرَكَ ﴿١﴾
Miyannaan kuu waasicinin Laabta (ku nuurinin).
وَوَضَعْنَا عَنكَ وِزْرَكَ ﴿٢﴾
Oonaan ka dajinin culayskii.
ٱلَّذِىٓ أَنقَضَ ظَهْرَكَ ﴿٣﴾
dhabarka kaa cusleeyay.
وَرَفَعْنَا لَكَ ذِكْرَكَ ﴿٤﴾
Miyaannaan kor yeelin magacaaga (xusiddaada).
فَإِنَّ مَعَ ٱلْعُسْرِ يُسْرًا ﴿٥﴾
Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd (faraj).
إِنَّ مَعَ ٱلْعُسْرِ يُسْرًۭا ﴿٦﴾
Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd.
فَإِذَا فَرَغْتَ فَٱنصَبْ ﴿٧﴾
Ee markaad Salaadda dhammayso isku dhib (Samo fal).
وَإِلَىٰ رَبِّكَ فَٱرْغَب ﴿٨﴾
Eebana (Khayr) ka rajee.
Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.
Suuradda Ash-Sharh (الشرح) waa suuradda 94aad ee Quraanka. Waxay leedahay 8 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay ka hor guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina.
Magaceeda, الشرح, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.
Suuradda Ash-Sharh waxay leedahay 8 aayadood.
Waxaa loo kala saaray suurad Makki ah.
Suuradda Ash-Sharh waxay ku jirtaa Juz 30.
Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.
This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources