Waxa la yidhaahdo salaadda dhammaystirkeeda ka dib
((أَسْتَغْفِرُ اللَّهَ (ثَلاَثَاً) اللَّهُمَّ أَنْتَ السَّلاَمُ، وَمِنْكَ السَّلاَمُ، تَبَارَكْتَ يَا ذَا الْجَلاَلِ وَالْإِكْرَامِ)).
(Waxaan Allaah dambi dhaaf weydiistaa.(saddex jeer) (Allaahow, adigu waxaad tahay As-Salaam, nabadda oo dhanna adigaa laga helaa, waad barakaysan tahay, Haystaha weynaanta iyo sharafta.) (As-Salaam: Kan ka nasahan cilladaha iyo nuqsaanka oo dhan.))
((لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ [ثلاثاً]، اللَّهُمَّ لاَ مَانِعَ لِمَا أَعْطَيْتَ، وَلاَ مُعْطِيَ لِمَا مَنَعْتَ، وَلاَ يَنْفَعُ ذَا الْجَدِّ مِنْكَ الجَدُّ)).
(Cid la caabudi karo ma jirto Allaah mooyee, isagoo keliya ah oo shariik la’aan ah, mulkigu isagaa leh, mahadna isagaa leh, wuxuuna xoog u leeyahay wax walba. Allaahow, ma jirto cid mamnuuci karta wixii aad doonto inaad bixiso, mana jirto cid bixin karta wixii aad doonto inaad mamnuucdo, hodannimo iyo sharafna qofna ma anfaaciso, maxaa yeelay hodannimada iyo sharafta oo dhan adigaa laga helaa.)
((لَا إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ، وَلَهُ الْحَمدُ، وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ. لاَ حَوْلَ وَلاَ قُوَّةَ إِلاَّ بِاللَّهِ، لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ، وَلاَ نَعْبُدُ إِلاَّ إِيَّاهُ, لَهُ النِّعْمَةُ وَلَهُ الْفَضْلُ وَلَهُ الثَّنَاءُ الْحَسَنُ، لَا إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ وَلَوْ كَرِهَ الكَافِرُونَ)).
(Cid la caabudi karo ma jirto Allaah mooyee, isagoo keliya ah oo shariik la’aan ah, mulkigu isagaa leh, mahadna isagaa leh, wuxuuna xoog u leeyahay wax walba. Awood iyo xoog majiro Allaah mooyee, cid la caabudi karo ma jirto Allaah mooyee, innaguna cid kale ma caabudno isaga mooyee. Isagaa leh nicmada oo dhan, fadliga iyo ammaanta quruxda badan. Cid la caabudi karo ma jirto Allaah mooyee, innaguna waxaan isaga u daacad nahay diinta iyo caabudaadda, in kastoo gaaladu necbaatay.)
((سُبْحَانَ اللَّهِ، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ، وَاللَّهُ أَكْبَرُ (ثلاثاً وثلاثين) لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ)).
(Allaah waa nasahan yahay, mahad oo dhan waa Allaah, Allaahna waa ugu weyn.(soddon iyo saddex jeer) (Cid la caabudi karo ma jirto Allaah mooyee, isagoo keliya ah oo shariik la’aan ah, mulkigu isagaa leh, mahadna isagaa leh, wuxuuna xoog u leeyahay wax walba.))
بسم الله الرحمن الرحيم ﴿قُلْ هُوَ اللَّهُ أَحَدٌ اللَّهُ الصَّمَدُ لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ وَلَمْ يَكُن لَّهُ كُفُواً أَحَدٌ﴾، بسم الله الرحمن الرحيم ﴿قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ مِن شَرِّ مَا خَلَقَ وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ وَمِن شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ﴾،بسم الله الرحمن الرحيم ﴿قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ مَلِكِ النَّاسِ إِلَهِ النَّاسِ مِن شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ مِنَ الْجِنَّةِ وَ النَّاسِ﴾ بَعْدَ كُلِّ صَلاَةٍ.
Saddexda Suurad ee soo socota waa in la akhriyaa hal mar ka dib salaadaha Dhuhr, 'Asr iyo 'Ishaa, saddex jeerna ka dib salaadaha Fajr iyo Maghrib.[Suuradda al-Ikhlaas (112)] [Suuradda al-Falaq (113)] [Suuradda an-Naas (114)]
﴿اللَّهُ لاَ إِلَهَ إِلاَّ هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ لاَ تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلاَ نَوْمٌ لَّهُ مَا فِي السَّمَوَاتِ وَمَا فِي الأَرْضِ مَن ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِنْدَهُ إِلاَّ بِإِذْنِهِ يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلاَ يُحِيطُونَ بِشَيْءٍ مِّنْ عِلْمِهِ إِلاَّ بِمَا شَاءَ وَسِعَ كُرْسِيُّهُ السَّمَوَاتِ وَالأَرْضَ وَلاَ يَؤُودُهُ حِفْظُهُمَا وَهُوَ الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ﴾ عَقِبَ كلِّ صَلاَةٍ.
Sidoo kale waa Sunno in la akhriyo Aayat ul-Kursee salaad kasta ka dib:[Suuradda al-Baqarah, Aayadda 255]
((لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ يُحْيِي وَيُمِيتُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ)) عَشْرَ مَرّاتٍ بَعْدَ صَلاةِ الْمَغْرِبِ وَالصُّبْحِ.
(Cid la caabudi karo ma jirto Allaah mooyee, isagoo keliya ah oo shariik la’aan ah, mulkigu isagaa leh, mahadna isagaa leh, isagaa nooleeya oo isagaa dilaa, wuxuuna xoog u leeyahay wax walba.(toban jeer ka dib salaadaha maghrib iyo fajr))
((اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ عِلْماً نافِعاً، وَرِزْقاً طَيِّباً، وَعَمَلاً مُتَقَبَّلاً)) بَعْدَ السّلامِ مِنْ صَلاَةِ الفَجْرِ.
(Allaahow, waxaan ku weydiistaa aqoon anfaca, risiq wanaagsan, iyo camal la aqbalo.)(Waa in la yidhaahdaa ka dib markii salaanta laga dhammeeyo salaadda fajr)