Ka tagidda kan ugu wanaagsan ee abuurayaasha
Ilyaas wuxuu dadkiisa weydiiyay: “Ma Bacal ayaad u yeedhaysaan oo aad ka tagaysaan kan ugu wanaagsan ee abuurayaasha, Allah, Rabbigiinna iyo Rabbiga aabbayaashiin hore?” Wey been abuurteen. Allah wuxuu badbaadiyay addoomadiisa daacadda ah, wuxuuna Ilyaas ugu daayay xusid wanaagsan jiilalka dambe: “Nabad korkii Ilyaasiin.” Meel kale waxaa lagu tiriyay kuwa wanaagsan.
Muuji aayadaha (11)
وَإِنَّ إِلْيَاسَ لَمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ ﴿١٢٣﴾
Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada.
إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِۦٓ أَلَا تَتَّقُونَ ﴿١٢٤﴾
Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn).
أَتَدْعُونَ بَعْلًۭا وَتَذَرُونَ أَحْسَنَ ٱلْخَٰلِقِينَ ﴿١٢٥﴾
Mawaxaad baryeysaan Bacli (Sanam) ood ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya.
ٱللَّهَ رَبَّكُمْ وَرَبَّ ءَابَآئِكُمُ ٱلْأَوَّلِينَ ﴿١٢٦﴾
Ee ah Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore.
فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمْ لَمُحْضَرُونَ ﴿١٢٧﴾
Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab).
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ ﴿١٢٨﴾
Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr).
وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِى ٱلْءَاخِرِينَ ﴿١٢٩﴾
Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah).
سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِلْ يَاسِينَ ﴿١٣٠﴾
Nabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa.
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ ﴿١٣١﴾
Saasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala.
إِنَّهُۥ مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُؤْمِنِينَ ﴿١٣٢﴾
Wuxuuna ka midyahay adoomadanada mu'miniinta ah.
وَزَكَرِيَّا وَيَحْيَىٰ وَعِيسَىٰ وَإِلْيَاسَ ۖ كُلٌّۭ مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ﴿٨٥﴾
Iyo Zakariye, Yaxye, Ciise ILYaas, Dhammaana waxay ahaayeen kuwo Suubban,