((الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي أَطْعَمَنِي هَذَا، وَرَزَقَنِيهِ، مِنْ غَيْرِ حَوْلٍ مِنِّي وَلاَ قُوَّةٍ)).
(Mahad oo dhan waa Allaah kan i quudiyey kan oo igu arzaaqay anigoon awood iyo xoog ka lahayn naftayda.)
((الْحَمْدُ لِلَّهِ حَمْداً كَثِيراً طَيِّباً مُبَارَكاً فِيهِ، غَيْرَ [مَكْفِيٍّ وَلاَ ] مُوَدَّعٍ، وَلاَ مُسْتَغْنَىً عَنْهُ رَبَّنَا)).
(Mahad ha u ahaato Allaah, mahad badan, wanaagsan oo barakaysan, mahad aan dhammaanayn, mahad aan ka tegi doonin oo aan looga maarmi karin, isagu waa Rabbigayaga.)(Waxaa jira fikrado kale oo ku saabsan fahamka ducadaan, kuwaas oo ka mid ah: Mahad ha u ahaato Allaah, mahad badan, wanaagsan oo barakaysan. Isagu waa kan wax quudiya oo aan la quudin. Kan loo hanqal taago, oo wixii agtiisa ah la rajeeyo, kan loo baahan yahay, isagu waa Rabbigayaga.)