Fadliga xusidda Allah
قَالَ صلى الله عليه وسلم مَنْ قَالَ: سُبْحَانَ اللَّهِ وَبِحَمْدِهِ فِي يَوْمٍ مِائَةَ مَرَّةٍ حُطَّتْ خَطَايَاهُ وَلَوْ كَانَتْ مِثْلَ زَبَدِ الْبَحْر)).
(Qof kasta oo yidhaahda:(Allaah waa nasahan yahay, waanan ku mahadinayaa.) boqol jeer maalintii, dambiyadiisa waa la tirtiraa, xataa haddii ay u eg yihiin xumbada badda.)
وَقَالَ صلى الله عليه وسلم: ((مَنْ قَالَ لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ، وَلَهُ الْحَمْدُ، وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ عَشْرَ مِرَارٍ، كَانَ كَمَنْ أَعْتَقَ أَرْبَعَةَ أَنْفُسٍ مِنْ وَلَدِ إِسْمَاعِيلَ)).
(Abu Hurayrah wuxuu sheegay in Rasuulka Allaah ﷺ yidhi: ‘Qof kasta oo yidhaahda: (Cid la caabudi karo ma jirto Allaah mooyee, isagoo keliya ah oo shariik la’aan ah. Mulkigu isagaa leh, mahadna isagaa leh, wuxuuna xoog u leeyahay wax walba.) boqol jeer maalintii, wuxuu helayaa abaalmarinta xoreynta toban addoon, boqol camal wanaagsan ayaa loo qoraa, boqol camal xun ayaa laga tirtiraa, wuxuuna helayaa magan shaydaanka maalintaas ilaa fiidka, cidina wax ka wanaagsan ma keeni doonto marka laga reebo qof wax ka badan sameeyey.)
وَقَالَ صلى الله عليه وسلم: ((كَلِمَتَانِ خَفِيفَتَانِ عَلَى اللِّسَانِ، ثَقِيلَتَانِ فِي الْمِيزَانِ، حَبِيبَتَانِ إِلَى الرَّحْمَنِ: سُبْحَانَ اللَّهِ وَبِحَمْدِهِ، سُبْحانَ اللَّهِ الْعَظِيمِ)).
(Aboo Hurayrah wuxuu sheegay in Rasuulka Allaah ﷺ yidhi:’(Waxaa jira) Laba eray, (kuwaas oo) ka fudud carrabka, ka culus Miisaanka oo Ka Naxariista Badanka ku jecel: (Allaah waa nasahan yahay, waanan ku mahadinayaa. Allaah waa nasahan yahay, Kan Weyn.))
وَقَالَ صلى الله عليه وسلم: ((لَأَنْ أَقُولَ سُبْحَانَ اللَّهِ، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ، وَلاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ، وَاللَّهُ أَكْبَرُ، أَحَبُّ إِلَيَّ مِمَّا طَلَعَتْ عَلَيْهِ الشَّمسُ)).
(Aboo Hurayrah wuxuu sheegay in Rasuulka Allaah ﷺ yidhi: ‘In la yidhaahdo: (Allaah waa nasahan yahay, mahad oo dhan waa Allaah. Cid la caabudi karo ma jirto Allaah mooyee, Allaahna waa ugu weyn.) ayaa iga jecel wax kasta oo qorraxdu soo baxdo.)
وَقَالَ صلى الله عليه وسلم: ((أَيَعْجِزُ أَحَدُكُم أَنْ يَكْسِبَ كُلَّ يَوْمٍ أَلْفَ حَسَنَةٍ)) فَسَأَلَهُ سَائِلٌ مِنْ جُلَسَائِهِ كَيْفَ يَكْسِبُ أَحَدُنَا أَلْفَ حَسَنَةٍ؟ قَالَ: ((يُسَبِّحُ مِائَةَ تَسْبِيحَةٍ، فَيُكتَبُ لَهُ أَلْفُ حَسَنَةٍ أَوْ يُحَطُّ عَنْهُ أَلْفُ خَطِيئَةٍ)).
(Sa’d wuxuu yidhi: ‘Waxaan fadhiynay Rasuulka Allaah ﷺ agtiisa, wuxuuna yidhi: ‘Ma jiraa mid idinka mid ah oo awoodi waaya inuu helo kun camal wanaagsan maalin kasta?’ Qof ayaa weydiiyey: Sidee qofku u helaa kun camal wanaagsan? Wuxuu ku jawaabay: ‘Waa inuu yidhaahdaa: (Allaah waa nasahan yahay.) boqol jeer, maxaa yeelay kun camal wanaagsan ayaa loo qoraa ama kun camal xun ayaa laga tirtiraa.)
((مَنْ قَالَ: سُبْحَانَ اللَّهِ الْعَظِيمِ وَبِحَمْدِهِ غُرِسَتْ لَهُ نَخْلَةٌ فِي الْجَنَّةِ)).
(Jaabir wuxuu ruwaayay in Nabigu yidhi: ‘Qof kasta oo yidhaahda: (Allaah waa nasahan yahay. Kan Weyn, waanan ku mahadinayaa.) geed timir ah ayaa Jannada loogu beeraa.)
وَقَالَ صلى الله عليه وسلم: ((يَا عَبْدَ اللَّهِ بْنَ قَيْسٍ أَلاَ أَدُلُّكَ عَلَى كَنْزٍ مِنْ كُنُوزِ الْجَنَّةِ))؟ فَقُلْتُ: بَلَى يَا رَسُولَ اللَّهِ، قَالَ: ((قُلْ لاَ حَوْلَ وَلاَ قُوَّةَ إِلاَّ بِاللَّهِ)).
(AAabdullaah Ibn Qays wuxuu ruwaayay in Nabigu ku yidhi: ‘ AAabdullaah Ibn Qays, ma kuu sheegi maan khasnad ka mid ah khasnadaha Jannada?’ Kaddibna wuxuu yidhi: ‘Dheh: (Awood iyo xoog majiro Allaah mooyee.))
وَقَالَ صلى الله عليه وسلم: ((أَحَبُّ الْكَلاَمِ إِلَى اللَّهِ أَرْبَعٌ: سُبْحَانَ اللَّهِ، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ، وَلاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ، وَاللَّهُ أَكْبَرُ، لاَ يَضُرُّكَ بِأَيِّهِنَّ بَدَأتَ)).
(erayada Allaah ugu jecel waa afar: (Allaah waa nasahan yahay, mahad oo dhan waa Allaah. Cid la caabudi karo ma jirto Allaah mooyee, Allaahna waa ugu weyn.))(ma muhiim aha midkood aad ka bilowdo.)
جَاءَ أَعْرَابِيٌّ إِلَى رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم فَقَالَ: عَلِّمْنِي كَلاماً أَقُولُهُ: قَالَ: ((قُلْ: لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ، اللَّهُ أَكْبَرُ كَبِيراً، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ كَثِيراً، سُبْحَانَ اللَّهِ رَبِّ العَالَمِينَ، لاَ حَوْلَ وَلاَ قُوَّةَ إِلاَّ بِاللَّهِ الْعَزِيزِ الْحَكِيمِ)) قَالَ: فَهَؤُلاَءِ لِرَبِّي، فَمَا لِي؟ قَالَ: ((قُلْ: اللَّهُمَّ اغْفِرْ لِي، وَارْحَمْنِي، وَاهْدِنِي، وَارْزُقْنِي)).
(SaAAd Ibn Abee Waqqaas wuxuu ruwaayay in nin u yimid Rasuulka Allaah ﷺ oo ku yidhi: ‘Bar wax aan dhaho?’ Wuxuu yidhi: ‘Dheh: (Cid la caabudi karo ma jirto Allaah mooyee, isagoo keliya ah oo shariik la’aan ah. Allaah waa ugu weyn, mahad badanna waa Allaah. Allaah waa nasahan yahay, Rabbiga caalamyada. Awood iyo xoog majiro Allaah mooyee, Kan Sarreeya ee Adkaada, Xikmadda Leh.) ninkii ayaa yidhi: ‘Kuwanu waa Rabbigayga, aniguse maxaa ii ah?’ Wuxuu ku jawaabay: ‘Dheh:(Allaahow, i dhaaf, igu naxariiso, i hanuuni oo i arzaaq.))
كَانَ الرَّجُلُ إِذَا أَسْلَمَ عَلَّمَهُ النَّبيُّ صلى الله عليه وسلم الصَّلاَةَ ثُمَّ أَمَرَهُ أَنْ يَدْعُوَ بِهَؤُلاَءِ الْكَلِمَاتِ: ((اللَّهُمَّ اغْفِرِ لِي، وَارْحَمْنِي، وَاهْدِنِي، وَعَافِنِي وَارْزُقْنِي)).
(Taariq Al-AshjaAAee wuxuu yidhi: ‘Marka qof Islaamka galo, Nabigu wuxuu baran jiray sida salaadda loo tukado, kaddibna wuxuu faraa inuu ku duceeyo erayadan: (Allaahow, i dhaaf, igu naxariiso, i hanuuni, caafimaad i sii oo i arzaaq.))
((إِنَّ أَفْضَلَ الدُّعَاءِ الْحَمْدُ لِلَّهِ، وَأَفْضَلَ الذِّكْرِ لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ)).
(Jaabir Ibn ‘AAabdullaah wuxuu ruwaayay in Rasuulka Allaah ﷺ yidhi: ‘Hubaal, ducada ugu wanaagsan waa: (Mahad oo dhan waa Allaah.) runtiina, xusuusta ugu wanaagsan waa: (Cid la caabudi karo ma jirto Allaah mooyee.))
الباقيات الصالحات : سبحان الله والحمد لله ، ولا إله إلا الله ،والله أكبر ،و لا حول ولا قوة إلا بالله
Camalada wanaagsan ee waaraya waa 'Allaah waa la nasahaysiiyaa', iyo 'Mahadda waa Allaah', iyo 'Cid la caabudi karo ma jirto Allaah mooyee', iyo 'Allaah waa Ka Ugu Weyn', iyo 'Awood iyo xoog majiro Allaah mooyee'