Towbada iyo dalbashada dhaafidda
قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم: ((وَاللَّهِ إِنِّي لأَسْتَغفِرُ اللَّهَ وَأَتُوبُ إِلَيْهِ فِي الْيَوْمِ أَكْثَرَ مِنْ سَبْعِينَ مَرَّةٍ)).
(Rasuulka Allaah ﷺ wuxuu yidhi: ‘Allaah ku dhaaran, waxaan Allaah dambi dhaaf weydiistaa oo ku towbad keenaa in ka badan toddobaatan jeer maalintii.)
وَقَالَ صلى الله عليه وسلم: ((يَا أَيُّهَا النَّاسُ تُوبُوا إِلَى اللَّهِ فَإِنِّي أَتُوبُ فِي الْيَوْمِ إِلَيْهِ مِائَةَ مَرَّةٍ)).
(Wuxuu kaloo yidhi: ‘Dadow, towbad keena! Hubaal anigu waxaan Allaah ku towbad keenaa boqol jeer maalintii.)
وَقَالَ صلى الله عليه وسلم: ((مَنْ قَالَ أَسْتَغْفِرُ اللَّهَ الْعَظيمَ الَّذِي لاَ إِلَهَ إِلاَّ هُوَ الْحَيُّ القَيّوُمُ وَأَتُوبُ إِلَيهِ، غَفَرَ اللَّهُ لَهُ وَإِنْ كَانَ فَرَّ مِنَ الزَّحْفِ)).
(Wuxuu kaloo yidhi: ‘Qof kasta oo yiraahda:(Waxaan Allaah dambi dhaaf weydiistaa, kan aan cid la caabudi karin isaga mooyee, Ka Nool, Ka Joogtada ah oo Taageera wax walba, anigoo isaga ku towbad keenaya.) Allaah wuu dambi dhaafi xataa haddii uu ahaa mid ka cararay dagaalka markii ciidanku soo hormarayey.)
وَقَالَ صلى الله عليه وسلم: ((أَقْرَبُ مَا يَكُونُ الرَّبُّ مِنَ الْعَبْدِ فِي جَوْفِ اللَّيْلِ الآخِرِ فَإِنِ اسْتَطَعْتَ أَنْ تَكُونَ مِمَّنْ يَذْكُرُ اللَّهَ فِي تِلْكَ السَّاعَةِ فَكُنْ)).
(Wuxuu yidhi: ‘Marka ugu dhow ee Rabbigu addoonkiisa ugu dhowaado waa badhtamaha habeenka, haddaba haddii aad awooddo inaad ka mid noqoto kuwa wakhtigaas Allaah xusuusta, sidaas ahow.)
وَقَالَ صلى الله عليه وسلم: ((أَقْرَبُ مَا يَكُونُ الْعَبْدُ مِنْ رَبِّهِ وَهُوَ سَاجِدٌ فَأَكثِرُوا الدُّعَاءَ)).
(Wuxuu kaloo yidhi: ‘Marka ugu dhow ee addoonku Rabbigiis ugu dhow yahay waa markuu sujuudayo, haddaba halkaas ducada badiya.)
وَقَالَ صلى الله عليه وسلم: ((إِنَّهُ لَيُغَانُ عَلَى قَلْبِي وَإِنِّي لأَسْتَغْفِرُ اللَّهَ فِي الْيَوْمِ مِائَةَ مَرَّةٍ)).
(Wuxuu kaloo yidhi: ‘Hubaal qalbigayga wuu mashquulaa, anigaana Allaah dambi dhaaf weydiistaa boqol jeer maalintii.)(mashquul: waxaa loola jeedaa xaalad ‘hilmaan’. Nabigu had iyo jeer wuxuu kordhin jiray xusuusta Rabbigiis, si uu u helo dhowaansho Allaah iyo wacyi Allaah, ilaa heer haddii xooggaan intaa yaraado, wuxuu u arki jiray dambi, kaddibna wuxuu u dhaqaaqi jiray inuu Allaah dambi dhaaf weydiisto.)