Suuradda 99aad ee Quraanka

Suuradda Az-Zalzalah

Madani 8 aayadood Juz 30
Az-Zalzalah

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِذَا زُلْزِلَتِ ٱلْأَرْضُ زِلْزَالَهَا ﴿١﴾

Marka DHulka la gilgilo.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَأَخْرَجَتِ ٱلْأَرْضُ أَثْقَالَهَا ﴿٢﴾

Dhulkuna soo bixiyo culaykiisii (wixii ku aasnaa).

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَقَالَ ٱلْإِنسَٰنُ مَا لَهَا ﴿٣﴾

Dadkuna (Gaaladuna) dhahaan maxay leedahay.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَوْمَئِذٍۢ تُحَدِّثُ أَخْبَارَهَا ﴿٤﴾

Maalintaas waxay ka sheekayn warkeeda.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

بِأَنَّ رَبَّكَ أَوْحَىٰ لَهَا ﴿٥﴾

Maxaayeelay Eebaa u waxyooday.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

يَوْمَئِذٍۢ يَصْدُرُ ٱلنَّاسُ أَشْتَاتًۭا لِّيُرَوْا۟ أَعْمَٰلَهُمْ ﴿٦﴾

Maalintaas Dadku way soo bixi iyagoo kala tagsan (xagga Diinta iyo Camalkaba) si ay u arkaaan camalkooda.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

فَمَن يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ خَيْرًۭا يَرَهُۥ ﴿٧﴾

Ruuxiise wax yaroo khayra fala wuu arki.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

وَمَن يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍۢ شَرًّۭا يَرَهُۥ ﴿٨﴾

Kiise wax yar oo shar fala wuu arki.

Tafsiir al-Muyassar (Carabi)

Az-Zalzalah Aayadda 1 / 8

Qoraalka Carabiga: far Cusmaani ah. Turjumaadda Soomaaliga: Mahmud Muhammad Abduh. Codka: everyayah.com.

Suuradda Az-Zalzalah ku saabsan

Suuradda Az-Zalzalah (الزلزلة) waa suuradda 99aad ee Quraanka. Waxay leedahay 8 aayadood waxayna ku jirtaa Juz 30. Waxaa loo kala saaray suurad Madani ah, taasoo macnaheedu yahay inay inta badan soo degtay guuritaankii (Hijrada) Nabiga ee Madiina kadib.

Magaceeda, الزلزلة, waa sida suuradda loogu yaqaan af Carabi.

Su'aalaha Suuradda Az-Zalzalah ku saabsan

Immisa aayadood ayaa ku jira Suuradda Az-Zalzalah?

Suuradda Az-Zalzalah waxay leedahay 8 aayadood.

Suuradda Az-Zalzalah ma Makki baa mise Madani?

Waxaa loo kala saaray suurad Madani ah.

Suuradda Az-Zalzalah Juz kee ayay ku jirtaa?

Suuradda Az-Zalzalah waxay ku jirtaa Juz 30.

Xaggee ka dhegaysan karaa Suuradda Az-Zalzalah?

Taabo Ciyaar boggan si aad u maqasho aayad aayad, oo ay akhriyayo Abdur-Rahman As-Sudais, Mishary Alafasy, Mahmoud Khalil Al-Husary, Abdul Basit Abdus-Samad, Maher Al-Muaiqly, Saad Al-Ghamdi, Ahmad Al-Ajmi, Abu Bakr Ash-Shatri, Hani Ar-Rifai, Mohamed Siddiq Al-Minshawi, Ali Al-Hudhaify, Muhammad Ayyub, Abdullah Basfar, Yasser Ad-Dosari, Nasser Al-Qatami, Salah Al-Budair, Saud Ash-Shuraim, Abdullah Awad Al-Juhany, Muhammad Jibreel.

This page is translated with machine assistance and may contain mistakes. The English and Arabic versions are our reference. About our sources